tawakal expressgolis logo

globalbox90kthestraighter

Soomaaliland oo rajo wanaagsan ka qabta iney dib u bilowdaan wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland

HARGEYSA(RBC RADIO)Maamulka Soomaaliland ayaa rajo wanaagsan ka qaba iney dib u bilowdaan wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo hakad galay.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliland Dr.Sacad Cali Shire oo ku sugan Magaalada London oo Waraysi siiyey Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay iney rajo weyn ka qabaan iney dib u bilowdaan wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Dr.Sacad Cali Shire ayaa nasiib darro ku tilmaamay in wada hadalada oo soo bilowday sanadkii 2012kii isla markaane la isa soo hor fariistay 7 jeer aysan wax weyn oo la taaban karo kasoo bixin,Wuxuuna xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku dhaawaqay inuu diyaar u yahay wada hadalada isagoona intaa raaciyey in Soomaaliland dhankeeda ay diyaar u tahay wada hadalada.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliland ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay yihiin laba dal oo lixdankii Midoobay sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna tibaaxay ineysan jirin wax dhib ah Soomaaliland ay u geysatay Koonfurta Soomaaliya 26kii sano ee ay ka maqnaayeen,Dr.Sacad oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey ineysan sidoo kale jirin wax ay Soomaaliya ku weyday maqnaanshaha Soomaaliland sida uu hadalka u yiri.

Soomaaliland ayaa sanadkii `1991 ku dhawaaqday iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow aysan wali helin Aqoonsi Caalami ah.

BC RADIO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *