tawakal expressgolis logo



Codkii dad-weynaha!….Mase aragtay qodobka 64aad ee dastuurka?! W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

Codkii dad-weynaha!….Mase aragtay qodobka 64aad ee dastuurka?!
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

[Madax-weynihii xilkiisa dhamaystaba Xil-DHibaan ma noqon karo, wuxuuna siday ahaanjirtay ama hadaba

aduunku yahay sharci u leeyahay inuu  huwanaado haybadda qaranka oo difaacda sharaftiisa (Immunity)]

Xil-DHibaanimmada ma aha mid uu madax-weyne baxsho, ama waziir uu baxsho, ama ay maxkamad bixiso, mana aha mid laysu hadiyeyo oo madaxda markaas hoggaanka haysa ay bixiso ee waxaa lagu helaa codka dad-weynaha, waxaa lagu helaa in deegaanka aad ku nooshahay dad-weynaha jooga ay kuu doortaan inaad deegaankooda wakiil u noqoto,  dastuurka ama xeerarka kale ee dalkana waxay sheegaan sharciyaddiisa, shuruudihiisa, iyo sida uu qofku ku noqonaya ama u ahaanayo Xil-DHibaan, taasi waxaan ula jeednaa Xil-DHibaanimmada inaysan ahayn xilalka la magacaabo ama laysu hadiyeeyo, waana awoodda tooska ee dad-weynuhu ku leeyihiin talada dalka oo aysan cid kale la wadaagin, sidaa daraadeed Xil-DHibaanku wuxuu wakiil ka yahay oo uu afkooda ku hadlaa shacabka u soo doortay inuu iyaga wakiilka u noqdo!….

Laga soo bilaabo burburkii qarnkeenii ku dhacay waxaa shacabka  wakiil ka noqday Xil-DHibaano aysan shacabku keensan oo lagu keenay qaab farsamaysan oo magac beeleed ku salaysan, waxaana dhibaatada ugu sii daray oo taladu farihii ka sii baxday markii sidii la qorsheeyay ay beelihii is garab yaaceen oo beel kasta is tiri yaan kuraasta lagaa badsan, taasina waxay horseedday in la ilaaway ujeeddadii iyo dantii Xil-DHibaanka laga lahaa…oo maxay tahay?!….caqligii iyo garashadiina waxay ku soo koobmeen in niman geeloodii la jooga laga soo wado oo xil-dhibaan laga dhigo!.. in niman beerahoodii falanaya inta laga soo wado xil-dhibaan laga dhigo, nima aan waligood arag canshur la bixinayo, niman aan waligood arag dowlad hoose, degmo iyo gobol iyo sida ay u shaqeeyaan oo aan la fahamsiin karin deegaan inuu ka yimid oo uu wakiil u yahay!…..waaba halkaas meesha waxa oo dhan ay ka khaldameen oo siyaasadda dalka laga naafeeyay… ninkaas dariiqa isagoo taagan laga soo waday isna wuxuu inoo doortay oo dalkii madax-weyne uga dhigay nin kale oo dariiq taaganaa oo aan la aqoon sababta loo doortay, taasi waxay inoo dhashay in la waayo qof mas’uul ah oo dareemay xuquuqda dadku iyo dalka leeyihiin….wuxuu xeer inooga dhigay wax aan ummad xeer u noqon karin!….Ninkii madax-weyne soo maraaba markuu xilka ka dago wuxuu noqonayaa Xil-DHibaan aan dhicin ilaa uu dhinto!

Waddammada qaarkood waxaa dastuurkooda ka mid ah in madax-weynaha dalka uu magacaabi karo xubno ka mid noqda xil-dhibaannada dalka (Nominated Member Of Parliament) iyadoo inta badan lagu salayniyo labo sababood midood; inuu qofkaas yahay mid shacab-weynaha dalkaas ka mutay magac iyo sumcad, kuna dhex leeyahay saamayn muuqata, iyo inuu yahay qof dalka abaalkaas ka mutay oo wax la ogyahay oo uu ku tilmaamanyahay qof ahaan dalka iyo dadka u qabtay….. Madax-weynaha magacaabaya xil-dhibaanka ma aha mid ay barlaman isaga laf ahaantiisa soo doorteen, ama ku yimid hab ka duwan doorasho caam ah oo ay dad-weynuhu codeeyeen, isla markaasna qofkaas la soo magacaabay wuxuu xubin golaha shacabka ka ahaan karaa hal xilli sida xil-dhibaannada kale ee la soo doortay..isla markaasna xubnaha uu magaacabayo madax-weynaha waxba kama bedelayso tirada golaha shacabka, oo waa tiro rahman oo mar kasta uu madax-weynaha magacaabayo oo loogu tala galay dadka aan sifahooda soo sheegnay.

[Madax-weynaha markii hore baa muddo la ogyahay oo go’an inuu dalka xukumo loo doortay, marka haddii uu muddadii dhameysto muxuu abaalkaas ku mutay waaba loogu talo galay inuu dhameystee?!]

Madax-weynaha muddad uu xafiiska joogayo waa tii loo doortay, sida ku talo galku yahayna wuu dhamaysanyaa, inuu muddadii xafiiska loo doortay isagoo aan la dacweyn ama aan la ridin dhamaystana ma aha arrin uu ku mudanayo abaal marin ka badananshaxa uu dastuurka siiyay marka uu xilka ka dego!… inuu dhameystose ma wuxuu ku mudanayaa inuu xil-dhibaan joogta ah noqdo?! Oo maxaa muddadaas inuu xilka xafiiska hayo loogu qabtay haddii uusan dhamaysanayn?!…taasi maan gal ma aha, sabab kale ha la sheego oo la qaadan karo!…Mid iyadu waa lama huraan in qofka isa soo rashaxaya oo xil-dhibaanimmada soo doonanaya uu yahay qof aan denbi dadka iyo dalka midna horay uga gelin oo la hubiyay oo uusan jirin muwaadhin ka dacwoonaya, ama khayaano uu qaranka ka galay! Uma malayniyo xil-dhibaanadaeenna in shuruudaas la mariyay…

Mase aragtay qodobka 64aad ee dastuurka  qaybtiisa 4aad ee sheegaysa in madax-weynihii aan xilka laga qaadin ama aan wax denbi ah lagu helin ee muddada xilkiisa sidaas ku dhameysta uu noqonayo xubin joogta ah oo intuu noolyahay golaha shacabka ka mid ah! Qodobkaan waa nalagu darsadayee ee yaa innagu darsaday?! Qodobo badan baa dastuurkeena lagu darsaday!!..….Waxaas sidee ummad isugu raacday, qodobkan sinna uma noqon karo sharci, maxaa yeelay ka mid ahaanshaha golaha shacabka iyo in wakiil loo noqdo umadda kuma timaado qaab laysku sharfo ama abaal marin laysku siiyo, kaaga daranee qof inta uu noolyahay isagoo aan la soo dooran inuu wakiil shacab noqdo?!… Ummadda qofka codkeeda ku hadlaya iyadaa soo doorata muddo go’an, waxayna ku soo doortaan iyagoo fiirinaya inuu yahay qofkaas mid fahmaya waxa ay tabayaan, baahida ay qabaan, iyo sifayaal kale oo danaha siyaasadeed ee dalka ah, waxaana intaas dheer in xil-dhibaanka laga soo dooranayo deegaankiisa isagoo lala galayo heshiisy iyo balan qaadyo la xiriira wax ka qabashada tabashooyinka deegaankaas, waxaana lagu dooranayaa aqoon loo leeyahay iyadoo waliba wax la bidayo.

Waxaa sidaas oo kale lagu xad gudbayaa arrin uu gooyay dastuurka oo leh nidaam iyo jid loo soo maro, waana inuu qofka ku yimaado oo golaha shacabka uga mid noqdo codka dad-weynaha, madax-weynaan keeni karin, dowladda oo dhan haddii ay isu tagto ma keeni karto oo xil-dhibaan qofna kama dhigi karto, waana codkaas miizaanka uu ku qiimaysanyahay qofka golaha shacabka xubin ka noqonaya, tirada xil-dhibaanadana waxay ku salaysantahay deeggaannada laysku raacay sidaasna ku sharciyoobay oo dastuur ku noqday, waxay ku salaysantahay tirada dadka deegaan walba ku nool taasoo mar kasta ku xirnaanaysa tiro koobyada la sameeyo, maxaa yeelay tirada deegaanku way kordhi kartaa ama intii uu ahayd bay ka yaraan kartaa sababo kala duwan aawgood. Marka arrintani waxay wax u dhimaysaa isu dheeli tirnaanta qaynuunka ahayd ee uu dastuurku jaan gooyay, waxayna meel ka dhac ku tahay codka muwaadhinka oo isagu kaalinta aasaasiga ah ee uu siyaasadda dalka ku leeyahay ay tahay in codkiisa ay dowladdu ku shaqayso…..codka dad-weynuhu waa marka uu codeyniyo oo sanduuqa intuu ku rido la tirinayo iyo marka uu banaan baxayo, laakiin hawsha maalinlaha ah ee siyaasadda waxaa uga wakiil ah xil-dhibaannada ay soo doorteen.

Codka dad-weynaha cidna abaal marin laguma siin karo hasa yeeshee iyagaa ninkay doonaan siinaya. Haa qof shaqo gaar ah iyo waajib gaar ah billad iyo shaahado waa lagu abaal marin karaa, kuwaasoo uu qofku ku helayo mudnaan gaar ah oo uu xaddidayo qaynuunka dalka sida; in laga cafiyo danbi ay maxkamadda ku heshay mudnaantaas ay halkaas ku dhammaato, in la siiyo mudnaan dheeri ah iyo wixii kale ee uu qaynuunka dalka xuquuq u siiyo…Laakiin ma aha wax la aqbali karo Madax-weyne (Executive Branch) buu ka soo degayaa wuxuuna soo galayaa golaha shacabka (Legislative Branch) illaa uu ka heeriyoodo….Midse waa dhacdaa mana aha wax caam ah oo dunida oo dhan looga dhaqmo, wadamo yar oo aan badnayn ayaana isticmaala sababo iyag u gaar daraadood, wadammadaas  madax-weynaha uu shacabka soo doortay ayaa magacaaba xil-dhibaano laakii madax-weyne intuu xil ka dago looma magacaabo xil-dhibaan.

[Bal adigu ka feker tirada xil-dhibaannada maalin kasta sii kordheysa iyadoo  aan ku salaysnayn

wax deegeen ah!….hadda waa 275 xubnood +1xubin, Waana sii soconaysaa!]

Marka dad-weynuhu soo doortaan golaha-shacabka iyo madax-weynaha, waxaa wadamada qaarkod madax-weynaha la doortay uu magacaabi karaa tiro xubno ah oo golaha shacabka uu ku soo dari karaa, waana xubno badanaa marka horaba loo reebay inuu madax-weynuhu magcaabo oo ay leeyihiin dadka laga tira badanyahay ama sababo kaleeto oo gaar ah dalkaas u aqoonsaday laakiin uu dastuurka horay loogu caddeeyay xuquuqda iyo sababta loo siiyay, tusaale ahaan dalka Hindiya labada aqal ee dalkaas madax-weynuha la soo doorto wuxuu magacaabaa labo xubnood oo aqalka hoose ah oo ka soo jeeda dadka laga tirrada badanyahay ee ah Anglo-Indians (dadka uu aabbahood ka soo jeedo Anglo) aqalka sarana wuxuu magacaabaa ilaa 12 xubnood oo ah dadka la yaqaan ee dalkaas caanka ka ah, sida jilayaasha aflaamta, ciyaartooyda, isla markaasna la ogyahay inay saamayn weyn iyo sumcad ku dhex leeyihiin mujtamaca….Waxaa iyagana sidaasoo akle hab noocaas ah laga isticmaala dalka Indonesia, waxaana intaas oo dhan ka muhiimsan in la xuso mudan in muddada ay dadkaas xil-dhibaannada ahaanayaan aysan ka badnayn xilliga xil-dhibaannada ay midka noqonayaan loo soo doortay inay golaha shacabka ahaadaan waan muddo hal xilli ah inta uu xil-dhibaanka ahaanayo haddaan mar kale madax-weyne la soo doortay soo magacaabin ama uusan tartan ku soo bixin hasa yeeshee marna ma jirto qof inta la magacaabo isagoo xil-dhibaan cimrigiisa ku dhamaysanaya!….

Xasan SHiikh Max’ud, waxay ahyd in la weydiiyo sababta uu EU-da u siiyay Xalane, waxay ahayd in la weydiiyo sabata uu Turkiga ugu wareejiyay hantidii qaranka, waxay ahayd in la weydiiyo kaalintii uu ku lahaa colaadihii ak dhacayay gobolka SHabeelaha-Hoose, Hiiraan, Mudug iyo dagaalladiii dhex maray Ahlu-Sunnah iyo Gal-Mudug. Xasan SHiikh Max’uud, waxay ahayd in la weydiiyo hanta badan oo isagu jirta mid gaar ah (SHakhsiyaad leeyihiin) iyo mid guud (Hanti-Qaran) oo maqan magaciisana la xiriiriyo, ee ma ahayn maanta inuu inoo soo dhex fariisto golaha shacabka! Arrintaas waxay ku tusaysa sida xaqiiqda iyo in nidaam dowladeed la raaco looga fogyahay!….. Waxay ku tusaysa wali inaan dalku helin madax dadka iyo dalkaba u turaysa…..

Arrintan, in madax-weynihii xilkiisu dhammadaba uu noqdo xil-dhibaan aan dhacay waa arrin khaladan oo aysan marna ka marnayn khayaano la soo mareegay oo ciribta ku haysa dano gaar ah oo marka u dambaysana ciribteedu noqonayso muran iyo is qabqabsi faro badan, walibana kor u qaadi karta khilaaf soo noq-noqda oo  madaxtooyada iyo golaha shacabka dhex mara si joogta ah. Waxaan iyadan meesha laga saari  karin in  madax-weynuhu uu qaynuunka jebiyo, ama denbiyo uu dad-weynaha ka galo, ama xataa uu qaranimmada dalka meel uga dhaco isla markaasna uu xilligiisii dhamaysto isagoo waliba dacwo loo qabo…..Wuxuu noqonayaa Xil-DHibaan aan dhicin miyaa?! Oo waaba sida ay hadda tahayee!……

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.
email;
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

_______________
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa masuuliyadeeda iska leh qoraha ku saxiixan, kamana tarjumeyso aragtida Raxanreeb (RBC Radio).



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *