tawakal expressgolis logo



Roob Saamayn weyn ku yeeshay Barakacayaasha oo xalay Muqdisho ka da’ay

MUQDISHO(RBC RADIO)Roob lixaad leh oo saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo Gaadiidka ayaa xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Roobkan oo ahaa mid mahiigaan ah ayaa xiray qaar kamid ah wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,Roobkan ayaa saamayn badan ku yeeshay kumanaanka qoys ee Barakacayaasha ah ee kunool duleedyada Muqdisho kuwaasoo aan haysan meel ay ka galaan dhaxanta iyo dhibicda Roobka.

Barakacayaasha ku dhaqan hareeraha Magaalada Muqdisho ayaa ka codsanaya Hay’adaha Gargaarka,Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed iney u gurmadaan,Waxayna sheegeen in dhibaatada ugu daran ee haysata ay tahay Hooy la’aan waxayna dalbanayaa in loo geeyo Baco ay ka galaan Roobka.

Roobka lixaadka leh ee xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa waxyeelo u geystay qaar kamid ah Wadooyinka Laamiga ah,Roobkan ayaa kusoo beegmaya xilli Magaalada uu ka jiray kulayl fara badan.

 

RBC RADIO



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *