tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Guushii Guuleed iyo gurmad la’aantii Adeerkiis) qeybtii koobaad}: W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

Guushii Guuleed iyo gurmad la’aantii Adeerkiis) qeybtii koobaad}:

 Cabdinuur Faarax Maxamuud-guuleed@hotmail.com

May 15, 2017

AbGardaadinta” waalidka iyo barbaarintu waa mida himilooyinka iyo hiigsiga u yeesha Wiilka amba Gabadha xiliga ay ku jiran caawinta iyo barbaarinta.

Gacalnimada Adeerku waxay lamid tahay mida Abbaha ‘ waa haddii-Adeerku yahay mid beer nugul oo yaqiinsan inaad ilmihiisii tahay.

Guuleed wuxuu kasoo jeeday (Qoys) dan-yar ah wuxuuna ahaa Qofka (afraad) ee Reerka u dhashay laakiin nasiib wanaag markuu Lix sanno jiray (Abbihii) waxaa haleelay ama ku dhacay Cudur ama Xanuun uu’ dhul jiif la noqday.

Abbaha Guuleed waxaa ladhashay dhawr walaalihiisa Guuleed-na Adeeradiisa Guuleed ma fahansana wax ka badan in (Abbihii) xanuunsan yahay qofka keliya ee uu ku indha doogsado waa Hooyadiis Samawada, oo halgan ugu jirta barbaarinta carruurteeda iyo la tacaalida xanuunka Abbahood.

Guuleed Abbihi waxaa u timid tii (Alle) uuna geeriyooday Guuleedna halkas ayuu ku noqday Agoon da’yar intu xanuunsana Abbaha Guuleed waxaa dhashay ciyaal ka yaryar Guuleed, oo wuxuu noqday shaqsi mas,uuliyad saran tahay isagana mas,uul laga yahay maddaba uu carruur yahay laakiin walaalihi ka yaryar wuxuu u yahay hoggaan ka weyn.

Guuleed wuxuu la jaan qaaday nolol adag ayna ku xeeran tahay ama ku gadaaman tahay Agoonimo Da’yarnimo iyo nolol Miyi), oo aan xarrig magaalo lahayn iyo taakuleyn tolnimo.
Guuleed waxaa garabka loo suray masuuliyada iyo caawinta walaalihii uu da’ahan iyo garraarad ahanba uu ka weynyahay.

Hooyo Samawada oo Guuleed Hooyadiisa waxay noqotay (Agoonley) an haysan cid ka caawisa korinta agoonta.

Guuleed markuu abtirsado wuxuu galaa odayaal badan looguna micneeyo inuu yahay laandheere uuna kasoo jeedo Qoysaka halkan ugu[Tunka weyn}.

laakiin guuleed, taasi micno iyo muhiimiyad midna uma leh wuxuuna laandheer iyo haldoor u yaqan hadba Qofka madax u salaax kuna dhiiri galiya Ilaalinta Ari’ yar oo uu raaco iyo caawinta walaalihiis ka yaryar qofkaas ayuu u aqoonsan yahay mid wax yaray agtiisana ku weyn.

Guuleed Adeerasiis waa maalqabeeno (Rabbi) hodan uga dhigay afrata maaladduunyo oo kala ah Geel Ari, Lo’ iyo Maal Magaallo sida Lacag iyo Guryo.

Guuleed waxaa ilma adeero la- ah kooxo ay isku da’yihiin laakiin Guuleed way ku maadeystan waxayna u yaqanan Kii Agoonka ahaa.

Guuleed waxaa kaweyn walaalki kale oo ah Qofka keliya ee Guuleed dhiiri geliya una sheega inay mar uun kori doonaan kana ciil bixi doonan Agoonimada iyo awood yarida.

Hooyo Samawada waxay Wiilasheeda tusta` inay yihiin kuwa keliya ee Adduunka ugu wanaagsan uguna Qurux badan uguna maal badan keliya Hooyo (Samawada) waxay dugsanaysa waa mustaqbalka Wiilasheeda laakiin hada waxay ku nooshay uur xumo iyo muqurg ku aadan siday u korin lahayd Agoonteeda Awooda yar.

Haddaba Adeeraddii Guuleed ee taajiriinta ahaa iyo Guuleed xaggey isku arki doonaan maxaa dhici doona mustaqablka fog iyo midka dhaw, Guuleed markuu mutay muxuu kala kulmay Adeeradi iyo ilma adeeradi?’ Guuleed qab noceeh ah ayuu u koray?.

lasoco qeybta labad ee Guushii Guuleed iyo Gurmad la’aantii Adeerkiis),

Madadaallo Malwo awaal

Falanqeeye arrimaha bulshada
Cabdinuur Faarax Maxamuud

One Response to Guushii Guuleed iyo gurmad la’aantii Adeerkiis) qeybtii koobaad}: W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

  1. Been gabooje

    May 18, 2017 at 7:21 am

    Aad baan u gahalay sheekadan. waxaana ahay dhalin yarada xiisaysa sheekadan iyo kuwa lamid ka ah. waxaan rajaynaya insha Allah inuu qoraagu noo dhameeyo. kuwa kalana waa ka sugi doona insha Allah.

    mahadanidin raxanreeb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *