tawakal expressgolis logo



Booliska Kenya oo Mombasa ku qabtay Rag ay sheegeen iney qorsheynayeen weeraro ay Maalmaha Ciida ka fuliyaan Magaalada Nairobi

MOMBASA(RBC RADIO)Ciidamada Kenya ayaa gacanta ku dhigay 4 Nin oo ay sheegeen iney qorsheynayeen weeraro ay ka fuliyaan Magaalada Nairobi Maalmaha Ciida.

Ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka Argagixisada Dowladda Kenya ayaa deegaanka Boi ee Magaalada Mombasa ku qabtay 3 Nin oo ay sheegeen iney abaabulayeen weeraro ay Maalinta Ciida ka fuliyaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda wadanka Kenya.

Booliska Kenya ayaa baahiyey Sawirada iyo Magacyada raggan ay ku qabteen hawlgalka ay ka sameeyeen Magaalada Mombasa,waxaana lagu kala Magacaabaa Ragga ay gacanta kusoo dhigeen Yaxye Saalim Bakaari oo Macalin ka ahaa Masaajidka Majalis ee Xaafada Kikambala,Jirius Mwanzi iyo Cabdalle Ramadaan,Booliska ayaa sheegay in Ragani ay kasoo carareen Magaalada Nairobi.

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada Kenya ayaa u dhacay guryo ay raggani ka daganaayeen deegaanka Boi,Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Maxamed Nguzu oo isne ay sheegeen inuu qayb ka yahay shabakadda qorsheynaysay iney weerarada ka fuliyaan Magaalada Nairobi.,

Booliska Kenya ayaa sheegay inuu ka baxsaday Nin shanaad,waxayna tilmaameen iney su’aalo weydiinayaan ragga ay hayaan oo ay sidoo kale ku eedeynayaan iney Askar u qorayeen Al-shabaab,Kooxda Al-shabaab ayaa gudaha Kenya ka fuliyey weeraro uu dhiig badan ku daatay,

 

RBC RADIO

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *