tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

SHirka London: Ajandayaasha Boris Johnson kuweena waa ka duwanyihiin! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

SHirka London: Ajandayaasha Boris Johnson kuweena waa ka duwanyihiin!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk>
May 10, 2017

{Farmaajo, KHayre,
yididiilo fiican!…laakiin
Jawaari Xil-Dhibaanadaan
uga seexanaynaa!}
Waxaa marka hore aad moodaa inuu khaldanyahay qaabka shirka loo soo agaasimay, oo waxaa ka muuqda in wali shirarka qaabka loo soo diyaarinayo uu yahay in sidii jabhado dagaalsan shir loo qabanayo, waana arin si ula kac loo samayniyo iyadoo looga dan leeyahay in mar kasta dowladda loo muujiyo inaysan qaan-gaar noqon….Dowladda in sidaas loola dhaqmo waxaa keenaya iyadoo ay dalalka shisheeyaha ka war qabaan inta ay la egtahay kalsooni darrida dadka Soomaaliyeed dhex taal.

Malaha dabeecad bay iska noqtay in maalin kasta qolo un tiraahdo Soomaalidaan shir u qabanaynaa, intii uu burburka innagu dhacay maalin kasta shirar baa laynoo qabanayay, 26-27 sano maalin kasta dal aan tuhmayno inuusan daacad inoo ahayn, ama aan godob ka tirsanayno baa shir inoo qabanayay!….Itoobiya, iyo Kenya!…wali shir aan annaga leennahay oo taladeenna ku yimid hal mar ma aynaan qabsan!…..dowlad baan nahay?!…….Bal u fiirso dowladaha inoogu dhow maanta, ama ugu horeeya marka la yiraahdo Soomaaliya baa wax loo qabanayaa waa kuwii colaaddu innaga dhexeysay ama aanan xiriir weyn la wadaagin ama uu madmadow ku jiray xiriirka aan leennahay intii aynaan burburin! Ma Itoobiyaa, ma Kenyaa ma Ingiriiskaa, ma Maraykankaa?!…..bal dib u jaleec xiriirka aan la lahayn waddammadaas oo iyagu hadda ah dalalka ugu horeeya ee siyaasadda iyo talada Soomaaliya iyagaa ugu horeeya aqoosheeda, taladeeda, iyo guud ahaan hawsha la doonayo in dib mar labaad Soomaaliya isugu taagto!…Allow Run U Hiili!…..

Maraykan iyo Ingiriis annagoo nabad ah oo dhisan bay rabeen inay ina dumiyaan, marka bal is weyddii oo si daacad ah uga feker, maxay kuu dhisayaan marka aad udunto am ay ku dumiyeen?!….. malaha waa caqli aanan annaga wali gaarin, ma garan karo waxa dadkeena il-bax ah ay isugu sheekeeyaan!…Itoobiya ilaa maalintii Alle laba dal oo deris ah innaga dhigay waa intii ay cirka iyo dhulku abuurnaayeenee, maalin keliya kuma aysan qanacsanayn inaan ahaano laba dowladood oo deris ah oo leh xiriir derisnimo iyo wax wada qabsi, bal Gar-Darradaas!… keliya waxay ku fekeraysay ( waa sida malaha laga dhaadhiciyay) Soomaaliya qabso oo adigu yeelo!…. Kenya waxay wanaag kasta oo ina dhex mari lahaa ka dooratay intii uu Ingiriiska u sheegay, waxayna garan weyday in halgankii gobanimo doonka ee Kenya xoriyaddeeda u soo gashay ay xubno muhiim ka ahaayeen dad Soomaaliyeed oo wali ay hadda qaarkood noolyihiin, waxayn u bareetay annagoo 3sano uga horeynay dowladnimmada, muddo 30 sano ahna halganka uga horeynay inay dalkeenii iyo dadkeenii hadiyad ahaan Ingiriiska uga gudoonto…..Waa Ingiriis-kee?! Ma mid kalaa kan hadda shirka inoo qabanaya?!….

Boqortooyada Midowga Britain, aad baan isu naqaan, muddo labaatameeyo sano ah ayaan dagaal kula jirnay si aan gobanimmadeena uga hanano, wixii ay inoo geysteen, waxay ku qoranyihiin sadarrada gabaydii ay tiriyeen Sayid Max’ed Cabdulle Xasan iyo ciidammadii daraawiishta ahaa (Dervishes), intaas inoogama tegin ee waxaan ka dhaxalnay in dalkeenii la qaybsado, ummad ahaan layna kala qoqobo!….Qoon xanuun badan iyo waliba daqaro wali raysan la’!….Aaaaah!

{SHirar marin habaabin ah
oo aan ku salaysnayn waxa
dadka Soomaaliyeed ka maqan!}

SHirka Ingiriiska ka dhacayo ajandayaasha (Agendas) looga hadlayo ama waxa Beesha Caalamka loogu yeero ha diyaariso ama Soomaalidaba ha diyaarisee xaqiiqda Soomaaliya taal laguma salayn! “….Amniga, siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, iyo gurmmadka abaaraha ka jira Soomaaliya!….” waa ajandayaasha SHirka London looga hadlayo sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga Qabanqaabada SHirka London Cabdi-Raxmaan Caynte iyo Waziirka War-Faafinta Cabdi-Raxmaan-Yariisow….Maxaa ajenda ah?!…oo haddii arrimahaas looga hadlayo shirka London maxay hadda dowladda qabataana?…..aad baan uga xumahay, arrimahaas waa waajibaadka ugu muhiimsan ee ummad kasta dowladeeda ka sugayso, waana hawl-maalmeedka uu dowladda shacabka u xil-saartay, waxaana la moodaa in ajandayaasha shirka ay soo diyaarisay Boqortootada Midowga Biritayn uuna dowladda soo gaarsiiyay Boris Johnson markii uu dhowaan dalka soo booqday (March 15,2017).

Booqashadii Boris Johnson, marka la fiiriyo sida degdegta ahayd ee ay u timid, isla markii la doortay madax-weynaha cusub Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa ka muuqday ama la malayn karaa in ujeeddadeedu aad uga baaxad weyneyd SHirka London ee uu naadiyay Johnson ee labada maalin ee soo socda qabsoomaya, waxaana ka muuqday in ujeeddadu ahayd in dowladda cusub lagu adkeeyo heshiisyadii qabyada ahaa ee David Cameron uu la galay Xasan SHiikh Max’ud, shirka uu Boris ku baaqayna waxba kama duwana kii xilligii Xasan SHiikh Max’ud uu Soomaalida u qabtay David Cameron, kaasoo markii dambe irridda u furay xiriir dhow oo dhex mara labada nin (Xasan SHiikh iyo David Cameron) waxaana jiray heshiisyo ay si gaar ah u wada saxiixdeen oo aan ilaa iyo hadda cid ka war haysa waxay ku saabsanaayeen aysan jirin, wanaa arrintaas tan ugu muhiimsan ee soo dedejisay booqashadii uu Boris Johnson ku yimid Soomaaliya.

{Ammaanka ay Soomaaliya
u baahantahay waa iyada
oo heshiisa ee ma aha
Al-SHabaab iyo Burcad-Badeed
baa lala dagaalayaa!}

Dalka Soomaaliya, waxaa buux dhaafshay ciidamo shisheeye oo ujeeddada dalka u yimaaden lagu sababeeyay inay ammaanka Soomaaliya sugayaan, Ammaan?!….Laga yaabo inaan tireo sugan laga hayn ciidammadaas, laakiin waxaa lagu qiyaasay ilaa 22kun, waxaan jira ciidamo kale oo aan tiro ahaan ka yarayn kuwa AMISOM oo meel kasta jooga maalin kastana dalka soo gala iyagoo soo maraya xeebaha ama gigooyinka dayuuradaha, hadana waxaa la modaa shaqada ay hayaan inay ka baxsantahay sababtii markii hore dalka ay ku yimaadeen….

Dalalka shisheeyaha ah waxay isugu jiraan kuwo ciidammada ay ku taba-bartaan ama teknoolajiga qalabka ciidammadooda ku tijaabsada, kuwo kalluun iska gurta, kuwo mabaadii’i, dhaqan iyo diin fidinaya, oo dhammaantood si xornimo ah oo ka madax banaan dowladda Soomaaliyeed waxay doonaan dalka uga samaysta, waxaana shaki ku jirin in ciidammada intaas la eg ay ilaaliyaan qaybahaas aan soo sheegnay!… SHirarka dalalka shisheeyaha ah ay qabtaan waxay dowladda ka marin habaabiyaan wixii qorshe iy barnaamij ahaa ee ay iyadu baahidooda dareemaysay aakhirkana waxy ku soo dhammaadaan La dagaalanka Argagixisada iyo Burcad badeedda!….shirar marin habaabin ah!…. in ka badan rubac qarni baa shir kasta oo Soomaalida loo qabto muhimaddiisu waxaa ajandayaasha looga hadlo ay ahayeen in argagixisada lala dagaalo, waxaana hubaal ah in arrintaas ay dhibowga uga baxeen ciidamo badan oo dalalka waaweyn oo ay ku taba barteen dhiigga dadka Soomaaliyeed iyadoo waliba kharajka ku baxay laga soo saarayo khayraadka dalka laga xaday!…..laakiin maanta dowladda Soomaaliyeed iyadaa laga rabaa inay talo shirka la tagto.

Soomaaliya ammaanka ay u baahantahay waa iyada oo heshiisa, waa iyada ciidmmada shisheeyaha ah ay dalka ka baxaan, ajandayaasha dowladda ay ka mid noqdaan in waqti kooban loo qabto ka bixitaanka ciidmmada shisheeye ee dalka Soomaaliya!….Waxaa kaloo loo baahnyahay in gaashaanka loo daruuro oo laga hor tago sal-dhigyada ciidan ee ay doonayaan dalalka Imaraadka iyo kuwo kale oo badan! Ammaanka ay Soomaaliya doonayso wuxuu ka bilaaban kararaa Dowladda iyo Al-SHabaab oo mid kasta iyada oo xor ah oo Soomaali ah iskood u wada hadla!…ma ah in maalin kasta uu madax-weynaha tuuto ciidan soo gashto!…

Soomaaliya horu marka ay u baahantahay ma aha midka ay xukuumadaha suuqa raadinaya ay maalin kasta u aqriyaan, mana aha maal gashiga iyo daymaha ay IMF-ta iyo World Bank ku qaamayniyaan dadlka si hantida dalka loola wareego, Xasan SHiikh Max’ud wuxuu sheegay in lagu leeyahay dalka ilaa 2 billion dollar, in kastoo uu haddana mar dambe sheegay inaan wax dayn ah lagu lahayn oo la baxshay, hasa yeeshee diplomat-siyiin dowladiisa ka mid ahaa ayaa iyagana sheegay in muddadii uu Xasan Shiikh Max’ud joogay uu dalka galay ilaa 4billion oo dollar dayn ah!….macnaha sanadkiiba hal billion! Oo maxaa lagu qabtayna?! Maxay ku baxdayna?!

Horumarku dalkan u baahnyahay ma aha in maalin kasta inta shir lagu yaaco dayn layska soo qaato, dadka Soomaaliyeed horu marka ay u baahnyihiin waa ina baddooda looga baxaa, waa in dagaallada magacyada Argagixisada iyo Burcad-Badeedda ee aan dhammaadka lahayn laga joojiyaa oo loo sheegaa dalka shirka marti gelinaya iyo xulufadiisa.

Soomaaliya, dowladda federal-ka iyo maamul goboleeddada xiriir ma leh laakiin dunida kale gaal iyo Islaamba xiriir wanaagsan bay la leeyihiin!…..waxaana taas ka daran in dowladihii ina soo maray aysan si dhab waligood u yeelan barnaamij cad oo dib u heshiisiin ah isla markaasna aysan ka shaqayn sidii shacabka looga daweyn lahaa raadka ay colaadaha uga tageen…..

{Maanta dowladda
Soomaaliyeed waa
inay shirka la
tagtaa ajendayaasheeda!!}
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee dowladda ajandayaasha ay shirka la tegayso waxaa ugu horeeya oo ka mid noqon kara ,in Xog-Hayaha Guud ee Qarmmada Midoobay Antonio Guterres, ay weydiistaan inuu kala qayb qaato joojinta dhibaatada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah ay dowladaha caalamka qaarkood ay kaga jillaabanayaan xeebaha Soomaaliya in ka badan rubac qarni, waxaa kaloo ka mid noqo kara in Qarmmada Midoobay ay weydiistaan sidii loo baari lahaa waxna looga qaban lahaa qashinka iyo haraadiga kiimikada ee xeebaha Soomaaliya ay ku aaseen dalalka warshadleyda ah qaarkood.

DHanka kale, dalalka safka hore uga waxa loogu yeero dagaalka Argagixisada, oo uu ugu horeeyo dalka shirka marti gelinaya ee Britain, iyo Maraykanka wax ugu horeeya ee ay kala hadlayaan wuxuu noqon karaa in Soomaaliya ay isaga filan tahay dowlad ahaan dagaallada Al-SHabaab iyo colaad kasta, iyado waliba aysan taas sahlanayn, waxaase taas ka dhibaato badan oo dalka culays faro badan ku haya dagaalo aan dhammaad lahayn oo maalin kasta ay ku dhimanayaan dad shacab ah oo maata ah oo aan wax galabsan, iyadoo magaca dagaalkuna yahay Argagixiso!…. Dagaalo ummada maalin kasta salfada hanta mood iyo noolba leh, iyadoo magaca dagaalku yahay Al-SHabaab.

Waxaa iyadana habboon in dowladda ay arrimaha ay shirkaas kaga qayb gelayso ama qodobbada iyo talooyinka u qorshaysan ay la socdaan waziirrada ay xafiiskooda khusayso, si loo helo meel looga hagaago mas’uuliyadda talo kasta, wanaa in shacabku ay dareemaan ama ay arkaan waxa laga wada hadlay iyo macnaha uu uga duwanyahay shirarkii hore ee noociisa ahaa!… waana hubaal in ajandayaasha uu wato Boris Johnson ay ugu muhiimsanyihii in dib loo cusboonaysiiyo heshiisyadii qabyada ahaa ee David Cameron iyo Xasan SHiikh Max’ud ay horay u gaareen, laakiin heshiisyadaas haddii ay danta dadka iyo dalka ku jirto maxaa shacabka loogu sheegi waayay?!……

W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *