tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Madaxweynaha Hirshabeelle oo sheegay in Dowladda Federaalka waajib ku tahay iney Cadayso Maqaamka Muqdisho

MUQDISHO(RBC RADIO)Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney si dhaqso ah u  cadayso Maqaamka Gobolka Banaadir.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay iney waajib ku tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iney Cadayso Maqaamka Gobolka Banaadir,wuxuuna xusay iney sax tahay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya balse waxa uu dhanka kale tilmaamay iney waajib tahay in la qeexo Xuquuqda shacabka kunool Gobolka Banaadir.

“Dowladda waajib ayey ku tahay iney cadayso Maqaamka Gobolka Banaadir,Aayad Qur’aan ah maaha inuu Maamul Goboleed noqon karo laba Gobol iyo ka badan,si aysan Cuqdad u galin oo looga dhabeeyo Nidaamka Federaalka waa in Shacabka kunool Gobolka Banaadir ay helaan Xaqooda”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay iney kala miisaan weyn yihiin Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya oo ay ku yaalaan Madaxtooyada Qaranka,Safaaradaha Shisheeye iyo Gobolka Banaadir oo ah dhul ay dad leeyihiin oo ay ku abtirsadaan sida uu tilmaamay.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku celceliyey in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney ku dadaasho sidii loo Cadayn lahaa Xaqa Siyaasadeed ee shacabka kunool Gobolka Banaadir,Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka socda kulamo isdaba joog ah oo lagaga arinsanayo sidii dowladda loogu cadaadin lahaa iney Cadayso Maqaamka Muqdisho.

 

RBC RADIO

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *