tawakal expressgolis logo



Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo lagu wareejiyey Maandooriye halis ah si loogu daweeyo dadka Bukaanada ah

HARGEYSA(RBC RADIO)Gudoomiyaha Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku wareejiyey Maandooriye halis ah si loogu daweeyo Bukaanada ku jira Cisbitaalka Hargeysa.

Axmd Dhame Ismaaciil Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa ayaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku wareejiyey Maandooriyaha loo yaqaan Spirito,Wuxuuna sheegay iney kusoo qabteen Maandooriyahan  dad ay Maxkamadu xukuntay kuwaasoo doonayey iney ku waxyeeleeyeen bulshada balse waxa uu xusay iney hada doonayaan iney ku badbaadiyaan nolosha bukaanada ku jira Cisbitaalka Guud ee Magalaada Hargeysa.

Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Maxkamadda Hargeysa Maandooriyaha ay ku wareejiyeen Cisbitaalka kaasoo gaaraya 124 Lit.,wuxuuna sheegay iney Ispiritada lagu wareejiyey u adeegsan doonaan baahida caafimaad,Agaasime ku xigeenka ayaa tibaaxay in Maandooriyahan aan loogu talagalin Cabitaan balse loo adeegsado in lagula dagaalamo Jeermiska jirka dushiisa gaar ahaan xiliyada la samaynayo Qaliinka.

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland kawada hawlgallo lagula dagalamayo waxyaabaha Maanka Dooriya.

 

RBC RADIO

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *