tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Golayaasha dowladda ama ha is cazilaan ama cadaawadda Imaaraadka ha ka hor tagaan! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Golayaasha dowladda ama ha is cazilaan ama cadaawadda Imaaraadka ha ka hor tagaan!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
May 19, 2017


{Farmaajo iyo KHayre, iyo
labad gole, maxay uga
aamusanyihiin waxa
Imaaradaha Carabta Midowday
ay dalka ka samaynayso?!}

Waa yaab taariikhdana meelna kagama qorna, dal dowlad ah oo madax banaan oo sidaas loola dhaqmo!… Annaga, Soomaali ahaan waligeenba ma yeelin, laakiin waxa maanta innagu dhacaya!..Yaa!..Ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban?!….Yaxaasyo waaweyn baan ka cabsanaynay laakiin kalluunkii yar-yaraa baaba doonay inuu nolosha innagu laqo!…. Warka uu sii daayay ninka af-hayeenka u ah madax-weynaha maamul goboleedka Somaliland Axmed Max’ed Siilaanyo, ee uu ku sheegay in heshiiska ay Somaaliland la gashay dowladda Imaaradaha Carabta Midowday si ay u maamushay dekedda Berbera (DB) ay ay macaashka ka soo baxa saami 19% ah ku yeelanayso dowladda Itoobiya, waa dhagar aan ka soo waaqsasho lahayn haddii ay dhaqan gasho, eeddeedana ay qaadanyaan dowladda maanta joogta ee dalka maamulaysa taariikhdana ay waligeed xusi doonto.

Waa muuqataa sababtii ugu weyneyd ee Itoobiya Xasan SHiikh Max’ud madax-weynihii hore , iyo ninka hadda af-hayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed u ah Max’ed Cusmaan jawaari ay xilligii doorashada ugu ololeynaysay,waxaana hadda la rumaysan karaa wararkii xanta ahaa ee sheegayay in mashruucyo badan oo uu ku jiro midka DB Imaaradaha Carabta Midowday gacanta loogu geliyay labadaas nin ay ku bedesheen dhaqaale lacageed iyo inay Itoobiya ku taageerto oo kala shaqayso sidii ay mar kale ugu soo bixi lahaayeen xilalkii ay hayeen, in kastoo taageerradii Itoobiya ee Xasan SHiikh Max’ud ay ka mid noqotay sababah muhiimka ahaa ee xilka uu ku waayay!…sidaasoo kalana waxaa hadda la rumaysan karaa in lacago malaayiin ah ay labadaas nin iyo madax-weynaha maamul goboleedka Soomaaliland Axmed Siilaanyo ay ku qaateen oggolaanshaha mashruucaas DB, waxayna ahayd arrintii ugu muhiimsanayd ee dowladda Itoobiya ay u daba taagnayd Xasan Shiikh Max’ud si uu xilka madax-weynenimmada Soomaaliya ugu soo laabto!….Xasan SHiikh Max’ud heshiisyo badan oo aan la ogeyn buu la galay dalalka Ingiriiska, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, dhammaantoodna lagu sheegay inuu ku bedeshay danahiisa shakhsiyadeed.

Arrintan uu hadda sida cad u sheegay af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliland Xasan Adan Cige (Xasan-Deyr) ma aha arrin uu ka aamusi karo qof damiir leh. DHaqanka dowladda Imaaradaha Carabta Midowday iyo sida ay inoogu soo bareertay waxay muujinayaan hal shay oo keliya oo ah; midda ay ku tashteen guumeystayaasha iyo guud ahaan cadowga Soomaaliyeed, Imaaradaha Carabta Midowday waxay ka war qabtaa oo ay ku soo duushay talo ay la wadaagto waxa Beesha Caalmaka loogu yeero oo ah in Soomaaliya maanta dagantahay oo wax kasta ay u nugushaghay, waxayna ku soo talo gashay inaan saami ku dhaafin boobka Soomaaliya lagu hayo, waxayna xiriir sokeeye la yeelatay dalalka ay is leedahay istaraatiijadda danaha aad Soomaaliya ka leedahay iyaga ayeey ku xirantahay sida Ingiriiska, Maraykanka, Itoobiya!….waxaana taas ka daran oo waxa Beesha Caalamka loogu yeero ka dhaadhacsan inay barteen dhaqanka madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, oo maxay ku barteen?!…waxaan rumaysnnahay in jawaabta weydiintaas aysan adkayn oo waa waxa aan had iyo goor aragno ee madaxdeenu isku xamato Musuqmaasuq iyo Laaluush!…..

{Mas’uuliyiin iyaga
isku mashquulsan
oo laysku diray, oo
mid kastaba uu rumaysanyahay
in laga sad buursaday,
maxay dal iyo qaran ugu yaalaan?!}

Waxaa ii muuqda khatartu wali inay weyntahay, waxaa ii muuqda shacabku inuusan isu diyaarin khatarta inta ay la egtahay, oo kolba nin ama koox burcad ah oo dano gaar ah leh ay iska hoggaansanayso!….Indhihii iyo codkii hoggaamin lahaa shacabka waa Xil-DHIbaannadee, maxaa ku dhacay oo ay la aamusanyihiin?!…..Madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha warkooda ha cadda, maxay arrintan uga aamusanyihiin?! Mise raggii inoo jebiyay aasaaggen bay ku biireen ee aan naqaanay?!….Dadka Soomaaliyeed arrintaan in laga jaahil bixiyeey doonayaan, mise….?! Ilaa intii uu qarankii burburay maalin kasta waxaa war-baahinta ka qaylinayay siyaasi Soomaaliyeed oo wax ka sheegay siyaasi kale, laakiin aad bay u yarayd in la arko mid ka hadlaya qaranimmadii iyo ummadnimmadii iyo sida uu dalka khatar ugu jiro, iyo khatarta laga cabsanayo nooca ay tahay iyo meesha ka imaanayso iyo sidii loogu tabaabushaysan lahaa. Dowlad kasta oo inoo timid muddadaas shacabka waxba kalama socodsiin halista la tuhunsanyahay inay dalalka shisheeyaha ah ka suurowda, kamana aysan hadlin xad-gudubyada ka imaanayay dalalka deriska ah siiba Itoobiya. Waxay shacabka bareen oo keliya Al-SHabaab inay argagixiso tahay, laakiin muddadaas aan burburka ku jirnay marna dowladahii ina soo maray shacabka kuma baraarujin khatarta maanta muuqata inay dhici karto …Itoobiya waa walaalaheen!….AMISOM waa walaalaheen!……
Go’aannada iyo heshiisyada lala galay dowladda Imaaradaha Carabta Midowday waa in labada gole la hor keenaa dadka Soomaaliyeedna talada wax ku yeesho!….Dad-weynuhu kaalin bay ku leeyihiin go’aannada siyaasadeed ee laga gaarayo aayaha dalka, iyo aayaha dhaxalka ilmahooda, waana iyaga waxa naftooda iyo dhiiggooda ku ilaalinaya qarannimmada dalka, waxaana haboon in dowladdu ay muhimaddaas maanka ku hayso tallaabo kasta oo ay qaadayso!….Waase su’aalee af-hayeenka Siilaanyo marka uu leeyahay Itoobiya 19% bay ku leedahay macaashka ka soo baxa dekedda oo Immaaraadka siinaya muxuu ula jeedaana?! Ma wuxuu ka wadaa Itoobiya iyo Imaaradaha Carabta Midowday ayaan ku wareejinaya Dekedda Berbera oo iyagaa sidaas wax qaybsaday, annagana saamigeenii gooni baa laynoo siiyay?! Mise wuxuu ka wadaa innagaa Itoobiya waxba ma siinayno oo baad ma bixinayno ee dowlad Imaaraadaha ayaa sadaqo ahaan u siinaysa intaas?! Muxuu ku saleeyay sharciyadda saamig Itoobiya ay ka qaadanayso dekedda Berbera?!….

Madax-weyne, Axmed Max’ed Siilaanyo, wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed aadna u la socday xaaladda dalka uu soo maray, wuxuu ka mid ahaa dadka yar ee lagu waday khibradooda inay ummadda u aaydo, waxaa laga sugayay inuu ummadda isu soo dumo, waxaa laga filayay geesinimo, hal-adayg, go’aan adayg iyo in maanta ummaddiisa uu nacabku garbo duubay ay u baxsato talladiis, hasa yeeshee siduu u dhaqmay waxay ku tusaysaa sida foosha xun ee ummadda Soomaaliyeed u jabtay!…Waa lagu hungoobay!….Waa lagu hungoobay!…..Waxaa in lays weydiiya mudan ama uu Siilaanyo ogaado ama uu fahmo; in Soomaaliya oo dhan ay wax kala tirsanayso, in aduunka oo dhan uu wax kala tirsanayo, in labada is dhalay ay wax kala tirsanayaan, in labada wada dhashay ay wax kala tirsanayaan! Haddii mar wax la kala tirsanayo ma aha macnaheeda in la kala tago ee xeerar iyo sharciyo, iyo nidaam siyaasadeed oo lala yimaado baa wax lagu maareeyaa oo lagu saxaa ee ummaddaada xooggeeda lama wiiqo! Xalkana ma aha dadkii Soomaaliyeed ee dalka wax ku lahaa baan ka eryeyaa oo aan ka ilaalinayaa, Itoobiyana dekeddii Soomaaliyeed ee Berbera bay Saami ku yeelanaysaa!…..Siilaanyo?! Im..iimh bal dib isugu noqo!
{Itoobiya heshiiskaas inuusan
sharci ahayn way ogtahay
marka waxay u gashay waa
NACAYB,COLAAD, iyo DAANDAANSI,
……sow ma aha?!…..}

Itoobiya waxa aan kala mudannahay iyo xiriirka laba dal oo deris xeerarka u dhigan ma aysan garan waayin, laakiin waxaas oo dhan waxaa ka qariyay xummaanta iyo cadaawadda ay dadka Soomaaliyeed u hayso, waxaadna moodaa tilaabo kasta oo ay ku wax yeelaynayso shacabka Soomaaliyeed inay jiraan dalal la o goo gacan ku siinaya, waxaana dhibka u weyn uu ka yimid markii Qarrammada Midoobay ay oggolaatay in Itoobiya gudaha Soomaaliya u tallaabi karto si ay ammaankeeda u sugto, waana arrin ka mid ah waxyaabaha lagu bari-taaray Itoobiya si ay Soomaaliya ugala dagaasho inay dib ugu hanato qaranimadeedii. Saamiga Itoobiya laga siinayo dekedda Berbera, af-hayeenka Siilaanyo waxaa la oran karaa run kama uusan sheegin isagoo marin habaabinaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka gobolka shacabka Somaaliland ku dhaqan, maxaa yeelay Imaaradaha Carabta haba yaraatee ma jirto hal sabab oo macquul ah oo ay lacag u siiso Itoobiya oo la xiriira arrimaha mashruuca dekdedda Barbera, wuxuuna qarinayaa in Somali land ay lacagtaas Itoobiya siinayso si ay dowladda Soomaaliyeed ugu cadaadiso meel marinta heshiiskaas!…..

Waxaa madax-weyne Max’ed Farmaajo laga sugayaa inuu ka war bixiyo waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga dowladda Imaaradaha Carabta, inuu cadeeyo waxa uu ka ogyahay waxa ka socda dekedda Berbera….madax-weynuhu labada dal ee Immaaradaha Carabta Midoobay iyo Itoobiya labadaba wuxuu ku tegay labo safar oo isku xigay ikuna dhowaa loona qaadan karo inuu xiriir ka dhexeeyay, isla markaasna aad moodo in natiijadoodu ay ahayd arrinta dekedda Berbera in lagu wareejiyo Immaaradaha Carabta Midoobay iyo waliba in madax-weynuhu oggolaado in la siiyo Itoobiya saamigaas!….Waxaana horay u soo baxay warar timaamaya in arrintan in madax-weyne farmaajo oggolaado ay ku cadaadiyeen qaar ka mid ah dalalka waaweyn ee daneeya arrimaha Soomaaliya!…..

Aamusnaanta madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha waxaa inooga daran aamusnaanta golaha shacabka iyo aqalka odayaasha oo aan iayag marna soo hadal qaadin waxa ka socda dekedda Berbera, waxaa iyadana si aad ah laysu weydiinayaa waxa hor joogsaday qorshihii golaha shacabka lagu hor keeni lahaa arrimo badan oo ay u horeysay arrimaha ay dowladda Imaaradaha Carabta Midooday ka wado Soomaaliya?!….Kolayba waxay farta ku godantahay af-hayeenka golaha shacabka Max’ed Cusmaan jawaari oo isagu horay loogu bartay inuu is hor taago arrimo ay xil-dhibaannada hor keeni lahaayeen barlamanka, haba ugu badnaadaan kuwii uu ku difaacayay madax-weynihii hore Xasan SHiikh Max’ud!….

“Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye!….”Alle ha u naxariisto, Max’ed Cabdulle Xasan….Maalmuhu isu ekaa, gumeysigii shalay un baa maantana innagu soo duulay, Soomaaliyana wali Halgamaa kama dhammaan, shacabka Soomaaliyeed waa feejiganyahay, waana ka weynaaday in siyaabaha qaar loo soo damaaciyo qaranimmadiisa, waxayna si gaar ah isha ugu hayaan mardadabada iyo shir qoollada gumeystuhu la damacsanyahay. Hasa yeeshee siyaasiyiinta haddii ay yihiin madax-weyne, ra’iisal wazaare, gole fulin, ama gole shacab waxay ku qiimaysnaan doonaan sida ay maanta u xaliyaan meel ka dhaca bareerka ah ee dowladda Immaaradaha Carabta Midooday iyo dowladda Itoobiya ay ka wadaan dekedda Berbera….,,siyaasigii rajo ka qaba in 2020ka ay shacabka Soomaaliyeed soo doortaan maanta codkiisa ha la maqlo hana la qaybsado dad-weynaha diidmmada ay uga soo hor jeedaan meel ka dhacyada qaranimadooda ay ku hayaan dalalka duulaanka ku soo qaaday!…….

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *