tawakal expressgolis logo



Hadalka wanaagsan waa sadaqo. W/Q Sh. Axmed Cabdisamad

Hadalka wanaagsan waa sadaqo.
Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
June 4, 2017

Hadalka wanaagsan ee macaan qalbiga iyo naftaba waa u roonyahay, farxad iyo rayrayn ayuuna ku beeraa, isjacaylka iyo isku kalsoonida ayuu xoojiyaa, wuxuuna meesha ka saaraa cuqdada, nacaybka, kala shakiga iwm.Wuxuu sare u qaadaa moralka iyo hanka qofka iyo bulshadaba.

Wuxuu qayb weyn ka yahay xoojinta xiriirka bulshada iyo dhismaha ummadnimada. Wuxuu saldhig u yahay awoodda iyo horumarka ummadda; sidaa darteed ayaa Alle iyi rasuul inoo amreen in aynu ku wada hadalno hadalba hadalka uu ka wanaagsan yahay; waayo hadalka xun shaydaanka ayaa uga faa’iidaysanaya inuu dadka ku kala dilo.

In hadal wanaagsan lugu wada hadlo kuma koobna muslimiinta kaliya ee dadkoo dhan muslin iyo gaalba waxaa la ina amray in aynu hadal wanaagsan kula hadalno.

Si gaara hadalka macaan ee qalbiga ku beeraya wanaagga waxaa u baahan waalidka iyo ilmihiisa, sayga iyo xaaqskiisa, walaalka iyo walaalkiis, macallinka iyo ardaygiisa, masuulka iyo shaqaalihiisa. Si guud in wanaag loogu wada hadlo, looguna wada dhaqmo ayaa la doonayaa; si loo noqdo bulsho iyo ummad dhinac walba ka wanaagsan.

Hadalak wanaagsan waxaa ka mid ah: salaamta islaamka, bishaaraynta, dhiirrigalinta, naseexada, sama farida, xuma reebida, cilmi barista, tacsida iwm. Waxaa kale oo barbar socda dhaqan wanaagsan, sida: wax siinta, dhoolacadaynta, wajiga furfuran, gacanqadka (salaanta gacanta), hadiyada, booqashada kan jirran, raacista janaasada kan dhinta iwm.

Haddaynu soomaali nahay dhaqankeena miyiga ka soojeeda ayaa watey ad-adayg iyo hadal kakan oo sidii warankii la isku halgaadayo oo aan inta badan lahayn dabacsanaan, turis, tixgalin, xeerin, qadarin, ixtiraam, soojiidasho iwm. Inta badana loogama jeedin xumayn ee hadalka dabacsan baa marar badan loo haystay jileec iyo miskiinimo ama hadalka adag baa raganimo iyo fariidnimo u muuqanayey. Waxaa la wariyey in nin xaaskiisa hadalo dabacsan kula hadlay oo ay ku tiri: waar sida ragga u hadal, iyadoo isleh armaa ninku mid jilicsan oo aan rag wax la qaybsan karin kaa noqdaa!.

Gabagabadii hadalka iyo dhaqanka wanaagsan waynu u baahanahay qof qof ahaan, qoys qoys ahaan, bulsha ahaan iyo ummad ahaanba, waana wax diinteenu ina amartay oo adduun iyo aakhiraba wax weyn inoo taraya, nolosheenana saamayn weyn ku yeelanaya ee aynu nafteena iyo qoysaskeena iy bulshadeenaba ku rabbayno, kuna dhaqno.Waliba si gaara ayaa la inoo kaga baahanyahay xilliga ramadaanka, xajka iwm.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *