tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Macaan iyo udgoon Midna qaadku maleh: Waxaa curiyey Abwaan Cabdirisaq Ismaciil Xasan Darwiish

TIXDAAN WAXAAN CURIYEY 30/04/2017. Waana tix bulshada Soomalida qofba si u taaban doonata waxaanan ugu Magac Daray (ereyga) (MALEH) Tasoo macnaheedu yahay inaan Geedka Qaadka oo Soomaalidu – aad u isticmaashaa wax uu leeyahay aysan jirin.

Billowga Tixda):

Macaan iyo udgoon.

Midna qaadku maleh.

Macne loo cuniyo.

Sii mashiiqsi maleh.

Wuxuu mudan yahoon.

Looga maarmin maleh.

Magac iyo wanaag.

Iyo muudan maleh.

Magowsiyo qurquro.

Meel buuxsha maleh.

Mihnad laga dhaxliyo.

Macaash guul ah maleh.

Muluf ubax ah iyo.

Miro baxaya maleh.

Meel laga tirshiyo.

Miisamid maleh.

Maqaam nuurayoo.

U makaana maleh.

Marwo iyo ikhyaar.

Iyo mudane maleh.

Malkaduu degaa.

Sii muuqad maleh.

Makas iyo ilmiyo.

Meel uu dhaafo maleh.

Muhaniga cunaa.

Maal waara maleh.

Mooryaan ka gada.

Marag joogsi maleh.

Haweenkuu malkaday.

Minan joogid maleh.

Qofkastoo ku milan.

Midabkiisi maleh.

Wuxuun meel galiyo.

Sii muuqad maleh.

Xajka maal gudiyo.

Maryihiisa maleh.

Masjid laga dhisoo.

Aan maqalay maleh.

Qoys magan allee.

Soo mahadshay maleh.

Macaan gogoshu iyo.

Madadaalo maleh.

Inuu yahay mushkulad.

Ruux moogba maleh.

Mooyee innaga.

Mado iyo jid maleh.

Maskax iyo xasuus.

Macmiilkisu maleh.

Moodharkii sidaa.

Miidaamin maleh.

Mishiinkiyo olyadu.

Maalmo gaarid maleh.

Manaxaha wadaa.

Miyir iyo xis maleh.

Maqsinkii la dhigo.

Madax fiican maleh.

Magaaliyo miyiba.

Qof masuugay maleh.

Afartaas middida.

Haddii aan marshoo.

Sidii miigga lala.

Uga riday missayl.

Murtidii naxwaan.

Kuugu muujiyee.

Qofcunaa magshuuf.

Inuu yahay mucsura.

Maah maahdu saan.

Ma u tahay macruuf.

Muruqiyo lafaha.

Ma ka miiqan tahay.

Maar iyo ilkaha.

Ma ka fuulay mirir.

Qowlaladu mallaas.

Ma yihiin mug weyn.

Indho moqor ah oo.

Suuniyuhu murxeen.

Midabkiisi hors.

Inta laga masaaxay.

Madow aan go’ayn.

Sidii inay marsheen.

Maryo aan ladhaqin.

Muddo sow ma qabo.

Mijin iyo marduuf.

Goortuu midkood.

Been muuqatiyo.

Maanyeen ku helo.

Buush laga murmiyo.

Sow meherad maleh.

Iyadana markuu.

Malaayiin ka galo.

Shaahuu miirn jiray.

Isagoon ku maqan.

Xisaab aanu magin

Ma ku jaray miskiin.

Isagoon masruuf.

Minankiisa gayn.

Mushaarkiyo xaqii.

Miiroow ku bixi.

Afartaa middida.

Waaniga marshayo.

Murtidii naxwaha.

Kuugu muujiyaye.

Maah maahdu saan.

Ma u tahay macruuf.

Maamuladu canshuur.

Marra aan la dhimin.

Macaash iyo dillaal.

Ma ka miisayaan.

Milay gaanu iman.

Ma madluun bukaa.

Musuq iyo wax daran.

Ma u yahay makaan.

Dad malayshiyaa.

Ma u yahay masruuf.

Iyagoon mushaar.

Muddo dheer la siin.

Meelna aan wax dhigan.

Oo wada mucsura.

Miiroo qallalan.

Inta lagu maslaxay.

Goortuu milxaday.

Ma marqaan sanyahay.

Moogaha qayila.

Waa awr mirtoo.

Mashruucii kastoo.

Maamul looga dhigo.

Iyo tuu maslaxad.

Ka masuul nodaa.

Inay miro dhalaan.

Waa midaan la sugin.

Afartaa middida.

Waaniga marshoo.

Murtidii naxwaha.

Kuugu muujiyaye.

Maah maahdu saan.

Ma u tahay macruuf.

Maaligii mulkiga.

Mid kastoo u tahay.

Cidna kula murmine.

Ka masuul ahow.

Maqal iyo nirgiyo.

Ma dhuudhaa ratiya.

Madidiyo hashaan.

Laga maarminoo.

Ma huraanka geel.

Laga maali jiray.

Orgi muunadiyo iyo.

Dibi horog marsaday.

Mushtar iyo dukaan.

Lagu miiso badar.

Meel uusan xagan.

Midna lama argoo.

Waxaan maal lahayn.

Waa murux sadaye.

Eebbow maslaxad.

Lagu mooso oo.

Miirooyo jabid.

Mid kastaba bulshadu.

Uga maaran taan.

Kaa magan sanayo.

Allow waa mixnade.

Naga meeriyoo.

Mariidkaa na dilay.

Meel kale ka tuur.

__Dhammaad__

Abwaan
Cabdirisaq Ismaciil Xasan.
Darwiish.
Tell. +252617752737.
Tell. +252907973767.
Email. darwishtayopl@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *