tawakal expressgolis logo



Madaxda sare oo u madaxweyne Farmaajo ugu horreeyay oo billaabaya ol olaha nadaafadda magaalada Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay waheliyaan ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ayaa shaaca ka qaaday inay billaabi doonan ol olaha lugu raadinayo qof kasta oo ka mid ah bulshada ku nool caasimadda Muqdisho bishii labo mar inuu ka qayb-qaato hagaajinta nadaafadda Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda ayaa shalay golaha wasiirrada hor-geeyay hinsidaha soo celinta bilicda caasimada Muqdisho.Wasiirrada ayaana u mahadceliyay guddoomiyaha,iyagoo marka sheegay inay waqtigooda u hurayaan nadaafadda Muqdisho.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xasan Cali Khayre, wasiirada iyo dhammaan mas’uuliyiinta dalka inay waqtigooda u hurayaan inay waddooyinka nadiifiyaan bishiiba mar.” ayaa lugu yiri war ka soo baxay golaha wasiirrada.

Dowladda iyo maamulka caasimadda ayaa raadinaya inay magaalada Muqdisho mar kale dib usoo ceshato maqaamka ay ku lahayd caasimadaha gobolka,waxaana qodob muhiim ah loo arka in nadaafadda caasimadda xoogga la saaro.
___
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *