tawakal expressgolis logo



Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo miisaaniyad u qoondeyneysa Dib u Heshiisiinta

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay markii ugu horreeysay in miisaaniyad gaar ah loo qoondeyn doono dib u heshiisiinta dalka ka dhacda.

Dowladda waxaa ay wixii hadda ka dambeeya fududeyn doonta isku-dey walba oo lugu doonaya in lugu heshiiyo,iyadoo marka kaashaneysa maamullada gobollada ee dalka.

Waxaa lugu soo bandhigay miisaaniyada gaarka ah ee ay dowladda u qoondeynayso dib u heshiisiinta shir weyne dhawaan lugu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho,kaaso bilow u ahaa dib u heshiisiin guud ee dalka oo dhan laga hirgeliyo.

Shirka ayaa qodobbada ka soo baxay waxaa kalo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed inay u diyaar garooban dib u heshiisin guud,si looga fagaado khilafka iyo dagaallada soo noq noqda ee Soomaalida dhexdooda.

Dadaalka dowladda ay ku dooneyso in dib u heshiisintu ka dhaqangasho dalka oo dhan,waxaa loo arka in laga dhabeyn karo haddii ay dowladdu dhaqaalo iyo miisaaniyad u gaar ah ku bixineyso.

Gabagabadii,waxaa dowladda ay warkan sheegtay iyada oo dadka nabadda raadiya ay markasta ku dhibaatoon jireen maareynta noloshooda marka ay u safraan meelo colaado ka jiraan ama ay doonayaan in ay dhexgalaan dad is heysta oo xasaro ka dhex dhalaan karaan.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *