tawakal expressgolis logo



Guusha Guuleed iyo Gurmad la’aantii Adeerkiis (Qeybtii seddexad ) W/Q Cabdinur Faarax Maxamuud

Guusha Guuleed iyo Gurmad la’aantii Adeerkiis (Qeybtii seddexad )
Cabdinur Faarax Maxamuud
guuleed72@hotmail.com
May 20, 2017

Waxay innoo maraysay Guuleed oo kusoo guul daraysay lakulankii Adeerkiis Boorsweyne Wuxuuna markan la kulmi doona adeer labad oo curad u’ ahaa Adeeradis.

Guuleed wuxuu Guriga kusoo labtay isagoo ka niyad xun sida adeerkiisii Reer Magaalka ahaa uu’ ula dhaqmay iyo naxariis daradii uu kala kulmay.

Laakiin guuleed wuxuu cindiga iyo laabta gashaday waxad leedahay adeer kale oo magaciisa lagu magacaabo(), (Bilaawe).

Guuleed wuxuu arrinkii u sheegay Hooyadi (Samawada) waxayse wiilkeeda ku qancisay inuusan cidna taageero ka sugin mid Alle mooyee.

Waxaa dhacay Jiilaal Kulul, Guuleed wuxuu miciin biday Adeerkiis kale waa Bilaawe, wuxuuna ku yiri Adeer waxaan maanta u bahanahay Tageero (Aabanimo) Adeernimo, Adeer Bilaawe, wuxuu Guuleed ku yiri, Hal) ayaan idinkeenaya inta Jiilalka Maala waaba tageero fiican maddaaba waxa kaliya ee lagu noolyahay ay tahay (cad iyo caano) waxaana lagu magacaaba Hashii Maalka ahayd.
Adeer Bilaawe ballantii wuu fuliyey Hashiina) Guuleed iyo Reerkoodii waa- uu- u keenay Adeer Bilaawe.

Waase hal ay daba taal Mana sheegasho iyo hadal badan oo ah Anigaa Agoonta caawiyey Anigana Jilaalka kasoo saaray sannadka maanta. waa hal (maal), oo Macayo badan ku xeeran yihiin Muraad badana leh”waayo Hooyo Samawada Guuleed Hooyadise() waa Marwo dhaqmaada dhaman iyo dhalasho fiican leh kuna darsatay Dadnimo iyo garasho xeel dheer,waxaaba nasiib ku helay Abihii Guuleed.

Waxaa da’ay Roobkii waa la barwaaqoobay waxaana Beeshu isku timid degmo inta Caleemuhu baaheen barwaaqadu camirtay baladka iyo Baadiyaha.

Barbaartuna soo ban-baxeen, la gigimay Ciyaaraha. Ciirtuna Jugleedahay, inta Geelu dhalay Nin kastaba Hashiisii Gaawe laga buuxshay. Barbarta Gaashaamana u BANBAXEEN , Xod-xodasho iyo Haasawaha.

Waxaa Guriga Guuleed yimid Adeer Bilaawe wuxuuna sheekada ka bilaaba waa Anigii Diraacada ama Jilaalka idin badbaadiyey Hashii ka warrama iyo muddadii waa dhamaataye waxan ka xaysanaya Hashaydii,waxaase ku badan war wareega xaafadda iyo gallab imaatiga Guriga , waa maxay muraadkiisi muxuu rabaa adeer Bilaawe?. Adeer bilaawe wuxuu Guuleed tusaya inuu adeerada kale uga dhawyahay wuxuu tusaya inuu uga ronyahay Adeerkii kale ee Boorsaweyne.Xasuusnow waxaa jira dhaqan loo yaqaan dumaal, guur
la soco Qeybtii Afraad Guusha Guuleed iyo Gurmad la’aantii Adeerkiis)-
Madadaallo Malwo awaal´
Falanqeeye arrimaha bulshada
Cabdinuur Faarax Maxamuud



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *