tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

ISIS oo sheegatay weerar ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska

_95726631_6a8a86ad-4755-4282-ad58-43a4b3a436a3

Muqdisho (RBC Radio) Askari ka tirsan booliska Paris ayaa badhtamaha magaalada lugu dilay labo kalana dhaawac ayaa soo gaaray,markii ciidamada amniga uu soo weerarray nin hubeysan.

Weerarka oo xalay dhacay waxaa ay sheegen ciidamada ammaanka in toogasho lugu dilay ninka fuliyay,kaaso rasaas ku furay ciidamo ku sugnaa Champs-Elysees.

Madaxweynaha dalka Faransiiska,Francois Hollande ayaa weerarka cambaareeyay,wuxuuna markiiba ku sheegay weerarka mid argagixiso.

Hollande, ayaa sheegay dowladda inay tallaabo qaadeyso,wuxuuna maanta kulan deg deg ah la leeyahay golihiisa nabadgelyada ee xukuumadiisa,madaxweynaha ayaa sidoo kale xalay markii weerarka dhacay kaddib kulan la qaatay ra’isal wasaaraha iyo wasiirka arimaha gudaha.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu sheegay in qaranku taageero buuxda la garab taaganyahay ciidamada nabad gelyada isla markaana maamuus qaran lagu aasi doono askarta booliska ah ee la dilay.

Kooxda la baxday dawladda Islaamka ayaa sheegtay in mid ka mid ah dagaal-yahannadeedu uu weerarkaa qaaday.

Faransiiska weerarrada ay sheeganayaan kooxda dowladda Islaamka isku magacowda ayaa ku soo batay,waxaana weerarkii xalay kaddib ay ku dhawaaqen dhawr ka mid ah musharaxiinta ka qayb galaya tartanka doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta in ololohoodii joojiyey si ay u muujiyaan tixgalinta ay u hayaan shacabka iyo xukuumadda Faransiiska.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *