tawakal expressgolis logo



Dhex-dhexaadnima Somaliya ee khilaafka Carabta Khaliijka ma sax baa? Maxaase ka dhalan kara? W/Q Axmed Yusuf Axmed

Dhex-dhexaadnima Somaliya ee khilaafka Carabta Khaliijka ma sax baa? Maxaase ka dhalan kara?
Axmed Yusuf Axmed
dalmar1631@gmail.com
June 13, 2017


Si aan su’aashaas uga jawaabno marka hore bal aan eegno sida go’ankaas loo qaatay iyo waxyaabaha siyasad ahaan ka dhalan kara qaadashada go’aankas.

Ugu horrayn waxay u muuqataa in go’ankaas u madaxwaynuhu ku saleeyay talooyin uu ka helay la taliyayaashiisa iyo golaha waziiradiisa kuwaas ay caddahay in bisaylka siyaaddoodu uu yar yahay ama uusan jirinba, badankkodana lagu tuhmayo inay xiriir hoose la leeyihiin dawladda Qatar.

Waxa kale oo iyana cad in lagu deg-degay qaadashada go’ankaas ah dhex-dhexaadnimada maadaama aysan jirin khubaro Somaliyed oo dawladdu arrintan kala tashatay.

Waxa habboonayd in madaxwaynuhu la tashado diplomaasiyiintii hore ee Somaliya oo khibradda u leh xiriirka caalamiga iyo xallinta khilaafadka waddamada dhex mara. Waxa kaloo habboonayd inuu ugu yaraan la tashado safiirradii hore oo professional-ka ahaa, ka dibna uu iyaga ka xusho guddi xog uruurin u soo sameeya oo u diro waddamada Khaliijka, Masar, iyo Turkiga si ay ugu soo gudbiyaan warbixin buuxda oo fallanqaynaysa sababaha dhaliyay khilaafkan iyo waxa lagu xallin karo. Dabadeena u gi’ankiisa ku saleeyo mackuumaadka ay u soo gudbiyaan guddigan khubarada ah. Markaas ka dib haddii dantu fursan waydo dhex-dhexaadnimo, in iyada sidaas uu u qaato.

Si kastaba ha ahaatee hadda qawlkii wa ka dhacay, go’aankiina wuu qaatay, marka suuro gal ma tahay inuu mawqifkiisa beddelo ka dib markuu la kulmo wafdiga Qatar iyo kan Sucuudiga? Maxaase ka dhalan kara haddii uu ku adkaysto go’aankiisii hore ama uu qaato mid ka duwan kiisii hore?

Horta khilaafkan soo kala dhex galay waddamda Khaliijka wuxuu ka dhigan yahay maah-maahdii ahayd “Hal Nin Gurrani Dheelmay Dhanna Uma Fayooba” oo mar walba waxa ka dhalan kara eed iyo inuu xumaado xiriirka koox ka mid ah kooxa is haya, marnana suuro gal ma aha in ay wada qancaan labada dhinacba.

Sidaa awgeed wa in laga fiiriyo arrinta maslaxaddu ugu jirto danta fog ee Somaliya ka leedahay waddmada is haysta iyo waxa ka dhalan kara xiriir xumo dhinac ka mid ah dhinacyada. Waana inaan arrinta laga fiirin oo kaliya yaa kuu ballan qaaday tageero dhaqaale oo badan iyo yaa mashariic horumar kuu maal galinaya.

Waddamada hardamaya mid waliba waa awoodaa inuu lacag badan oo deeq ah siiyo dawladda Somaliya, mashaariic badanna u fuliyo. Laakiin mid waliba dano gaar ah buu ka leeyahay Somaaliya, shuruudo gaar ah baana ku xiran deeqda uu bixinayo. Tusaale ahaan markii Sucuudigu ballan qaadayay deeqda ah 4-ta Billion ma jirin shuruud ah xiriirka Somaliya ay la leedahay waddank Qatar, laakiin hadda waa xujo meesha taal.

Marka iyadoo aan la fududaysanayn muhimadda gar-gaarka dhaqaale ee ka imaanaya Sucuudiga ayaa haddana waxa muhiim ah in la tixgaliyo kaalintii waddan walba ka qaatay taagaeeraddii Somaliya tan iyo bur-burkii xukuumaddi taliskii Siyaad barre. Gaar ahaan taageetadii aan shuruuduhu xirnayn ee Turkigu siiyay Somaliya. Waddamada kale oo dhan waxay Somaliya soo daneeyen ka dib markii Turkigu ku guulaystay wax ka qabadka Somaaliya. Xaggee jireen Sucuudiga, Qatar, iyo Carabta kale ilaa bur-burkii 1990.

Waa in la is waydiiyo yaa ah saxiib la isku hallayn karo?

Markaan dhankaas ka eegno waxa noo soo baxaya in waddan Turkiga lagu doorsan karo uu san jirin. Abaal marinteenuna waxay noqon kartaa inaan siyaasaddiisa arrimaha dibadda aan garab siino.

Khilaafkan Turkigu wuxu la safan yahay Qatar. Marka waxa habboon in arrinta laga danta ka dhaxaysa Sucuudiga iyo Somaliya oo loo bar-bar dhigayo tan Turkiga iyo Somaliya.

Dhan kale haddii aan ka fiirinno, kama maaranro Somaliyo in xiriir wanaagsan ka dhexeeyo iyada iyo Sucuudiga iyo dalka immaraadka oo xarun degaan iyo ganacsi u ah Somaali badan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee haddii xukuumadda Somaliya ku adkaysato mawqifkeeda dhex-dhexxadnimada ah taasi waxay keeni kartaa in gar-gaarka dhaqaale ka sokow ay xulafada Sucudigu xiriirka u jaraan Somaliya, aqoonsina siiyaan maamul goboleedka madax banaanida sheegtay ee waqooyi bari, taas oo keeni karta bilowgii kala go’a Somaliya. Haddii taasi dhacdana waxa madaxwaynaha taariikhda u galaya inuu go’ankiisu sabab u ahaa kala go’a Somaliya. Haddii Farmaajo taad aqbali karo diyaarna u yahay inuu tariikhda Somaliya baal madow ka galo, ha ku adkaysto go’aankiisa, haddii kalena fiiro labaad ha u yeesho isagoo adeegsanaya khubaro la lafa gurta arrinta.

Waxa is waydiin leh ma jiraa go’aan haddii ay qaadato Somaaliya ay ku bed-baadi karto, go’aannada ay qaadan karto se maxaa ka mid ah?

Go’aannada ay dawladdu qaadan karto waxa ka mid ah:

1: inay dhinac toos u taageerto, dhinaca kalana xiriirka u jarto.

2: inay dhex-dhexaad noqoto.

3: inay ka aamusaan.

4: inay labada dhinacba xiriirka u jaraan

5: inay dhinac dantu ku kallifto inay tageeran ka dib markii ay dhinaca kale u caddeeyan inay dantu ka fursan wayday inay sidaas sameeyan, raalli ahaanshoodana ay raadiyan.

Shanta qodob ee kore mid waliba cillad ay adag tahay in laga eed baxo ayuu leeyahay, waxase muhiim ah in lagu dadaalo mid raalli galin kara Sucuudiga iyo Turkiga iyadoo isla markaas loo nuglaanayo saamaynta go’anka la qaadanayo uu ku yeelan kari doono Somalida deggan ama ka ganacsata Imaaradka.

Tan kale, maslaxadda fog ee Somaliyana waa inay noqoto waaridda midnimada dadka iyo dalka Somaliya. Taageerada Somaliyana waa in taasi aasaas u noqoto.

War iyo dhammaanti, iyadoo aan taageero dhaqaale keliya la fiirinayn, waxay aniga shakhsiyan ila tahay in dawladdu qaadato mawqifka Sucuudiga iyadoo isla markaas dadaal ku bixinaysa inay Turkiga iyo Qatar ka dhaadhiciso in duruufta iyo maslaxdda fog ee Somaliya ay kalliftay inay qaataan go’aankan. Waayo xulafada Sucuudigu wato oo haddii Somaliya ay ka hor imaadaan, ciriiri dhaqaale iyo mid siyaasadeeba ay galayso, way badan yihiin.

Haddiise arrintu adkaato oo ay noqoto labo daran mid dooro, oo Sucuudiga iyo Turkigu mid waliba ku adkaysto ama aniga i taageer ama xiriirka wa u jaraynaa Somaliya, markaas Turkiga yaan la lumin.

___

Axmed Yusuf Axmed is a political and social analyst, thinker, freelance writer, and above all an avid reader of international politics and can be reached at dalmar1631@gmail.com



2 Responses to Dhex-dhexaadnima Somaliya ee khilaafka Carabta Khaliijka ma sax baa? Maxaase ka dhalan kara? W/Q Axmed Yusuf Axmed

  1. saciid mohamed burraale

    June 13, 2017 at 8:29 pm

    runtii hadalka sxb adigaa dhameeyay hadii aan fikirkayga kadhiibto waxaan kubaa qayaa hadii sida aad sheegtay ay soo istaagto in sacuudi ama turki midloo go o, yaan lalumin turki oon lagu doorsan nimankaan matoorka kawayni saaran yahay, ee hee haabaya saaxada siyaasada garanayna meel laga jiro

  2. Maxamed

    June 14, 2017 at 4:39 am

    Waa qoraal macquul ah marka dhan walba laga eego.Wadamada carabta mudo dheer oo lagu qiyaaso 50 sano ayaa hadba jilaafo loo dhigayey,waxayna gaartey in kan daris ugu xiga la yiraahdo waa cadowgaaga ee ogow ayada oo la isticmaalayo qiilal haddii la tixraaco aan wax ka jirin.Marka anaga laftigeena miyaanan ahayn dhibane aan inta uu dhiban yahay war ısku hayn.Mudo 26 ayaan mareynaa walina waxaan ısku haysana reer hebel oo labada gobol ahaan ısku xigta ayaa maalin walba dhiig horle ku daadanaya.Gagababadıı sıda kuwaas maankoodu uu u daxaleystay ayaa anaga keena u daxaleystay.ILLAAHOW GARAADKA SOOMAALIDA DIB U SOO CELI OO DANTOODA TUS!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *