tawakal expressgolis logo



Dibu Heshiisiinta Qaran: Tala soo jeedin. W/Q Cabdinur Cabdirisaaq Soofe

Dibu Heshiisiinta Qaran: Tala soo jeedin

Cabdinur Cabdirisaaq Soofe
Soofe101@gmail.con
June 18, 2017

Ugu horayn intaanan guda gelin qoraalka , waa maxay dib u heshiisiin?, maxaa se loo baahan yahay si’aan dib ugu heshiino? Dib u heshiisiintaan maxay uga duwanaan doontaa heshiisyadi dab-damiska ahaa ee tan iyo burburkii loo isticmalay in gacmaha laysugu saaro horjoogayaasha ayada oo aan si sax ah loo kala shaafin quluubta shacabka ?
Dib u heshiisin waa waddo ka dheer taan kor kusoo xusnay, ka mira dhalsan, kana baaxadweyn , Dibu heshiisin waa inlasoo celiyo xiriirki bulshada ee xumaaday sal iyo baar , waa in la is cafiyo la qirto qaladka lakala galay. waxaa lagama maarmaan u ah inay jiraan hiraal iyo himilooyin fog oo lawada hiigsanayo, si looga baxo xayndaabka faqri, dibu-dhaca, nabad la’aanta , nolol xumada iyo liidnimadda.
waa inaan si dhab ah u garawsano inaan isku wada baahanahay , kala aarsiga ,is nacaybka , kala saraynta, sad bursiga , xiqdiga iyo qabkuna ay inaga hor istaagayaan dadnimadeena, hormarkeena, jiritaankeena, iyo wada noolaansheheena. Waxaan u baahan doonaa inaan garawsanno farxadeeenu inay ku jirto inaan wada noolaano annaga oo aan is xasdin, isboobin, isku ciil qabin, kala adkaanin, kala shirin isuna shirin, waa in aan wada xasuusanaa dhibtaan isu gaysanay , jaa’ifooyinkii inagasoo gaaray oo aan si iskeena uga wada toobadkeeno dunuubti aan kala galnay. Ugu danbayn ujeedada dibi heshiisintu waa inan gaarno xiriir, kalsooni, walalnimo, wadjir ummdadeed iyo wada shaqayn ku dheehan, helno nabadda iyo nolasha loo boholyoobo ee ay dhigeena ku noolyihiin caalamka.

Hadaba, sida aan lasocono, waxaa asbuucan ka bilawday magalada Muqdisho shir wada tashi oo hordhac u ah Qorshaha dibu heshiisinta qaran , Sida uu wasiirka Arimaha guduha Cabdi Saciid Faarax ( Juxa) ka sheegay goobta , ajendayaasha shirkaan, waxa ugu muhiimsanaa (B) In la ogaado sababa Gundhiga u ah khilaafka dhexyaala Soomaalida (T) heerarka ama darjooyinka uu leeyahay khilaafaadkaasi (J) In la helo wadadi loo mari lahaa xallinta khilafaad kaas iyo waliba (X) Halka ugu haboon in laga bilaabo tilaabada koobaad .Ayadoo laga duulayo ujeedooyinka shirka iyo sidii loo talo siin lahaa madasha, waxaan ku eegi doonaa qoraalkan labada qodob ee aan isleeyahay waxay ay leeyihiin muhiimada koobaad kuwaas oo kala ah in la helo waddo loo maro xallinta kilaafka iyo in la garawsado halka ugu haboon .

si loo gaaro dib-u-heshiisin waxaa jira tiirar muhiima oo ubaahan in marka hore iyaga rukumada loo aaso kuwaan oo ay ugu horeeyaan inla kala buskoodo iyo in la helo Cadaalad, cadaaladu waa shayga ugu muhiimsan ee umaddi ku kala qanacdo, sida caadada ah dadkoodhan ma wada qaataan dibuheshiisinta cafiska iyo wada noolaanshaha. Markast waxa jira shaqsiyad ku qanci waaya wanaaga ama ka tala diida waxgaradka matala.

Sidaa awgeeed waa lagama maarmaan in la helo, awood dhexdhexaada oo laysaga qabto wixii kasoo horjeesta rajada umadda sidoo kalana si dhexdhexaada ukala saari kara wax laysku hayo iyo waxa layska haysataba , taasi waxay noqon kartaa in la lahelo maxkamadda dhexdhexaada , kamaran , musuq iyo eex, u leh awood inay qaadaaan kiisas abaaday iyo kuwa taagan kolkaasba.

Maxkamad awoodleh xukun keendu meel maro , gar cadaalada qaadda oo ay ku wada qancaan ka taagta daran iyo kan tabarta leh ba, waxay iyana ubaahan tahay awood fullineed oo aan cidina ka gacan sarayn karin taas oo meel marin karta go’aamada loosoo gudbiyo, waxaa suuragala wax kasta oo lagu heshiiyo inay noqdaan afka-baarkiisa aysanna ka duwanaan kuwii hore hadaan la helin ka go’anaansho iyo waliba ciddi fulin lahayd.

waxaan ogsoonahay in badan oo kamida heshiisyo hoosaad bulshada la dhexdhigay meela badan iyadoo shacabki diyaar uyahay, wax-garadku u taaganyahay, nabadoonka iyo culimadu raadinayso meel marintooda waa la banbariyaa iyagoo uguba sababtoo ah waxaan jirin awood qaban karta inta yare ee aan xasiloonida u qiimaysnayn. Hadaba suaasha lays weydiin karaa waxay tahay mahaysanaa awood meel marin karta heshiis kasta oo lagalo? sidaan dareemi karno wey adagtahay taas in la helo, waayahay markaa maxaa hortaagan awoodi haydaha meel marin lahaa heshiisyada bulshadu wada gasho?

Jawaabtu way cadahay , ugu horayntii waxa kaliya oo meel marin kara heshiiska bulshada waa in la helo maxkamad cadaalada iyo awood fulineed sida booliska oo yeelan kara shaqadi looga baahnaa sidaan soo sheegnay. Intaan markayno garawsano waxaa iyana muuqanaysa in sababta hortaagan Hay’adihii meel marin lahaa rabitaan ka shacaka aytahay , cidday xukumi lahaayeen oo iyaga ka awood badan taas macnaheedu waxa weeye inay bulshadii hubaysan tahay tusaale ahaan waxaa la qiyaasaa in ku dhaw hal malyan (1000000) oo qori oo aan diwaan gashanayn in si sharci daraa loogu wato gudaha dalka, waxaa kaloo ansa furan suuqa kala iibsiga hubka oo gobalada dalka si xora loogu kala gado, tani waxay sahlaysaa in boog kasta oo la dhayo si sahlan loo danqo iyo in doonista waxgaradka , heshiishka iyo go’aamda kasoo baxa shirkan si fudud lagu burburiyo.

Hadaba aynu unimaadno su’aalihii ahaa halkee ugu haboon in laga bilaabo Dibu heshiisiinta ? iyo wadadee loo maraa xalinta khilaafaadka?
Markaan eegno arimaha aan kasoo sheekaynay xaalada dalka ka jirta, awooda haydihii muhiimka ahaa iyo baahida loo qabo inay mira dhal noqoto dibu heshiisinta qaran ee iminka loo fadhiyo, waxaa muuqanaysa inaysa wadadi hore inaga leexin karin iyada oo aan meesha laga saarin caqabadaha soo jireenka ah oo ay salka utahay la’aanta awood dhexe oo cadaalada iyo hubka ku jira gacmaha shacbka. miyaan ku hamin karaynaa in la helo deganaansho ama natiijo wax ku oo la laga dhaxalno heshiis shaqsiyaad kooban galeen iyadoo mujtamaca intiisi kale mindiya isu sitaan? sidaan horay kusoo sheegay dibu heshiisiintu waxay ubaahantahay in laga run sheego rabitaankeena iyo inaan ka xafarawno dhacdooyinki inaso maray, hadba, maxaa lagu sheegi karaa ujeedada aan uhaysano hubka, ma waxaan ka raja qabnaa inaan markale is degaalno ? jawaabaha waxaan uga tagayaa akhrista yaasha.

Ugu danbayntii aragtida qoraalka doonayo inuu ku biiriyo madasha waa sidaan
 Wadada loo mari karaa dibu heshiisiinta waa in la helaa ka go’naansho dhexdeenaa marka kobaad si aan uga run sheegno himiladeena, waa inaan hoosta ka xariiqno doonitaankeena inaan waxkasta ku badalo hagaajinta mustaqbalkeena is laab furan isu cafino isuguna kalsoonaano.

 Waxaa muhiima shirkaan inuu noqdo mid laysla garto hub kadhigis caama si ay usuurta gasho inay soo laabato cadaalada iyo inaan la fashilin ama la danqin booga soo kabanaya .

 Dhamaan ka qaybgala yaasha shirkan wa waxgarad dareensan saan qiyaasayo ugu yaraan badankoodu xanuunka lasoo maray,halka aan naalo iyo baahida aan uqabno wad jir umadeed si kastaba ha noqotee shaqsiyaadkaan waa tira aad uyar marka loo eego mushtamaca guud taasi waxay yarayn kartaa saamaynta shirkaan ku yeelan karo bulshada guud hadaan la helin awoodihii kabi lahaa. Hadaba waxaa iyana lagama maarmaan noqonaysa in la baahiyo dadaalada isu soo dhawaynta muwaadiniinta iyadoo loo marayo dariiqooyinka kala duwan sida in loo asteeyo waqtiyo la xuso oo lagu daro maalmaha qaran, adeegisiga warbaahinta iyo suugaanta IWM.

 Iskusoo duuduubo, arimhaan oo dhan furahoodu waa in la helo bulsha aan is dilayn markas ayay imaan kartaa in la wada hadlaa, sida aan la socono waqti xaadirka shirka waxaa barbar socdo dagaala ahliya gobalada qaar taasi waa halista mar walba la filan karo inta uu shacbku hubaysanyahay. Sidaa awgeed waxaan kula talinaynaa Madasha, saraakiisha dowlad iyo dhamaan dhinacyada tala gacanta ku haya inay isla gartaan wadadii lagu heli lahaa ugu horayn Shacab loo talin karo , shacab aan is dilaynin.

Ugu danabayntii, Baaqa qoraalkan waa in dibu heshiisinta laga bilaabo cafis iyo hubka dhigis caama lana dajiyo siyaasadi loo mari lahaa.
Abdinur Is MA in Governance and Development, Social and political writer and can be reached at Soofe101@gmail.com



3 Responses to Dibu Heshiisiinta Qaran: Tala soo jeedin. W/Q Cabdinur Cabdirisaaq Soofe

  1. Eerible Faranfar

    June 18, 2017 at 7:57 am

    CAQLI CARUUREEDLE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO WUXUU KU HAMINAYAA:

    “HAWIYE AAN HUBKA KA DHIGO SI’ AAN UUGU DAWLADEEYO, SI’ AAN U LAAYO HALDOORKIISA.

    ADEERKAY AFWEYNE WAA KII HAWIYE AABIGA UGA DILAY GEESIGOODII JENERAAL SALAAD

    GABEYRE. ANIGOO FARMAAJO AHNA WAA INAAN HAWIYE KA LAAYAA RAGGOODA WAXGALKA AH.

    HAWIYAHA WAA INAAN KU BEER JILICSADAA WADDANINIMO BEEN AH IYO CAADIFAD AAN JIRIN.

    MARKA AY I AAMINAAN-NA, WAA INAAN EBER KA DHIGAA SI’ AAN U AARSADO. XOOG WAAN
    KU AARSAN WAAYAY EE WAA INAAN XEELAD KU AARSADAA. WAA INAAN RAACAA MURTIDII
    MAXAMED CABDULLE XASAN:
    NINKAAD DILI, NINKAAD DAGI, NINKAAD
    DABIN U QOOLEYSID,
    WAA LA ISU KALA DAADIYAA,
    YAANU KAA DIDIN E.”

    WALLEE FARMAAJOW XARIG AAD HAYSID XOOLO KUMA JIRAAN EE ISU SII DIYAARI WADDADII DHEEREYD EE UTANGA IYO HABAAR WAALI.

    DAAROOD QAX LABAAD MA HURI DOONO, SAA WAA LAGA WAAYAY INUU TABARTIISA OGAADO, EDEBNA MEEL U FADHIYO E.

    BAL MUU NIMCADIISA BANAADIR ISKA DAAQO, BAL MUU U DUCEEYO HAWIYIHII MAR LABAAD SOO CARA CELIYAY, KA DIB 24 SANO UU GEESAXIR KU MAQNAA?

    DAAROOD ILLOWSHIINYO DHOWAA, MA XAAWALEY BAA?!

  2. maskiin

    June 18, 2017 at 11:34 am

    Assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatahu,
    Allaamadleh ninkii Aaminaa awoodleh
    waxaan aad ugu faraxsanahay bisaylka soo maaldu gaadhay gaar ahaan reer muqdisho iyo agagaarkeeda.
    waxaana leeyahay horay haloo socdo dibyaan loo noqon cadwgu waa tiro badan yahay waxaana badan kulajire kaajira hadda maskiinkaan wax sooray waxa maskaxdiisa kujira unbuu soo tufay laakiin ma uufiirin waxa dhabta ah ee jiri waa rigii gabay waqtigii jaahiligii oo kale rasuulkii nabi maxamed(csw)
    oo asxaabtiisii dhexjooga jaahiliyadii gabaydii ahaa ku gabyayay.
    saaxiib anaa nool xamarna ku koray kuna baarbaaray.
    casrigii jahliga waaa lagudbay waxaa lamarayaah somaaliyeey toosoo toosoo isku tiitsada.
    intaas waxaa iga keenay fartaan jaahiliga ah
    hadaan usoo noqdo mawduuca dib u heshiinta waa arin aad uwanaagsan laakiin waxaan isleeyhay waxyoobo aasaasi ah ayaa jira.
    taariikh ahaan somaalidu waligeed dagaalamijireen wuuna dhamaan jiray dabadeedna waaba layska iloobijiray.
    laakiin shaydaan iyo fangaara wadata ayaa soo kicinjirtay.
    arinkuna waa hilib kansar ah oo markii qolodani kagadho sifudud loo kicinkaro waana qabyaalda.
    taasi maanta dadbadan baa dareen san liikiin fikirkayga xamar waa ka gudubtay.
    saxiibkay ayaa korku soo sheegay heshiisyo badan baa lasoo galay dawlado kumeelgaara ayaa lasoo may ha ugudanbeeyaan sheekh shariif iyo xassan sheekh.
    dawladnimaduna waa kaltan ama qori isu dhiib.
    waxaan leeyahay waa bil ramadhaan alle ajar farabdan hakasiiyo labaadaas madax wayne ee si shrafleh ugu dhiibay xukunka soona gaarsiiyay farmaajo.
    intaaskadib war reerxamaroow haddii dad guryo lagahaysto oo ama reerxamar dhixdiisa iska haystaan waa bil ramadhaan aan ugabaxno dadka walaaleheena guryaha anoo filyah inay hadda dad guryo lagahaytaa aysan jirin haday jirtana ay faraku tiris tahay.
    waana hadaan reer xamar nahay waa war suuqa noo galay.
    INLAWALAALEEYO SAAXIIBTINIMO DHAB AH LOO SAMEEYO DAAKAAN AAN HALAAN KU XUSAYO.
    1 MADAX WAYNAHA IYO GOLIHIISA.
    2.WASIIRADA.
    BAARLAMAANKA LABADIISA AQAL
    3. CIIDAMADA KALADUWAN EE DALKA
    sidaa
    MALATARIGA
    POOLISKA
    NABAD SUGIDA
    ASLUUBTA
    IYO KUWAKALE EE BADAN
    WAXAAN SAAS ULEEHAY WAA DAKA USUGU DHOW EE WADA HALIKRA WAXNA WADAAGA ISKU BOOSNA JOOGA KABACI BULSHADA INTEEDA KALE HALOOGUDBO.
    INTAAS OO QALBIGA KAWADA SHAQAYSA DAACAD USU NOQOTA WAXA HANAN KARAAN NABDA.

    qormadaydii maanta waa intaas iyo ducadaan.
    Allaha wadankeena noo islaaxiyo wixii dalkeena iyo diiinteena iyo umaadeena dhibkuwada aalle hanaga qabto ciduudoono hanodo.
    AamiinAAMIIN.

  3. somali

    June 18, 2017 at 4:16 pm

    mashalah waa qoraal aad ugu bogay waankaga mahadcelinayaa taladaad sllah somali wanaaga ha waafajiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *