tawakal expressgolis logo



DAALAA DHACA QATAR IYO DOORKA SOOMAALIYA. W/Q Muxyadiin Ciid

DAALAA DHACA QATAR IYO DOORKA SOOMAALIYA
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk
June 7, 2017


In badan oo naga mid ah ayaa ku baraarugay 04-06-2017, markii qaar ka mid dowladaha gacanka iyo Masar xiriirka u jireen dowlada Qatar, maalin ka dibna ku biireen dowladaha Yemen, Libiya iyo Maldivis oo ayaguna maray wadadii saaxiibadood. Hadaba waxaa isweydiin mudan maxaa qoonsiga keenay? Maxaa ku qasbay Qatar qoortaaga? Muxuuse yahay doorka la rabo in Soomaaliya ka istaagto dhacdadaan?.

Maxaa qoonsiga keenay?

Dadka qaarkii ayaa waxa u muuqanaya dhacdooyinkii soo taxnaa tan iyo intii ay soo bilaabmatay kacdoonkii Gu’gii Carabta”Arab Spring” loogu magac daray, iyo isku dhacii 2014-ka Sacuudiga, Masar, Baxrayn iyo Qatar.

Hadaba arimuhu intaas ka gundheer, Dowlada Qatar-na waxa ay heehaabaysay hawo ka baxsan xajmigeeda, tas oo ku keentay in ay la daalaa dhacdo siyaasad cimri degdeg ku riday sida muuqata.

Qatar waa wadan ka mid ah gacanka Carbeed, tirada dadkiisu ayaa dhan 313000 oo qof, sida ay sheegayso tira koobkii ugu danbeeyay, waa wadanka ugu dad yar gacanka carabta wadamada ku bohoobay, waxaa dheer marka lagu daro dadka ajnabiga ku nool wadankaas oo turadoodu dhan tahay 2334818 qof hada.

Ficilada Qatar kula dhacday Saaxiibadeed:

April 1986 Dowlada Qatar waxa ay weerartay dhul ay kula doodaysay Baxrayn ayadoo ku qabsatay shaqaale Netharland-iis ah, ugu danbayna isaga baxday 12 May 1986, ayadoo dhulkii la isku haystay ay dhamaysay Maxkamada Caalamiga ah ee Heuge 16 March 2001, dhulkiina u kala qaybisay.

1995 Sheikh Hamad bin Khalifah Al-Thani, ayaa aabihiis afgambiyay, waxaa ka danbeeyay afganbi ay Qatar tiri 1996-ki, waa dhicisoobay oo 110 shaqsi oo ay tiri waa ku lug lahaayeen ay iska dhiibeen wadanka Masar. 1997 Masar waxa ay ku eedeysay Qatar in ay kooxaha Islaamiyiinta taageerto. Waxaa dhexgalay Sacuudiga waana la heshiisiiyay, todobaadyo ka dib heshiiskaas Qatar waxa ay hal mar wadankeeda ka saartay 700 oo shaqaale Masara ahaa, ayadoo mar labaad biloowday xumaynta cilaaqaadkii Masar ee Sacuudigu hagaajiyay, kuna eedeysay in ay wali Masar joogaan dadkii ay ku eedeysay inqilaabka dhicisoobay ee Masar iska dhiibay, waxay sidoo kale u diiday dadka Masar in ay imaan karaan Qatar, kuwii joogayna waxa ay kusoo rogtay caburis iyo cagajuglayn.

Waxaa Amiirka aabihiis Afgambiyay bilaabay siyaasad ku dhisan sadex waji, oo kala aheyd

1; Sumad u gaar ah Qatar in uu u sameeyo, ugana sooco dowladihii Khaliijka ee ay bah-wadaagta ahaayeen, si uu ula xintamo, waxa uu horumarshay dhaqanka iyo cayaaraha, waxa uu aasaasay matxafyo farshaxaneed iyo mac-hadyo waxbarasho, asagoo jaamacadihii Mareykankana wadanka keenay. Waxa uu aasaasay Teleefishinka Aljazeera, asagoo ka dhigay dube uu u isticmaalo dowladaha carabta, halka Aljazeera ayan ka hadli karin xoriyad la’aanta Qatar taal, ayadoo intaa baahisa ceebaha saaxiibadeeda Khaliijka.

2; Maalgashi, waxa uu dhaqaalihii wadanku lahaa ku maalgaliyay wadamada Reer Galbeedka, sida USA, UK iyo France, waxa uu sidaan u sameynayay in ay Qatar ka muuqato suuqyada caalamka, sumcadna uga hesho reer galbeedka, ayadoo rabta in ay hadhoow ayaga ay dhabarka ka marto, dhaqaalaheeduna u noqdo mid ay iskaga difaacdo shar meelo kale uga yimaada.

3; Rog-rogida Siyaasada; Waxa Qatar biloowday in saaxada siyaasada caalamka magac ka raadiso, ayadoo dhabarka u jeedinaysa walaalaheedii carbeed ee Khaliijka, kuna eedeysay in ay Aabihiis rabaan in xukunka ku soo ceshaan. Waxa ay is barbardhigtay Sacuudi Careebiya oo ahaa hormuudkii Khaliijka, tani waxa ay sababtay in Boqor Cabdalahii Sacuudiga uu hor istaago dhuun Gaas oo Qatar inta ay ka bilaabanto ilaa Kuwait loo waday, sacuudigana mari lahayd.

Waxa uu u isticmaalay saldhiga al-Udeid air base, oo ah xarunta ugu wayn ee Mareykanku ku leeyahay Qatar gaashaan, uu wadamada reer galbeedka uga codsaday in amnigiisa balan qaadaan. Tani waxa ay dhaxalsiisay in uu dhoorka firto, cid uu u aaboyeelano ayan jirin, waxa uu ku martiqaaday wadankiisa markii ugu horeysay 1997-kii in Wafti ka socda Israa’iil uga qaybgalaan shirkii Dhaqaalaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, asagoo jabshay xeerarkii kala dhaxeeyay saaxiibadiisa carbeed iyo bah-wadaagtii Khaliijka.

Waxa uu dhexbooday guntigana u xirtay colaadihii ka dhexjiray wadamada carabta iyo Afrikaba, waxa uu gacansaar la sameeyay koox walba oo sheegatay in ay mucaarad tahay, ha ugu darnaadeen kuwii Argagaxisada Qaramada Midoobay u aqooonsatay, kooxahaas waxaa ka mid ahaa kuwa Soomaaliya ka dagaalama, saaxiibka kaliya ee ay leeyihiina Qatar noqotay.

Waxaase yaab noqotay 2012-kii Markii Dayaaradihii Dagaalka Qatar, ciidan iyo saraakiil Qatari ah uu ku hubaysan gaadiid dagaal ka dageen Liibiya, ayaga oo bilaabay qabsashada iyo suuqgaynta goobihii Shidaalka Liibiya.

Tani waxa ay horseeday in Masar 2014- mar kale eedeyn u jeediso Qatar, wadankeedana ka mamnuucday Al-Jazeera, wadamada Khaliijku markaan Qatar ayay gacansiiyeen, eedayntii Masar ee ahayd in argagaxisada ay la shaqeysana waa diideen, mudo ka dib waxa Qatar dab-keedii galay Sacuudiga iyo UAE,tanoo keentay in xiriirkii xumaado, nasiib wanaagse isla sanadkii lasoo ceshaday xiriirkaas. Inkastoo uu noqday mid aan sii socon ka dib markii Qatar ka xanaaqday duqayn Masar ka geysatay Liibiya una geysatay kooxda ISIS2015-kii, tanoo isku dhac hor leh keentay.

Qatar waxa ay u isticmaashay telefishinkii Al-jaziira khilaafkii ka dhex qarxay dowladihii carbeed, ayada oo dhinaca saartay kooxihii la halgamayay dowladahooda, oo ay ku hoos nabnaayeen Argagaxisadu, ha ugu waynaadaan tii Yemen, oo Qatar kooxaha Xuutiyiinta iyo kuwa sheegta Islaamiyiintaba garab la yeelatay, tanoo keentay in dowladihii Khaliijku laba mid siiyaan in ay qayb ka noqoto Khaliijka iyo in ay banaanka marto, waxa ayna biloday in ay cadeysato in ayan garab iyo gacan la wadaagayn Khaliijka kaligeedna u socondoonto, tanoo soo dadajisay xiriirka go’ay.
Maxaa ku qasbay Qatar qoortaaga?

Qatar Amiirka aabihiis xukunka ka ritay mar walba waxa uu dareemayay in aysan ku qanacsanayn saaxiibada Khaliijku, waxa uuna tuhmayay in aabihiis u xaglinayaan, taas ayaa ku riday sas iyo inuu hoos galo reer galbeedka, hantidii wadanku lahaa gacanta u gasho, qoladii khaliijkana yiraahdo oraahdii soomaaliyeed ee ahayd “Ama Buur ahoow Ama Buur ku tiirsanoow” balse waxa cad in uusan buugta siyaasada iyo caqliga saliimka ah midna adeegsan, sidoo kale waxa uu isku dayay in uu tumo durbaano aan isku dhawaaq ahayn, tanoo tuntii u keentay in codadka dhawaqa durbaanidiisa qolaba si u turjumtaan.

U doodista iyo gacan siinta kooxaha ku jira liiska argagaxisada ma ahayn mid u soo jiiday sumacadii iyo sharaftii ay raadinaysay Qatar, sidoo kalena ma ahayn mid gacansiin kartay xintankii ay kula jirtay walaalaheeda Khaliijka.

Waxaa cadaatay laba wajiilaynta Qatar, waxaana tilmaan u ah marka ay ka qaybqaadanayso Dimuqraadiyeynta Carabta, ayadu ma tahay Dimuqraadi? dadku xaq ma u leeyahay cabirkooda? Waxaa jira gabyaa Qatari ah oo xabsi dheer ku mutaystay gabay uu u tiriyay Amiirkii hore iyo wiilka uu dhalay ee hada amiirka ah, ilaa hadana waa xiran yahay, sidookale kooxaha Islaamiyiinta sheegta ee Qatar ka jiray meeye? Cagta ayaa waxa hoos gashay dowlada Qatar, hadaba maxay kuwa wadamada kale xal u raadintooda ka dheefeysaa? Tani waa wax muuqda oo kooxaha siyaasada odarasa waxa ay yiraahdaan, Qatar “Cad Afkeeda ka wayn ayay rabtaa in ay liqdo” Maanta ayay cadaatay oo cadkii ayaa dhuunta u taagan.

Wadanka Luxembourg, waxa uu ka tirsan yahay wadamada ugu yar yurubta galbeed, tirada dadkiisu waa 586879 qof, waa boqortooyo, Waxaana wadanka hogaamiya PM-ka, waa wadan dhinac walba ka xiran, malaha ciidan gaar ah, waxa hoostagaa amnigiisana ilaaliya Nato, ma alaha ciidan badeed iyo mid cirba, hawada wadanka waxaa ilaaliya oo maamula Dowlada Beljamka, waxa ay saaxiib la tahay cid walba nabadna waa ay ku nooshahay, siyaasada iyo aragtida dowlada ay oodwadaagta tihiin ayay mar walba uga danbaysaa, ayadoo xor ah, intaas waa inta ay garan wayday Qatar, kaaga darane qoyska xukuma Qatar waa niman ku abtirsada Shiikh Maxamed Cabdiwahaab, waana Sucuudiyaan.

Waxaa xusid mudan wadanka Cumaan in ay jidho waxyaabo ay isku diidan yihiin Sacuudiga ama UAE, hadana ma ahan wadan dhexboodaya dano kale ama taageeraya mucaaradka wadamada oodwadaagta yihiin. Tani waxa ay cadayn kale u tahay Qatar in ay fuushan tahay faras aysan ayadu lahayn, oradkiisuna meesha uu gayn doono aysan aqoon.
Muxuuse yahay doorka Soomaaliya dhacdadaan?

Soomaali badan ayaa iloowsan in Soomaaliya la daalaa dhaceyso dibindaabyada kooxaha sheegta Islaamiyiinta,kooxahaas oo qaarkood Qatar leedahay anaa idiin kala dabqaadaya xiriirna la leedahay, hadaba iswaydiin mayno muhiimada iyo doorka ay lumisay in ay Soomaaliya ka cayaarto Qatar, ayada oo fiirinaysa danta shacabka Soomaaliyeed ee ay walaalaha yihiin.

Marka aan barbar dhigno wadamada ay is hayaan hada ee Khaliijka, UAE waxaa ku nool in kabadan 70,000 oo Soomaali ah, 65% Soomaalidaasi waa ganacsato hanti gashaday wadanka, dhaqaalaha ugu badan ee Soomaaliya maanta waxa uu yaalaa Dubay, waana isha ganacsiga ee Soomaaliya iyo aduunka intiisa kale isku xira, waa wadanka kaliya ee aan oran karno hantidii Soomaaliyeed halkas ayay taal, waxaa dheer in wadankani uu saamayn ku lahaa tan iyo 1991-kii Soomaalia, sanadahaan danbana gacanta la soo galay Soomaaliya asagoo ka caawinaya amniga, waxaa ugu danbaysay gargaarkii wadankaasi ugu yeeray dadkiisa ayagoo lacag ka badan 100 milyan shacabkiisu ugu yaboohen shacabka Soomaaliya abaarihii dhacay hada.

Waxa ay maanta heshiis la saxiixdeen dekedaha Berbara iyo Boosaaso, saldhig malaterina waxaa ay ka samaysteen Berbera, dowladii hore iyo maamulka Soomaaliya u saxiixeen, waxa ay gacan siiyaan ciidamo ay u tababareen Soomaalia.

Sacuudiga iyo Masar ayaa ayaguna ah wadamo Soomaaliya saamayn wayn kulahaa mar walba, waxaana ugu danbaysay booqashadii Madaxweyne Farmaajo uu Sacuudiga iyo qiimaynta ay ugu fadhiday labada dowladoodba, asaagoo balanqaaday in uu qayb wayn ka qaadan doono dib u dhiska hay’adaha dowlada Soomaaliya.

Dowladaha kale ee xiriirka u jaray Qatar iska iloow, su’aashu waxa weeye Soomaaliya ma istaagi kartaa meel ay tiraahdo dhexdhexaad ayan ka nahay waxa socda, marka dowladaha kore ay kugu tirsanayaan abaal waxa uu doonaba ha ahaadee? mise Soomaaliya waxa ay ka kooftoomi kartaa isku dar Khaliijka oo Qatar-na ka maqnayn danaha kala dhaxeeya? Soomaaliya laftigeeda aya mudan in miisaan la saaro, kuwa ku xisaabtamaya Soomaaliyada maanta in ay la mid yahay Soomaaliyadii 1970-yadii jirtay, ayaa waxa mudan in ay ogaadaan halka ay dhigeen Qarannimadoodii,isku soo wada duub Soomaaliya maanta waxa ay ku qasbantahay in ay raacdo wadamada danaha badani ka dhaxeyn karaan marka loo eego tan Qatar.

Qaar kale ayaa iswaydiinaya hadii taas la sameeyo in madax bananidii wadanka meel looga dhacay, ogaada waxa mar walba la raadinayo waa dan, danta Soomaaliya waxaad oran kartaan waa in ay noqoto mid wax u dhigma ka turjumaysa, ee aysan noqon sidii 2015-kii markii dowlada Soomaaliya xiriirka u jadhay dowlada Iraan, ayada oo 20 milyan ay qaateen madaxdii Soomaaliyeed.

Madaxda Soomaaliya ee maanta waxaan uga fadhinaa waa in ay ilaalilayaan danta Shacabka Soomaaliyeed iyo tan qarannimadooda, taasina waa in ay ahaato mid qiimaheedu ka turjumayo danta guud ahaan ee wadanka, waana in uu ahaadaa mid ilaalinaysa xiriirka wadamada wadashaqeynta tooska ah naga dhaxeyso, xumaynta xiriirkaasina aan shacabka Soomaaliyeed dhib uga imaan karin.

Qatar waa in ay joojisaa siyaasada Jirjiroolaha, waa in ay ogaato cida dantu kala dhaxeyso, dhalasho wadaagta yihiin, xiriir u jarkooduna dhaawacayo, ayaguna waa in ay intaas oo kale ogyihiin, qolo walbana ka shaqeyso darisnimadooda.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *