tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Baabuur dad la dardarsiiyay bartamaha magaalada New York ee dalka Marekanka

Minneapolis (RBC Radio) Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeryooday ilaa 20 ruux oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray,markii gaari dad lagu dardarsiiyay fagaaraha Times Square ee magaalada New York ,sida laga soo xigtay booliska.

Hay’adda ammaanka magaalada New York ,war laga soo xigtay waxaa lugu sheegay inaysan muuqan wax xiriir ah dhacdadaan inay la leedahay fal argagixisanimo.

Booliska ayaa markiiba gacanta ku dhigay darawalka waday gaariga dadka jiiray oo ahaa nooca raaxadda ,waxaana la sheegay gaariga inuu ka weecday dhabaha gawaarida oo uu abaaray dhinaca dadka lugeynaya ay maraan.

Warka booliska ayaa inta ku darray inay u muuqato in falkani uu yahay mid shil ah. Waxay tuhunsan yihiin in darawalka uu ku guuldarreystay xakameynta gaariga.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu war-geliyey dhacdadan, waxaana la sheegay in lala socodsiin doono wixii kusoo kordha, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.
__
RBC Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *