tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Madaxweyne Gaas: Dhibka ka taagan Soomaaliya waxaa looga bixikara haddii laga dhabeeyo dhismaha ciidamo qaran

IMG_0825

Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay xalka kaliya ee lugu heli karo nabadda Soomaaliya inay tahay in la dhiso ciidamo qaran oo ka shaqeeya xasillonida dalka.

Cabdiweli oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay maamulka uu hoggaamiye inay diyaar u yihiin sidii ay dowladda faderaalka ugala shaqeyn lahaayeen dhismaha ciidamo qaran.

“Dhismaha ciidan qaran ee Soomaliyeed waxaa hormuud ka noqon doona dowladda Faderaalka,anagana wixii nagaga aadan hawshaa ayaa nalaka rabaa inaanu fulino, haddii siday tahay loo hirgeliyo waxaanu rajaynaynaa inuu noqdo qorshe wanaagsan oo Soomaaliya dhibta ay kujirto ka saari kara”. ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli.

Cabdiweli oo si hadlaya,wuxuu sheegay ‘Waddanku inuu xasilo oo shidada iyo dhibaatada Al-shabaab laga saaro waa guul, isla markaana in lahelo ciidan sumad sooliyeed leh oo dadka u adeega oo aan dhibaatayn shacabka, ayaanu rajaynaynaa Insha Allah.”

Wuxuu ku soo aaday hadalkan xilli dowladda faderaalka ay wado dadaallo lugu dhisayo ciidamo qaran,kuwaas oo gobollada dalka oo dhan laga qorayo.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *