tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Talo soo jeedin ku saabsan wax Sixitaan. W/Q Muxammadkhaliif Xirsi

Talo soo jeedin ku saabsan wax Sixitaan
Muxammadkhaliif Xirsi
shaaciro@hotmail.com
April 19, 2017

maqaal-32zou4ijq8l0iwtv7s3aiy-2-33aexpxqygwjpsprgt8phmAniga oo soo xiganaya ballanqaadkii Ra’iisul Jamhuuriye Maxamed C Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan C Kheyre ee ahaa maamul wanaagga iyo u gurmadka abaaraha ayaan soo jeedinayaa erayo iga ah wax sixitaan oo kaliya.

Ra’yigayga gaaban, ilama habboona in aynnu xilligaan adag aynnu kharaj iyo wakhti ku luminno shirar u eg iidheh ama xayeesiin oo ay qabtaan Wasiirrada iyo madaxda kale ee heer Federaal ama Maamul Goboleed.

Mawduuca aan kor kusoo xusay waxaan tusaale ugu soo qaadanayaa labada kulan ee ay labo Wasiir ku qabteen Muqdisho dhowaan kulammadaasoo aan is leeyahay looma baahnayn aniga oo hoos ku sharraxaya sababta.

Kulanka qabsoomay 16kii April, 2017 waxa uu ahaa mid uu Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh ku casumay shaqaalaha Wasaaraddiisa Hotel City Palace ujeeddaduna ahayd in “Shaqaalaha Wasaaradda la is baro”.

Kulanka kale oo ka dhacay Muqdishu 17kii April, 2017waxaa qabtay Wasiirka Warfaafinta Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) walow aysan ii muuqan goobta uu ku qabtay kulankan. Mawduuca kulankaanu waxa uu ahaa “xoojinta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda” waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada, Wasaaradaha Dowladda iyo Qeybta Warfaafinta ee AMISOM.

Fadlan hoos ka akhri faah-faahinta ay warbaahintu ka qortay labada kulan ee ay Wasiirradu qabteen.

Hawshaan culus ee kulammadu waa dhibaato loo baahan yahay in laga gudbo sida aan hoos ku tilmaami doono. Kulammada ay qabteen labada Wasiirna waxaan ku soo gaabin lahaa erayadaan kooban ee aan is leeyahay waa dariiqa ugu fudud isla markaana lagu gaari karey ujeeddada kulammadooda:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta mudane Injineer Yarisow waxaa ku filnaa in uu qaybiyo dokumentiga caanka ah ee lagu magacaabo “Wareegto” ama (Circular) uu ku gaarsiiyo mas’uuliinta uu soo casumay iyagoo ku sugan xafiisyadooda kuwaasoo iyaguna u gudbiya shaqaalohooda halkaana lagu baajiyo dhaqaale badan iyo wakhti ku baxa iyo dad ka maqnaada shaqooyinkoodii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Bayle waxaan isagana talo ahaan kulankii uu qabtay ee is baritaanka shaqaalaha ku soo gaabin lahaa oo ila habboon, inuu Xafiiskiisa ugu yeerto Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xooghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha halkaana uu ku faro wixii awaamiir ah kaddibna ay mas’uuliyiintaasi oo iyagu ah hawlwadeennada Wasaaraddu ay u gudbiyaan shaqaalaha.

Qof kasta oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaraddu waxa uu hoos yimaadaa qayb ama waax ka mid ah Wasaaradda
Wasaaraddu waxay leedahay sidaan filayo waax qaabilsan Shaqaalaha
Qof kasta oo ka mid ah shaqaaluhu waxa uu leeyahay waajib shaqo oo ay kula xisaabtamayso cidda ka sarraysa xisaabtankaasoo sii maraya jaranjaro is dabataxan laga bilaabo agaasime guud, wasiir xigeen ilaa uu ka gaarayo ilaa xafiiska Wasiirka
Khasab ma aha oo looma baahna in ay is wada yaqaanniin shaqaalaha Dawladdu waxaase muhim ah in xil-gudashada shaqaalaha ama waajibaadkooda iyo xuquuqdoodaba loo marayo xeerarka nidaamiya maamulka guud iyo midka u gaarka ah hay’ad kasta
Waa nasiib darro loomana baahnayn maanta casumaad lagu sameeyo Hoteello qaali ah iyadoo ay gaajo iyo harraad u dhimanayaan boqollaal qof oo Soomaaliyeed maalin kasta. Haddiiba ay wasaaradi ama hay’ad kastaa shirinayso shaqaaleheeda waxaa ku habboon in ay ku shiraan dhismaha ama xafiisyada wasaaradda ama hay’adda si loo baajiyo kharajkaa ku baxaya meel laga maarmi karey.
Waxaan kaloo ku talin lahaa una jeedin lahaa Madaxeyne Farmaajo, Ra’iisaul Wasaare Kheyre, iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, in ay gabi ahaanba baddalaan qaabka xafladaha martiqaadyada iyo kulammada kana dhigaan sida soo socota: b) in aan kulan lagu qaban meel la kireeyey beddelkeedna lagu qabto dhismaha hay’adda t) in marti-qaad kasta ee la qabanayo laga dhigo mid dhaqaale uruurin (fund-raising) ah. Waa in la iclaamiyo in ay qadadu ama cashadu noqoto “cun iskana bixi” ee aysan noqon “bilaash ku cun” (eat for free). Taasi waxay noqonaysaa tillaabo waddaninnimo iyo isu arxamid ay inaga dhaxlaan jiilka soo socda. Faa’idooyinka qaabkani leeyahay waxaa ka mid ah b) in uu qofku wax cunay isla markaana caawimaad gaystey t) dadka oo isku barta munaasabaddan haddiiba loo baahnaa is barasho j) Dakhliga ka soo baxa dhaqaale uruurintaani waa inuu ku dhacaa sanduuqa lagu kaalmaynayo dadkeenna abaartu halakaysay ka dibna sidaa loo joogteeyo oo aynnu ka dhiganno siyaasad (policy)
Labadaan xafladood ama marti-qaad ee aan tusaalaha u soo qaatay ma aha mid aan ku dhaleecaynayo labada Wasiir hase yeeshee waa mid soo noqnoqota ee aysan kaligood ku ahayn waana dhaqan aan jeclaan lahaa in la hakiyo ama la joojiyo oo la mamnuuco waayo waxaaa ku baxaya kharaj aynnaan awoodin (that we cannot afford) oo u baahan in loo jiheeyo meelo badan oo uga baahi badan sida quudinta masaakiinta nugul sida curyaamiinta, agoomaha, adeegga caafimaadka, abaaraha, amniga oo la kordhiyo mushahaarada ciidanka iwm.
Waxaa kulammadaan 100ka ah sannad kasta inooga baxa qiyaastii: b) 500 oo saacadood ee loo shaqayn lahaa Qaranka; t) Munaasabaddiiba waxaa ka qaybgala dad aan ka yarayn qiyaastii 50 qof oo shaqaale ah tiradaasoo noqonaysa 5000 oo qof boqolka munaasabadood; j) Saacadaha kulammadaa loo fadhiyo wuxuu kiiba qiyaastii noqonayaa (approximately) 5 saacadood marka lagu daro qabanqaabadii kulanka; x) Kharajka ku baxaa waxa uu qiyaastii (approximately) noqon karaa USD1000 munaasabad kasta ee ah =100×1000 = 100,000 (USD boqol kun).
Haddii 500 oo saacadood oo ka baaqatay shaqada waxsoo saarka shaqaala loo baddalo lacag waxaa lagu qiyaasi karaa: ka soo qaad in 5taa boqol ee qof uu qiyaasta meel-dhexaadka ah (medium) qaato USD5 saacaddiiba markaa lagu dhufto USD5x5 saacadood x500 ee saacadood = 100munaasaboodX50qofX500saacadoodX5USD=USD12,500,000 (Laboiyotoban-milyan-iyo shanboqol oo kun)
Marka laysku daro kharajkii iyo waxsoo saarka baaqday waxay isku noqonayaan: 100,000 (USD boqol kun) oo kharajkii ah iyo USD12,500,000 (Laboiyotoban-milyan-iyo shanboqol oo kun) ee kor ku xisaaban waxayna markaa wadartu noqonayso: USD12,600,000 (Laboiyotoban-milyan-iyo lixboqol oo kun). Kharajkaan xad-dhaafka ah waa aynnu baajin karnaa waxaynnuna lacagtaan u weecin karnaa in lagu kharaj-gareeyo meelaha uga baahida badan ee aan kor ku soo tilmaamay.

Talooyinkaani ma aha kuwo aan ku mucaaradayo haddiiba ay dadka qaarkiis sidaa u arkaan ee waa kuwo aan ku baraarujinayo, talana ugu deeqayo Madaxtooyada iyo Xukuumadda cusub ee ay hoggaamiyaan Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) iyo Xasan Cali Kheyre.

Aniga waxa ay ila tahay in maanta aynnu culayska ama diiradda saarno (to focus on) labada xaaladood ee mudnaanta leh (the two priority issues) ee kala ah: b) gurmadka abaarta wiiqday dad iyo duunyaba gabi ahaan Soomaaliya iyo t) amniga iyo intii laga gaaro maamul wanaagga.

Waxaa kaloo iga talo ah oo aan gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre usoo jeedinayaa, in ay labadooduba iyo Saraakiisha Sare ee go’aan gaarayaasha ah (decision makers) si joogto ah u adeegsadaan la taliyeyaal Sharci Yaqaan ah iyo aqoonley kale sida Dhaqaalyahanno iyo Muhandisiin (Engineers) marka ay ambaqaadayaan hawlo ama adeegyo ku tacalluqa xirfadahooda ama looga baahan yahay ka talo-bixin hawlahaas (/legal/professional advices related to these areas or activities they would like to plan or deliver). Sababta aan taladaan dambe u soo jeedinayaa waa mid aan isleeyahay aad ayay muhim u tahay Maamulka Dawliga ah maadaama aynnu ognahay ama aysan khasab ahayn in Madaxwayne, Ra’iisul Wasaare ama Mas’uul kale uu yahay Sharci yaqaan ama Dhaqaal-yahan (Lawyer or Economist) saas darteedna uusa/aysan ka maarmin la talin (advice) (that it is very important and/or crucial for the Government Administration as we know and that is not compulsory that a president, Prime minister or any other officer/authority to be a lawyer or economist and therefore, they need professional advice to act propertly).

Sidaa dartee, waxaa ila habboon in marka ugu horraysa ee suurto-galka ah la dhiso – waa haddii aysan hore u jirine – dallad ama gole Xirfadley ah sida Sharci yaqaanno iyo Dhaqaale yahanno loona dejiyo xeer nidaamiya hawlgalkooda ka dibna noqda hay’adda la talinta Qaranka (National Advisory Board).

——-Dhammaad—

Waxaa qoraalkan diyaariyey Muxammadkhaliif Xirsi

oo ku sugan London, caasimadda Boqortooyada Ingiriiska

Email: shaaciro@hotmail.com

 

Fadlan hoos ka akhri labadii kulan ee ay qabteen labada Wasiir:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Federaalka oo qado sharaf u sameeyey Shaqaalaha Wasaaradda, kalana hadlay qodobo muhiim ah

Muqdisho, 16th April, 2017..Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh ayaa qado sharaf ugu sameeyey shaqaalaha Wasaaradda Hotel City Palace ee Magaalada muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xooghayaha Joogtada ah, dhamaan Agaasimayaasha Wasaaradda, iyo La taliyayaasha.

Ugu horayntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in maanta ay qiimo weyn ugu fadhido wasaarada, maadaama hal meel lagu wada qadeeyey, u jeedka laga leeyahayna ay tahay is xog waraysi iyo isbrasho.

“Waa arin lagu farxo, maxaa yeelay waa markii kowaad ee shaqaalaha wasaaradu ay isugu yimaadaan dhamanatood kulan noocaan ah, wuxuuna kulankaan ku saabsan yahay isbarashada shaqaalaha dhexdooda iyo Wasiiradda. In ay maanta is bartaan waaxyaha dhexdooda ayaa leh muhiimad gooniya, madaama ay ka shaqeeyaan shaqaalaha qaarkood meel ka baxsan Wasaaradda, waxaa intaas dheer in lagu iclaamiyo kulankaan inuu bilowday isla xisaabtan dhab ah oo shaqaaluhu wajahayaan, cidii shaqaadeeda ka soo bixi weydana si adag loola xisaabtamayo cidi shaqo wacan la timaadana la abaal marin doono” ayuu yiri Wasiiru dowluhu.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Bayle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta xaafadii Wasaarada Maaliyadda oo dhaqaalaha dalka gacanta ku haysay hal meel ku wada qadeeyaan kuna sheekaystaan, si ay isu bartaan si wacana isula shaqeeyaan.

“Waxaan isugu kiin yeeray inaan is barano, in aan la socdo dhibaatoyinka mar kasta idinka hor imanaya, waxaan idinka mahad celinayaa sida aad ugu dhabar adeegteen dhibaatooyinka amnni iyo nololeed ee dalka ka jira, qaarkiin ayaa iyagoo xabadu meel kasta ka dhacayso jaamcado dhiganayey, waana ku farax sanahay sida diiran oo aad isoo dhaweyseen, waana idinla shaqaynayaa, waajibka layga rabo waa in idinka iyo shaqaalaha kale ee dowladda ay helaan mushaarkooda si joogta ah”.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Inaan la soo noqono xornimadeena waxay u baahan tahay inaan isku tashano, qof walbana masuuliyadiisa oo dhab ah ka soo baxo, wadana kuma hormaro inuu haysto Macdan, Dahab, Shidaal iyo Dheeman, ee waa dadka iyo sida ay uga fa’iidaysataan maskaxdooda ayaa abura horumarka, una fakaraan horumarka dalkooda. Hadaa nahay Soomaali inta caalamku shaqeeyo laba jibarkeed waa in la shaqeeyo, si dalkaan meesha uu joogo looga hormariyo, waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qasadaan” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in miisaaniyadda dalka ay tahay 260 milyan, 120 milyan oo kamid ah ahna laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, sidaas daraadeena uu qof walba dareemi karo culayska dhaqaale ee dowladda haysta.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in dalkeena uu aad uga hooseeyo wadamada Africa, sidaas daraadeedna looga baahan yahay shaqaalaha dowladda in ay xooga saaran sidii dalku dib ugu soo kaban lahaa. Sanadka aakhirkiisana laysla xisaabtamo si dhaqaalaheenu u noqdo mid horumar sameeya.

____________________________________________________________________

Wasiirka warfaafinta oo daahfuray barnaamijka xiriirka iyo wada-shaqeynta ee hay’adaha dowlada qeybahooda warfaafinta iyo kuwa caalamka

Posted on April 17, 2017RBC, Wararka
yarisow2
Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa daah furay barnaamijka Xiriirka iyo Wadashaqeynta ee Hay’adaha dowlada qeybahooda Warfaafinta iyo kuwa Caalamka.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka hadlay munaasabada daahfurka ayaa yiri “Barnaamijka Xiriirka iyo Wadashaqeynta ujeedadiisu waxey tahay sidii lagu xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha dowlada oo la xoojiyo xiriirka, loona sameeyo nidaam iyo hab raac loo maro oo Wasaarada Warfaafinta ay hormuud ka noqoto si loo mideeyo fariimaha dowladda ay u direyso shacabka Soomaaliyeed.”

Kulanka maanta ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada, Wasaaradaha Dowladda iyo Qeybta Warfafinta ee AMISOM, iyadoo looga hadlay sidii loo mideyn lahaa horumarinta warbaahinta dalka. Kulankan ayaa ahaa mid lagu bilaabay xoojinta iyo wadashaqeynta ee dhanka warfaafinta, iyadoo la isla gartay in dhammaan saraakiisha warfaafinta ee hay’adaha dowladda ay wada hoos yimaadaan Wasaarada Warfaafinta oo u qaabilsan Dowladda Siyaasada iyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay dhacdooyinka usbuucii tagay iyadoo laga bartay waxii cashar ah ee loo baahanyahay in la sii horumariyo iyo falanqeyn lagu sameeyey dhacdooyinka usbuuca soo socda iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey oo yiri “Waxaa muhiim ah in la mideeyo fariimaha iyo wadashaqeynta si shacabka loogu adeego. Bacdamaa ay Dowladan heysato kalsoonida shacabka, Wasaarada Warfaafinta waxaa ka go’an in bulshada iyo dowlada la isku xiro, iyadoo dhowaan la bilaabi doono wacyigelin bulsho oo baahsan oo diirada saara arrimaha muhiimka u ah shacabka sida gurmadka abaaraha, amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dimoqraadiyeynta dalka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *