tawakal expressgolis logo



Dowladda oo shaacisay in Imtixaanka Dugsiyada sare uu dalka ka bilaabanayo Maalinta Sabtida ah

MUQDISHO(RBC RADIO)Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Maalinta Sabtida ah la qaban doono Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada sare ee dalka  kaasoo ka qabsoomi doona Gobolada dalka iyo Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj.C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay warbixin  ku saabsan Imtixaanka Dugsiga sare ee Mideysan ka dhageysteen Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka ayaa sheegay in Maalinta Sabtida ah loo fariisan doono Imtixaanka Mideysan ee Dugsiga Sare.

Inj.C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Imtixaanka Dugsiyada Sare ay u fariisanayaan 23-Kun oo Arday ah oo ku kala sugan deegaanada Galmudug,Hirshabeelle,Koonfur Galbeed,Jubbaland iyo Gobolka Banaadir,Wuxuuna ka codsaday Saxaafada Soomaaliyeed iney kala shaqayso Dowladda qabashada Imtixaanka Dugsiyada Sare.

“Wasiirka Waxbarashada waxaa laga dhgeystay Warbixin ku saabsan Imtixaanada Dugsiyada Sare oo Maalinta Sabtida ah ka bilaabanaya dalka,Warbaahinta waxaan aad uga codsanayaa iney aad ula socdaan isla markaane ay tahay horumar uu dalku ku talaabsanayo in Shacabka aad wargalisaan oo aad nagala shaqaysaan,23-Kun Arday ah ayaa u fariisanaysa Imtixaanaadka Maalinta Sabtiga ah laga soo bilaabo Galmudug,Hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Inj.Yariisoow.

Imtixaanaadka Dugsiyada Sare ee dalka ayaa waxaa lagu qaban doonaa 77 Xarumood oo ku kala yaalla Gobolada dalka Soomaaliya.

RBC RADIO



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *