tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Soomaaliland oo digniin adag u dirtay cid walba oo isku dayda iney qalqal galiso Amniga xilli ay Maanta ku beegan tahay 26guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhaaqeen gooni isu taagga

HARGEYSA(RBC RADIO)Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland ayaa waxaa Maanta la geeyey Ciidamo fara badan oo Boolis ah kuwaasoo ka qayb qaadanaya Sugida Amniga iyada oo ay Maanta ku beegan tahay Sanad guuradii 26-aad ee kasoo wareegtay ┬ámarkii ay Soomaaliland ku dhaawqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991kii.

Taliska Booliska Soomaaliland oo ka cabsi qaba iney rabshado ka dhacaan Magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa iyo Burco ayaa waxa ay goobahaasi geeyeen Ciidamo dheeraad ah oo suga Amniga,waxayna ka digeen in dhalinyaradu ay ku kacaan falal Amniga lidi ku ah.

“Ciidamada Booliska iyo birmadka waxay u diyaar garoobeen Sugida Amniga 18ka May oo ah Maalinta Qaranimada Soomaaliland,halkan waxaan fariin uga dirayaa kooxaha dhalinyarada ah ee usii badan Gobolka Togdheer iyo Caasimadda Hargeysa waxaan halkan uga diyaraa fariin digniin ah,cid kasta oo kamid ah dhalinyaradaas oo fal lagu qabto Sharciga ayaa la marinayaa,Shacabkane waxaan leeyahay Waar intaad hadhoow oddhan lahayd Masaajid buu kasoo baxay hada qabso”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliland C/llaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha Booliska Soomaaliland ayaa tilmaamay in iyaga oo Kaashanaya Shacabka qaybihiisa kala duwan iney qaadi doonaan tallaabooyin lagu sugayo Amniga deegaanada Soomaaliland,wuxuuna ku booriyey dadweynaha iney usoo sheegaan ciidamada cid walba oo qalqal galinaysa Amniga Soomaaliland.

Waxaa laga cabsi qabaa iney Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland ka dhacaan rabshado salka ku haya Caburinta ay wado Xukuumadda Soomaaliland oo dhawaan Heshiis la gashay Imaaraadka Carabta oo Saldhig Milateri ka samaysanaya Dekedda Berbera,Dadweynaha Soomaaliland ayaa si weyn arintaasi uga horyimid.

RBC RADIO

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *