tawakal expressgolis logo



Dib-U-Heshiisiinta: Al-SHabaab in wada hadal toos ah lala galo maxaa diidaya?!… W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Dib-U-Heshiisiinta: Al-SHabaab in wada hadal toos ah lala galo maxaa diidaya?!…
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
June 29, 2017

[Al-SHabaab waa koox
Soomaaliyeed oo hubaysan,
waxaadna moodaa in la
go’doomiyay oo albaabka loo
furay oo ay ka bixi karaan
uu yahay oo keliya dagaal iyo colaad!..]

Waa talaabo geesinimo ah oo horay loo qaaday in shir dib-u heshiissin ah ay ku dhwaaqday wazaaradda arrimaha gudaha, waa astaan fiican oo ay ka muuqato in cagta la saaray waddadii lama huraanka u ahayd sidii qaranimmadii Soomaaliyeed loo soo celin lahaa, laakiin dib-u- heshiisiinta lagu dhawaaqay waa inay ka baaxad weyntahay, nadaamkeeduna uu ka duwanyahay kuwii marar badan la soo qabtay, waa inaan jidikii hore lagu noq-noqon dowladuna la timaadaa siyaasad cusub oo ay kaga duwantahay siyaasadihii horay loo isticmaalay iyadoo fiirinaysa indhahana ku haynaysa wixii horay u khaldamay iyo sababihii fashiliyay shirarkii dib-u-heshiisiinta ahaa ee horay loo qabtay…..Waa in la fiiriyaa shirarkii hore yaa ka qayb galay? Dalalka shisheeyaha ah kaalintooda maxay ahayd? Maxay u fashilmeen?! Ma is af-garan-waa gudaha ah baa jiray mise gacmo kale baa ku jiray? Maxaa khaldamay sideese u khaldameen? Waa in wax la weydiiyaa saraakiishii Soomaaliyeed ee qabanqaabadooda wax ku lahaa ama wax ka ogaa, lana arkaa xogta qoran ee ay ka diyaariyeen iyo dhaliilaha ku jira….DHibaatooyinka ka hor yimid maxaa ugu waaweynaa ma kuwo farsamo ma khilaaf badan oo laysku af-garan waayay?…

Dowladdu haddii ay muddada sidaas u gaaban ku qabatay shir dib-u-heshiisiin ah runtii waa astaan fiican oo rajo gelinaysa qof kasta oo Soomaalinimadu damqayso, isla markaasna ay xanuujinayso dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa soo gaartay!…. golayaasha dowladda oo ay dhallin yaro badan ku jiraan waxaa ilaa iyo hadda ka muuqda ficilladii iyo qiirradii lagu yaqiinay dhallin yaro dadkoodu dhibaato soo gaartay!….Abaarihii ka waran!… Waxay ahayd xilli tijaabo adag ay la soo gudboonatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed,run ahaantii shacabku waa ka soo dhalaalay kaalintiisii….Waxaa nasiib leh ninkuu Ilaahay Soomaali ka dhigay!…..waxaa iyadana mudnaan gaar ah lahayd qaaraankii iyo gurmmadkii ay dhalin-yaradu u fidiyeen dadkii tabaalaysnaa, waad arkaysay rag iyo dumar iyagoo aan kala harin oo qof keliya ah sidii ay ugu guntadeen dadkay aabaartu aafaysay!….DHallin-Yarada!….Ma aha inaan inkirayo guud ahaan kaalintii ay shacab-weynaha Soomaaliyeed ka qaateen gurmmadkii abaarta, dhallin-yarradu waxay muujiyeen inay quwaddii iyo xooggi u adeegayay ummadda haddii ay tahay deeq, haddii ay tahay adeeg,iyo haddii ay talo ahaydba!….

Waxaan soo xasuustay oo maskaxdaydu sawiratay halgabnkii gobanimo doonka, waxaa ii muuqday dhallin-yaro wada geyfan, dhallin-yaro wada ordaysa!…..DHallin-Yaro ay ka muuqato shacuur wanaagasan oo rumaysan inaan dadkooda cid kale u maqnayn….malaha dhallin-yarradii noocaas ahayd baa bedeshay dhallinyaradii noocii Xasan SHiikh ahayd, ee iskood u danysanaayay intii ay hoggaanka siyaasadda hayeen!…. Dib-u-heshiisiin?! Run ahaantii arrintan ma mid fudud oo ku dhammaan karta kulumo maalin iyo labo laysugu yimaado, waxayse u baahantahay xafiis gaar oo ku soo kordha nidaamka dowladda, kaasoo si joogta ah uga shaqeeya arrimaha nabadeynta heer reer guuraa ilaa heer siyaasadeed oo miizaaniyaddiisu gaar u tahay, oo hoos taga xafiiska madaxda sarsare ee dalka; Madax-weynaha, Ra’iisal-wazaaraha, wazaaradda arrimaha gudaha, taliska ciidanka sir-doonka Soomaaliyeed iyo hawl wadeeno heer kastaba leh laakiin lagu soo xulay daacadnimo, geesinimo iyo dhaqan aqoon…

Waxaa iyadana lama huraan ah dowladdu inay bedesho habka qalafsan ee ay u wajahayso arrimaha Al-SHabaab, maxaa yeelay way ogtahay in iyaga iyo Al-SHabaab aan lagu talo gelin inay kala adkaadaan, sidaas daraadeed arrintu uma baahna madax-weyne tuuto soo gashta, umana baahna hanjabaad iyo isa soo dhiiba, laakiin waxay u baahantahay caqli iyo feker aad looga baaraan degay, iyo in la joojiyo duqaynta ciidammada shisheeyaha ah ay ku hayaan, dowladuna ay si cad ugu dhawaaqdo xabbad joojin iyo in Al-SHabaab miiska wada hadalka soo fariisato iyadoo markaas ka dib laga wada tashanayo qaabka wada hadalka, ammaanka xubnaha Al-SHabaab ka imaanaya oo iyada ah arrinta ugu muhiimsan si kalsooni iyo is-aaminaad loo helo…Al-SHabaab waa in lagu dayaa hab nabadeed ay soo diyaariyeen dad-Soomaaliyeed maadaama habkii dalalkii aan aqoonta iyo khibradda bideynay uu ku soo ururay oo keliya dagaal iyo waxbaan duqaynaynaa!…

[Marka dib-u-heshiisiinta laga hadlayo,
waxaa mar kasta la moodaa in
kaalinta sir-doonka maqantahay!]

Dib-u-heshiisiintu waa inay yeelataa hay’ad sida hay’adaha kale ee dowladda u dhisan oo caadi u shaqaysa haddii aysan noqonayn wazaarad buuxda, taasoo shaqadeeda noqonayso ka hor tagga iyo maareynta xaaladaha abuuri kara colaadaha, dib-u-heshiisiinta, ogaanshaha iyo la socoshada kaalinta ergooyinka shisheeyaha ah ay ku leeyihiin hurinta xiisadaha gudaha ka aloosan, iyo diyaarinta barnaamijo dad-weynaha ku baraarujinaya ilaalinta nabad-gelyada isla markaasna qabanaya taba-baro la xiriira arrintaas sanadkiiba mar ama labo mar (hadba sida la qorsheeyo). Hasa ahaatee, ma aha in maalin kasta aan marno jidkii iyo qaababkii horay loogu fashailmay ee aan ka baranay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee dalalka shisheeyaha ahaa ay inoo qaban jireen, ee kolba kooxda danaha dalalkaas ka soo hor jeedda ama la tuhmayay loo diidayay inay qayb ka noqoto dib-u-heshiisiinta.

Dib-u-heshiisiinta aan u baahannahay waxaa loo kala qaadi karaa ilaa seddex qaybood oo waaweyn oo is garab socda; marka hore waxaa muhiim ah in wada-hadalo nabadeed lala galo qaybaha dagaalsan ama dudsan, ee dhibaatada ku haya nabad gelyada bulshada, deggenaanshaha iyo midnimmada ummadda iyo dalka, magac ahaan Al-SHbaab iyo Somaliland. Midda xigta waa in la fahmaa oo la ogaadaa colaadaha iyo murannada dhex yaala bulshooyinka wada yaala loona dhigaa gogol nabadeed deegaan kasta oo khilaaf uu ka jiro si gaar ahna dib u heshiisiin loogu qabto iyadoo laga duulayo deegaan kasta xaalladihiisa iyo xeerarkiisa gaarka ah ee soo jireenka ahaa ee bulshada deegaankaas wadaagto. Iyo qaybta seddexaad oo ah soo nooleynta dareenkii Soomaalinimmada, wadan jacaylka, iyo guud ahaan midnimmada ka dhexeysa ummadda Soomaaliyeed; dhalashada, dalka, diinta, afka, (Qaranimmada) taasoo ka mid noqonaysa manhajka (Curriculum) wax-barashada ardayda dugsiyada oo dhan si qasab ah, haddii ay tahay dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa guud ee dowladdu maamushaba, sidaasoo kalana ay qasab tahay inay war-baahin kasta ka qayb qaadato faafintiisa….

SHirkii dib-u-heshiisiinta ahaa ee dowladdu qabatay 10casho ka hor, runtii wuxuu ahaa talaabo horay loo qaaday oo dhiiri gelinaysa inay ummaddu wada hadasho, waxaase la moodaa inuusan waxba ka duwanayn kuwii horay loo soo qaban jiray, siiba marka aad fiiriso erggedii ka soo qayb gashay waxaad arkaysaa in dadka meesha isugu yimid ay ahaayeen intii is taqaanay oo maalin kasta kulmi jirtay oo aan iyagu awalba xog isku seeganayn….waxaa indhahaagu si cad u qabanayaan in kaalinta Sir-doonka ay ku koobantahay war-bixino ku salaysan oo keliya intaas baan xirnay, iyo intaas baan qabanay!….laakiin waxaa meesha ka maqan kaalin intaas oo dhan ka muhiimsan oo ah in sir-doonku ay dhisaan buundo qarsoodi ah oo ay ku diyaarinayso sidii wada hadal u dhex mari lahaa dowladda iyo xoogagga hubaysan ee la dagaalaya sida Al-SHabaab….Waxaa laga faa’idaysan karay saraakiil faro badan oo loo xiray xiriir ay la lahaayeen ururkaas, sida General Cabdi Max’ed Ismaaciil, oo isagu ahaa taliyhii ciidankaasluubta Soomaaliyeed oo maxkammadda ciidammada ay ku heshay inuu xabsiga ka sii dayn jiray xubnaha ururkaas ka tirsan ee la soo qabto!…. marka waxaa loo baahanyahay sir-doonku inuu kaalintiisa balaariyo oo uusan isku soo kooban oo keliya nin baan qabanay iyo mid baan ku raad joognaa, mana aha inay u shaqeeyaan sida sir doonka shisheeyaha ah ee dalka jooga.

[Al-SHabaab waxaa muuqata inay
xiriir wanaagsan leeyihiin dalal
shiheeye ah maxaa u diiday
dowladda Soomaaliyeed?!]

Al-SHabaab waa urur ilaa laga soo bilaabo 2005tii iyo 2006dii soo dhisnaa, waxay ahayd inay markaan gaaraan bisayl siyaasadeed oo ay wax kaga bedelayaan barnaamijkooda maadaama aysan jirin wax horumar ah oo ay urur ahaan ku gaareen, walina ay taaganyihiin meeshii ay ka bilaabeen….Waxay ahayd inay bedelaan dagaalka aan macnaha lahayn ee ay ku dhinteen kumanaan aan waxba galabsan oo ay ku jiraan dad wax ku ool u ahaa dadka iyo dalka, saraakiil ciidan oo waayo aragnimo qoto dheer lahaa, culumaa’u-diin, arday, dhalin-yaro, siyaasiyiin, iyo dad biri-ma-geydo ah sida; odayaal. hooyooyin, waayeel, bukaan, caruur yar-yar, iyo shacab aan dagaal ku jirin….. Al-SHabaab waxaa kale oo aysan fahmin ama aan u qiyaasnayn heerka khatarta ay siyaasadooda dalka u horseedday!

Waxa keliya ee Al-SHabaab ay sheegato, waxa keliya ee ay ku faanto, waxay noqdeen wax yeellada dadka iyo dalka Soomaaliyeed; waa dilnay, waa gubnay, waa qarxinnay!….Al-SHabaab waxaa looga fadhiyaa inay iyada dib isugu noqoto, inay dib u fiirin ku samayso muddada ay dhisnayd maxay ku soo kordhisay dadka iyo dalka oo aan ahayn qarax, dil, bara-kac, misaajiddii oo laga haajiro iyo dagaalo aan dhammaad lahayn?!…. Al-SHabaab wax kasta oo uu qorshaheedu yahay tallada waxaa la leh ummadda Soomaaliyeed, waxaana la gudboon inay ummadda la hadasho, gogosha wada hadalka soo fariisto si shuruurd la’aan ah, haddii ay taas yeesho ayey tallaabadaas noqonaysaa guushii ugu horeysay ee Al-SHabaab ay sheegato taariikhda ummadana ay xusi doontaa…..
Dalka aad baa loogu dhex jiraa, ciidamo shisheeye, sir-doonkii dunida oo dhan, Mafio qaabab iyo nidaamyo kala duwan (ganacsato, magaca dowladeed, magac sama-fal, maal-gashi…) oo aan cidina ka war hayn siyaabaha ay u hubaysanyihiin, hubabka ay keenaan, lagana yaabo inay jiraan kuwa hubeeya Al-SHabaab marka laga soo tago dowladda Qadhar oo iyadu taageerrad Al-Shabaab ku can baxday iyadoo ujeeddadeedu tahay inay dulaal ka noqoto dibindaabyada loo geysanayo si ay uga dhex muuqato masraxa siyaasadeed ee dalalka xoogga is biday. Mar haddii uu xaalka dalku yahay sida guri aan deyr iyo ood lahayn oo balo kasta uu u furanyahay, waxaa loo bahanyahay inay dowladu nidaamkii ilaalin lahaa siyaasadda shirka dib-u-heshiisiinta, nidaamkii ilaalin lahaa siyaasadda hoggaaminaysa wada tashiyada ama wada hadallada heer tuulo ilaa heer qaran….

[Ciidammada AMISOM wadamo
kale oo dannahoodu
aad u qoto dheeryahay
baa dalka keenay!]

Dowladaha ciidammadooda AMISOM ka tirsanyihiin maalin kasta waxay ku celcelinayaan inaysan ciidammadooda Soomaaliya ka baxayn ilaa Al-SHabaab laga adkaado, oo sidee baa looga adkaan?!….waa la layniyaa miyaa?!…. SHaki iigama jiro dalal badan ciidankooda la bixi lahaayeen laakiin waxaa gadaal ka soo riixayay dalal joogitaanka ciidammada dalalkaas dano ka leh, tusaale ahaan ciidmmada Kenya markii ay dalka soo gelayeen waxaa ka horeeyay faro gelinta dowladda Norway ee xudduda badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo markaas uu qorshaha Norway ahaa in qaybaha badda Soomaaliya ee shidaalka uu ku jiro ay ku wareejiso dalka Kenya, si arrintaas loo xaqiijiyana ciidammada Kenya ayaa magaca AMISOM lagu soo geliyay dalka, waxaana taas ku xigtay booqashadii booqashadii ra’iisal wazaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku tegay Kenya isagoo u xaqiijinaya taageerrada uu dalkiisa la garab taaganyahay Kenya….Taageerada israa’iil ee dalka Kenya waligeedba waa soo jirtay, laakiin waxaa is weydiin mudan maxaa sheegisteeda iyo isa soo feero qaawinta Netanyahu ku soo aadiyay xilligii ay ciidammada Kenya soo galeen dalka Soomaaliya?!….

Marka aad isu geyso dhaqanka Norway, ee la xiriira arrinta biyaha Soomaaliya iyo ballan qaadka Israa’iil, oo aad si miyir qab ah isugu tosho arrimaha waxaa kuu soo baxay in ciidammada Kenya iyo kuwa kale ee AMISOM aysan Soomaaliya u imaan barnaamijka dadka Soomaaliyeed loo sheego ee ah inay dowladda xagga ammaanka ka caawinayaan….waa laga yaabaa inay qaarkeen sidaads rumaysnayn inkastoo la oran karo waa kuwo is yeel-yeelaaya!….. Balse ka waran ciidammada Soomaaliyeed ee ay qoranayaan dowladaha shisheeyaha ah, ee ay siinayaan mushaarka faraha badan, iyo xannaanada dheeriga ah ee aysan dowladda Soomaaliyeed u heli karin ciidammadeeda?! Ciidammada noocaas khatarta ugu weyn ee ay leeyihiin oo ay ka faa’idaysteen dowladahaas waxay tahay inay yihiin dhalin-yaro aad u yar-yar oo aan dowlad iyo qaran Soomaaliyeed soo arag!…waxaa aad u haboon in ciidammada noocaas ah ama dhallin yaradaas barnaamijo ama war-baahin iyaga gaar u ah si loo baro ummadooda iyo dalkooda….

Al-SHabaab, waa inay ku dhawaaqaan inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada shirarka dib-u-heshiisiinta ah ee socda, waa inay ku talo gashaa codsiyadooda badankood inaan la yeeli doonin oo ay fahmaan isla markaasna tix geliyaan xaaladaha gaarka ee ay dowladdu ku sugantahay iyagoo waliba indhaha ku haya marxaladda uu marayo dalka iyo in sida looga bixi karo ay tahay iyadoo qof kasta oo muwaadhin Soomaaliyeed ah uu kaalintiisa si hagar la’aan ah ka qayb qaato sidii loo soo celin lahaa qarankii Soomaaliyeed!….Al-SHabaab, waa inay tijaabisaa habka wada hadalka maadaama hababkii kale oo dhan ay natiijadoodii noqtay burbur joogta ah iyo in ummaddii dib qaranimmadeeda u soo ceshan weydo.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *