tawakal expressgolis logo



Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig: Ma nihin qolo Mucaarid ah ee waxaan nahay Xisbi(Sawirro)

Muqdisho(RBC Radio) Guddoomiyaha kumeelgaarga ah ee madal la magac baxday”Horusocod” Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa maanta sheegay in kooxdiisu aaney aheyn madal mucaarad ku ah Madaxweyne Farmaajo ama Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jawaari.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa cadeeyey mowqifka madasha ay ku mideysan yihiin ee Horusocod.

….”” Mowqifka madasha horusocod waa madal siyaasadeed oo la doonayo in ay ku midoobaan Xildhibaannada labada aqal, sidoo kale bulshada Soomaaliyeed, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, qurbojoogta, ganacsatada, saxaafadda, ciddii xubin ka noqoneysana ay u furan tahay”.ayuu yiri Xidig.

Xildhibaan Xidig oo ka hadlay ujeedada loo sameeyey madashan ayaa sheegay sidii looga gudbi lahaa nidaamka 4.5 iyo sidii xisbiyo loogu gudbi lahaa.

….”” Ujeedada ay tahay, dalka waxaa uu muddo dheer ku soo jiray 4.5 awood qeybsiga oo qaab qabili ah, taas oo muddo badan lagu soo dhaqmayey, qurshuhuna yahay in laga gudbo sida dastuurkeenu sheegayo, sida cutubka 2aad, qodobka 12aad, 18aad iyo 22aad..oo ka hadlaya in loo guuro axsaab, sida aad ogtihiin xildhibaannada waa in ay xisbi galaan 2 sano gudahood, oo xitaa xubinno waa weyn karaa”ayuu yiri

Wuxuu kaloo ka hadlay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig in qorshahoodu ku jirin mooshin ay ka keenaan Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha ,ayna qaban doonaan shirweyne marka la agar bisha July markaasoo lasoo bandhigayo gollaha dhexe.

…..”Qorshaha dhaw ee horusocod kuma jirto mooshin ka dhan madaxweynaha ama ra’siul wasaaraha…bisha July marka la gaaro shirweyne ayaa la qabanayaa, waxaana la soo bandhigayaa golaha dhexe”ayuu yiri

Sidoo kale,wuxuu hadalkiisa sii-raaciyey iney bilaabayaa isla xisaabtan isla markaana ay taageerayaan wixii wanaagsan ee dalka ka socda ee aan gaabis ahayn.

….”Waxaan rabnaa in aan cadeyno, Xildhibaannada waxa ay diyaar u yihiin isla xisaabtan, warka si xun ayaa loo fasiray, waxaan rabnaa in aan cadeyno ma nihin madal mucaarad…ma nihin dad mucaarad ku ah farmaajo ama Jawaari”ayuu yiri

Sidoo kale dhowr Xildhibaan ayaa madasha ka hadlay,waxayna ku dheeraadeen hadafkooda ,iyagoona xusay in ujeedkoodu yahay isla xisaabtan ,wixii qaldana ay saxaan balse beeniyey sida wararka loogu faafiyey baraha bulshada.

Madasha Horusocod ayaa maalmo ka hor looga dhawaaqay magaalada Nairobi ,waxaana ay noqon doonta cudud xooggan oo aqlabiyad ku yeelata Baarlamaanka kuwaasoo yeelan doona saameyn siyaasadeed.

RBC Radio



2 Responses to Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig: Ma nihin qolo Mucaarid ah ee waxaan nahay Xisbi(Sawirro)

  1. Hershi

    May 18, 2017 at 8:19 pm

    Aduunka iyo dhamaan soomaalida waa ka warqabaan in ay QABIIL ku heleen xildhibaanimada waana laga warqabaa in ay LACAG BADAN KA BAXDAY si ay jagadaas u helaan. Maamulkaan iyo kuwii ka horeeyay howsha siday u socotay goob joog bay ka ahaayeen kamana ay hadli jirin Maamulkaan oo bilo jiro waxay fowdad u kicinaayaan waa hal arin “Lacagtii helitaanka xildhibaanimada ayaa aad u badnayd markii la siiyay mushaar ayaan noqonwaayay inay waayeen waxay isa saareen” ayadoo ay hogaamiye ka dhigteen mudane xiiidig oo ka soo jeeda reeraha hunguri weyni lagu tilmaamo” XISAABTII BAA QALDANTAY RAALI KU ahaada intaas ee shaqeeya Buuga dastuurka baa waxa la idinku qaadayo aga raadianya.
    Dawacooyinka idinku jira jalaafadooda ayaad ku dhacdeen
    Xisaabtii baa xumaatay meeshiina daawooyika ku qaata

  2. Ali

    May 18, 2017 at 8:24 pm

    Waxaa la yiri geedkii orod lagu fuulo orod baa looga soo degaa HOWSHAAN ADINKOO KA FIIRSAN BAAD GASHEEN MANA rabtaan inaad ka baxdaan adinkoo kelin lacagtii idinka baxday

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *