tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Waaxda dab damiska Muqdisho oo ka warbixisay dab xalay ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha

_94857578_muqdishosuuqabakaaraha

Muqdisho (RBC Radio) Dab xooggan oo khasaaro dhaliyay ayaa xalay qabsaday qaybo ka mid ah suuqa weyn ee Bakaaraha oo ku yaalla magaalada Muqdisho,sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolka.

Dabka wuxuu saameyay qaybta suuqa ee dharka lugu tolo,waaxda dab damiska gobolka ayaana sheegtay in si dhaqso ah loogu guuleystay in laga hortago dabka.

“Waan deminay dabkii, khasaaruhuna ma badna, aad ayay shaqaallaha gurmadka ee waaxda dowladda hoose u dadaaleen, dabka waxaa lagu hakiyay goobtii uu ka billowday oo jiha kasta ayaa laga galay waana deminay” ayuu yiri agaasimaha Waaxda dab demiska dowladda hoose ee Xamar Cabdirasaaq Maxamed.

Waxaa la xaqiijiyay dabka inuu ka dhashay koranto,waxaana gubtay qaybo ka mid ah dukaamada iyo goobaha dharka lugu tolo.

Agaasimaha waaxda dab demiska Muqdisho ayaa ganacsatada ku dhaliilay in aysan ka fakarin qatarta ka dhalankarta korantada iyo ciriiriga waddo xumida marka muusiibooyinka noocaan oo kala ah ay dhacaan.

Dabka xalay qabsaday qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn dalka,wuxuu ka dhigaya sanadkan gudihiisa midkii labaad oo qabsada suuqa.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *