tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Maxay kaga wada hadleen Kulankii ay Magaalada Baydhabo ku yeesheen Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed?

BAYDHABO(RBC RADIO)Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa ka wada hadlay Arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga,Abaaraha,dib u celinta dadka barakacayaasha ah iyo Imtixaanaadka Dugsiyada Sare ee dalka.

Kulanka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa waxaa shir Gudoominayey ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi,Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa Waxaa saxaafada faah faahin ka siiyey waxyaabihii laga wada hadlay Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulanka diirada lagu saaray Arimaha Ammaanka deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed,wuxuuna xusay in Amnigu uu haatan yahay mid wanaagsan.

Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Warbixin laga dhageystay Wasiirka Waxbarashada xilli Maalinta Sabtida ah loo fariisanayo Imtixaanada Dugsiyada Sare ee dalka,Wuxuuna xusay in deegaanada Koonfur Galbeed ay Imtixaanka ku galayaan 1,100 Arday.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in sidoo kale laga hadlay sidii dib u celin loogu samayn lahaa dadka kasoo barakacay Abaarta maadaama ay deegaanadoodii ka da’een Roobab,wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha gargaarka iney caawiyaan dadkaasi.

Kulanka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanada ay abaartu sida ba’an u saamaysay.

 

 

RBC RADIO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *