tawakal expressgolis logo



Musuqmaasuqa iyo Kufsiga Dowladnimo ee Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas. W/Q Diiriye Mohamed iyo Abdirahman Ismail

MUSUQMAASUQA IYO KUFSIGA DOWLADNIMO EE XUKUUMADDA MADAXWEYNE ABDIWELI GAAS.
Diiriye Mohamed iyo Abdirahman Ismail
Puntlandhero1998@gmail.com
May 23, 2017

Ilaahay biniaadamka wuxuu ku manaystay dareen iyo garasho u kala bayaanisa waxa xun iyo waxa fiican. Sidaas awgeed, waxaan qalinka usoo qaadanay manta in aan wax ka qorno musuqmaasuqa dilooday maamulka Gaas islamarkaana aan waydiiyo dhowr su’aalood oo u baahan jawaab iyadoo waliba aan bulshadeena u bidhaamin doona kufsiga dowladnimo ee dhaqanka u noqotay dowladda Gaas.

Waxaanu ka mid ahayn dhalinyaraddii aqoonyahanadda u dabaaldegay doorashadii Gaas ee 8dii January, 2014 inagoo islahayn waxaad hesheen wiil hal door ah oo aqoonyahan ah oo wax u qaban kara reer Puntland balse la hubsayoo goroyo haad bay noqotay!!

Soomalidu sidoodaba waxay la degdegaan amaanta. Waxaan beryahan baraha bulshada ku arkeenay amaan xad dhaaf ah iyo boogaadin kusocota Madaxweyne Gaas iyadoo sawiro badan oo nin shiines ah iyo Khadar Faroole iyo Gaas oo wada qoslaaya baraha laga soo buuxiyey looguna hambalyeenaayo mashaaric lagu tilmaamay kaabayaasha dhaqaalaha.

Hadaba runtu maxay tahay iyo ujeedka dahsoon ee farsamaysan ee uu Gaas la ciyaaraayo bulshada xalaasha ah ee reer Puntland iyo Somaliweynba? Maxaa keenay in Gaas wakhtigan uu dhagaxdhigo garoonka Gaalkacyo iyo jidka Eyl iyadoo aynu ognahay in garoonka Bosaso iyo kan caasimada Garowe ay qabyo yihiin? Toloow ujeedka maaweeladda caruurta ee Gaas muxuu daaran yahay? Ma wuxuu soo wadaa qabyo ninkeeda ayaa dhamaystiri karo ee xukunka hala ii kordhiyo? Cajaa’ib!! Bal aynu dib uyara milicsano taxanaha mashaaricda Gaas ku dhawaaqay ee kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo aynu ognahay in dhamaan mashaaricda garoonadda ee Puntland ay ahaayeen kuwo dowladihii hore ay kasoo shaqeeyeen soona diyaariyeen lagasoo bilaabo dowladii Cadde Musse (AX) iyo tii Faroole. Taasi awgeed, waxaanu dhehi karnaa in guusha uu hada Gaas sheeganaayo ay tahay libin rag hore soo shaqaysteen balse fulinteeda ku soo aaday wakhtiga
xukumaddiisa inkastoo hadafkii laga lahaa aan weli laga sal gaarin taasoo ay ugu wacan tahay markii uu Gaas u bedeley hankii bulshada reer Puntland mashruuc uu ku naaxiyo jeebkiisa iyo kan asxaabtiisa.

Aan ku bilowno heshiiskii dekedda Bosaso ee uu lagalay ninkii Falastiiniga ahaa Cabdalla Darwiish ee lahaa shirkadda Aqua Divers 2015kii loona saxiixay 25ka sanadood. Waxaa heshiiskaasi dilaal ka ahaa Captain Ciise Xaaji Faraax, waxaana Gaas lasiiyey sooryo(bonus) dhan 1.2 million (Wasiir Abdalla Jama Saalax isna wuxuu helay 200,000 dollar) halka khasnadda dowladda Puntland aysan hal senti kusoo dhicin inkastoo markii dambe heshiiskii socon waayey oo ay is arkeen looyaradda shirkada P&O (P&O waxay markaasi danaynaysay la wareegida dekeda Bosaso) oo dowladda Puntland metelayaa iyo kuwa Aqua Divers dabayaaqadii 2016 iyadoo dhaqaalihii kaga baxay dib loogu celiyey sanadkan 2017 biloowgiisii inta aan P&O lagu wareejin dekeda Bosaso.

Hadaba, markaad eegto heshiiskaasi, su’aalaha u baahan jawaabta waxa weeye:

 Muxuu heshiiskani Gaas u horkeeni waayey Golaha wasiirada iyo Baarlamanka inta uusan qalinka ku duugin?

 Muxuu sidoo kale ula wadaagi waayey labada gole nuqulka heshiiska oo saxiixan?

 Muxuu u qariyey xogta heshiiska uguna koobay isaga iyo wasiirkiisa hore ee dekedaha Abdullahi Jama iyo dilaal Captain Ciise Xaaji Faarax?

 Muxuu khubaradda reer Puntland ula tashan waayey?

 Muxuu Gaas lacagtii dilaalka (bonus payment) ee 1.2 million dollars uu magaca reer Puntland kusoo qaaday khasnadda dowlada ugu shubi waayey?

 Kasoo qaad, hadduu gadaal ka ogaaday in heshiisku dani ugu jirin Puntland, muxuu looyaradda P&O u isticmaalay oo dano gaar ah wata oo uu Looyaro Puntlanders ah iyo kuwo caalami ahba u qabsan waayey? Misse dilaalkii baa lagalay halkaas iyo P&O?

Aan usoo noqono heshiisyadda uu lagalay shirkadda CCECC ee shiineeska ah oo ay dilaalka ka yihiin Khadar Faroole iyo Abdiaziz Maxamuud xaaji seyn. Waxaan lasoconaa in dabayaaqadii 2016 uu Gaas safar ugu ambabaxay Addiis Ababa halkaasoo heshiisyo lagu galay qol mugdi ah oo ay kala saxiixdeen shirkadda CCECC iyo Dowladda Gaas. Inkastoo qodobada heshiiska la qariyey, hadana waxaan ka ognahay in lagu heshiiyey in shirkada CCECC ay dhisto garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Dekeda Garacad iyo jidka isku xira Eyl iyo Garowe inta laamiga ka leexsan iyadoo shrikadda CCECC ay bedelkeeda lasiiyey xuquuq xad dhaaf ah oo xaga macdanta, shidaalka iyo kaluumaysiga. Waxaa dilaal ahaan Gaas lasiiyey adduun dhan 3.5 million dollars, halka Khadar Faroole lasiiyey 1 million dollar, Xaaji seyna lasiiyey 150,000 kun oo dollar isagoo ka wakiil ahaa Hay’ada Macdanta iyo Shidaalka halka Wasiir Kulmiye isna loo xantoobiyey adduun dhan 150,000 kun oo dollar isagoo ka mas’uul ahaa xaga kaluumaysiga. Waxaa wax lalayaabo ah oo muujinaysa heerka uu ka gaaray Gaas qabyaaladda in iyadoo ay joogeen Wasiirkii Kaluumaysiga Biindhe iyo Agaasimihii Macdanta iyo Shidaalka Ciise Dhoolawaa uu Gaas bedelkooda Addis Ababa usii kaxaystay Wasiirul Dowlaha Kaluumaysiga Kulmiye iyo Xaaji Seyn (wax ma akhriyo waxna maqoro) oo ku magacaaban Ku Xigeenka Hay’ada Macdanta iyo Shidaalka Puntland. Alla qabyaalada Gaas fool xumaa!!

Hadaba Gaasoow su’aalaha u baahan jawaabta degdeg ah ee ku taxaluqa heshiiskan ayaa ah sidatan:

 Waxaanu ognahay in bishii Maarso, 2017 uu Gaas shirkii golaha wasiirada ka siiyey warbixin ku saabsan heshiiskii uu la galay shirkada CCECC isagoo aan wax cadayn ah soo hordhigin ama nuqulka heshiiska iyo cidda saxiixday. Hadaba waxaanu Gaas waydiinaynaa maxaad ula wadaaagi wayday golaha wasiiradda iyo Baarlamaankaba nuqulka heshiiska, cidda saxiixday iyo faafaahin dheeraad ah?

 Xalaal barqaa la qashaa!!! Inagu ka hadli mayno warbixinta aad soo malmaluuqday ee Saciid Farax Yare golaha wasiiradda ka akhriyey iyo tan aad afka ka sheegtay balse waxaanu ka hadlaynaa maxaad labada gole ula wadaagi wayday nuqulka heshiiska si loo wada ogaado waxa ku qoran in ay dan u tahay Puntland iyo Somalia?

 Maxaa ka jira in aad u saxiixday oo aad siisay ‘’oil blocks’’ ama goobihii lagu tuhunsanaa in shidaal ku jiro shirkada CCECC?

 Imisa ‘’oil blocks’’ ayaad saxiixday?

 Halkii oil block’ba imisaad ku qaadatay?

 Xogta aynu hayno waxay sheegaysaa in aad gobolka Nugaal u saxiixday ilaa afar block oo ay shirkado Mareykan ah hore u laahaayeen sida Kalis 1, Kalis 2, Burtinle 1 iyo Burtinle 2. Maxaa ka jira warkaasi?

 Waxaad kaloo u saxiixday labo block oo kuyaal Gobolka mudug. Maxaa ka jira warkaasi?

 Waxaad kaloo u saxiixday ilaa labo block oo ku yaal gobolka Karkaar. Maxaa ka jira warkaasi?

 Maxay tahay xiriirka ka dhexeeya shidaal barista shirkada CCECC ay ka wado gobolka Ogadeeniya ama kililka shanaad iyo tan aad u saxiixday shirkada CCECC?

 Maxay tahay kaalinta dowladda Ethiopia iyo shirkadaha laga leeyahay Ethiopia ku leeyihiin heshiiska aad la gashay shirkadda CCECC ee xarunta ku leh magaaladda Addis Ababa?

 Maxaa ka jira wararka sheegaaya in mustaqbalka loo adeegsan doono ciidamada federaalka Ethiopia ilaalinta danaha CCECC ee Geeska Africa iyadoo laysku xiraayo howlaha shidaal barista kiliilka iyo tan Puntland?

 Waxaanu ognahay in dowladaha reer galbeedka oo hore u lahaa oil blocks’ka Puntland ku yaal iyo Soomaliyaaba ay isha ku hayaan waxa ka socda Puntland. Maxaa kaaga qorshaysan khatarta ka iman karta heshiiskan aad saxiixday maadama ay dowladaha reer galbeedku yihiin kuwa lagu magacaabo deeq bixiyayaasha Puntland iyo Soomaliyaaba?

 Waxaanu ognahay in jidka Eyl aada ee ka leexda laamiga uu dhereerkiisu yahay 120 kilometer. Sida nagu maqaal ah, waxay shirkadda CCECC ku dhisaysaa halkii kilometer 1.3 million dollars taasoo wadarta guud ka dhigaysa 120kmx1.3=156 million dollars. Hadaba Gaasoow lacagta baaxadaasi leh halkeebaa laga keenayaa? Misse dalkii baad rahan dhigtay?

 Waxaanu nagu maqaal ah in garoonka Gaalkacyo lagu dhisi doona adduun dhan 23 million dollar. Gaasoow, halkeebaa laga keenayaa lacagtan iyadoo garoonkii Bosaso iyo kii caasimadda Garoweba qabyo yihiin?

 Gaasoow, xaruntii madaxtooyadda Galkacyo ee aad labo sano ka hor dhagax dhigtay meel ku sheeg?

 Macdan intee le’eg bay shirkadda CCECC ka qodan kartaa degaanadda Puntland?

 Saami imisa le’eg ayaad ku leedahay shirkadda CCECC? Muxuu yahay xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo Allen lee oo ah Executive Officer’ka shirkadda?

 Waxaanu ognahay in maraakiib kaluumaysi oo tiro badan ay ku sugan yihiin xeebaha Puntland oo ay dilaal ka yihiin Khadar Faroole, Xaaji seen, buurbuurka ilmo Maxamud Gurey iyo ilmo Xaaji Xassan iyo Wasiir Kulmiye. Hadaba, imisa maraakiib ayeey shirkada CCECC leedahay iyo imisaa adiga iyo ragaaga ugu jira? Halkee ka dhacday canshuurtii laga qaadi jiray maraakiibta noocan oo kale? Misse waxaad u qortay canshuur dhaaf abadiya ah?

Bal haatana aan yara milicsano heshiiskii la buunbuuniyey ee dhexmaray P&O iyo Puntland iyadoo lagu gudoonsiiyey mudo dhan 30 sanadood shirkada P&O dekeda Bosaso. Horta sida caqliga caafimaadka qaba iyo dowladanimaduba inoo sheegayso heshiis walba waxaa kasoo shaqeeya farsamo yaqaanadda khubaro labada dhinac ah taasoo mudo soo jiitanta kadibna iyadoo howshu soo gabagaboowday heshiiska si rasmi ah loo kalasaxiixdaa. Tusaale, heshiiskii Somaliland iyo Dubai Ports waxay wadahadalka gudiyadda farsamada labada dhinac soo socotay mudo ka badan labo sanadood iyadoo qolo walba danteeda ka dhex muujinaysay qabyoqoraalka heshiiska inta aan madaxdu saxiixin.

Waxaanu ognahay in qaabka aan kor ku soo sheegnay aan loo marin heshiiskii Puntland iyo P&O kala saxiixdeen. Waxaa kaloo aynu ognahay in oday Gaas iyo oday Cumar Cabdirashid ay dilaal toos ah ka ahaayeen iyagoo kala qaybsaday adduun dhan 9.5 million oo dollar oo ka mid ahayd lacagtii bonus ka ee dhanayd 15 million ee dollar iyadoo cad quudheed loo tuuray
Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Wasiir Saciid Raage, Wasiir Axmed Keraash iyo Wasiir Abdulahi Raabiyo kadib markii kaarka la marsaday oo bulshada Puntland loo tusay in heshiisku xalaal yahay taasoo runta ka fog. Waxaan rabnaa in aan cadaynoo in lacagta Gaas iyo Cumar la siiyey horaantii February ee sanadkan markii ay labadooda keliyah safar degdeg u soo aadeen
Dubai caleemo saarkii Farmaajo ka hor. Waxaa kaloo xusid mudan in buurbuurka ilmo Maxamuud Gurey iyo ilmo Xaaji Xassan, Safiya Basay iyo ninka waalan ee Xafiiska Gaas ugu magacaaban Warbaahinta ee la baxay Abwaan Cabdirashid loo tuuray xoogaa sandareero ah.

Docda kale, waxaan rabnaa in aan hoosta ka xariiqno in dowladda Gaas ay tahay dowladii ugu horeysay ee Puntland soo marta oo ku guuleysatay in ay musuqmaasuqeeda la dulmarto Baarlamaaanka si ay ugu xalaalaysato boobka ay ku hayso hantidda dalka iyo dadka. Waxaa cad in marka aad aragto habdhaqanka oday Gaas in uu khabiir ku yahay sida wax loo xado waana
ayaan darro kusoo korordhay umadda Somaliyeed.

Hadaba, su’aalaha u baahan jawaabaha degdeg ah waxaa ka mid ah:

 Maxaa banaanka loo dhigay kaalintii khubarada reer Puntland ay ka ciyaari lahaayeen diyaarinta heshiiskan?

 Maxay tahay kaalinta Safiyo Basay iyo xiriirka gaar ahaaneed ee idinka dhexeeyo?

 Waxaanu ognahay in heshiiskii dekeda Berbera ay wada galeen Somaliland iyo DP oo ay leedahay Dowladda Emirates. Hadaba maxaa heshiiskii Puntland loogu weeciyey shirkadda P&O ee qandarasleeyda ah oo waliba wax u dilaasha DP?

 Warsaxaafadeedka waxaa ku cadaa in shirkadda P&O ku guuleysatay $336 million dollars. Hadaba, ma P&O ayaa tender heshay? goormaa tartanka la qabtay?

 Maxaa nuqulka heshiiskani loogu soo bandhigi waayey golaha wasiiradda iyo baarlamaanka sida Dowladda Somaliland samaysay?

 Maxaa la qarinayaa?

 Maxaa sida Somaliland yeeshay bulshada loola wadaagi waayey heshiiska?

 Sida aynu xogta ka helnay P&O gudaheeda sheegayso, waxaad adiga iyo oday Cumar Cabdirashidba jeebka ku ridateen adduun dhan $9.5 million. Yaa xaq idin siiyey in aad umadda magacooda wax dhacdaan?

 Maxay tahay kaalinta inaadeerkaa Bashir Abdulaahi Cali Gaas iyo Safiyo Basay ku leeyihiin maamulidda qandaraasyadda la bixin doono?

Gunaanadkii, waxaan Gaas leenahay mid, reer Puntlandna waxaan leenahay mid.

Gaasoow, waxaa laga hayaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka Roosevelt in uu yiri ‘’ You can fool some people sometimes but you can’t fool all the people all the time’’. Taasoo micnaheedu yahay, ‘’Marmar baad dadka qaarkiis been u sheegi kartaa, laakin had iyo jeer dadkoo dhan been u mawada sheegi kartid’’

Waxaa lagaaga fadhiyaa in aad reer Puntland kasoo garbaxdo. Waxaad been u sheegtay maatadii, waxaad dayacday amaanadii, waxaad khaa’intay bulshadii, waxaad boobtay hantidii, waxaad lugooysay umaddii, waxaad iibgaysay dalkii, waxaad dhaxal wareejisay dadkii, waxaad rahantay dalkii iyo dadkii, waxaad sharaftii iyo karaamaddii ka qaaday Puntland, waxaad hoos u
dhigtay maqaamkii siyaasadeed ee reer Puntland!! Maxaa kuu haray oo maxaa noo haray???

Reer Puntland waxaan leenahay mid. Waad u jeedaan dalkii halka uu maraayo iyadoo uu Gaas nasaaray wadadii burburka maadama nabadgelyadii meesha ka baxday, dhaqaalihii burburay, eexdii iyo tuuganimadii caadi noqotay, shaqo la’aantii baahday, dalkii la iibgeeyey, caafimaadkii meesha ka baxay, biyo la’aan, gaajo iyo sicir barar taabtay bulshadoo dhan kadib markii la
daabacay lacag been abuur ah.

Hadaba, maxaa nala gudboon? Waxaa runtii nala gudboon in aan Puntland badbaadino sida ugu dhaqsiyaha badana xisaabtan dhab ahna lalagalo xukuumadda iyo baarlamaankan afduuban ee jeebka ugalay Gaas iyo xulafadiisa.

Allow Puntland iyo Somalia oo dhan balaayada ka xijaab – aamiin.

Diiriye Mohamed & Abdirahman Ismail

Puntlandhero1998@gmail.com



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *