tawakal expressgolis logo



Madaxweyne Farmaajo oo madaxa haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u magacaabay Faadumo Dayib

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haweeneyda Faadumo Dayib u magacaabay madaxa haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Faadumo Dayib ayaa madaxweynaha kula kulantay iyadoo ka mahad-celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu madaxweynuhu u sameeyay.

“Waxaan ku faraxsanahay la kulanka madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyadda igu soo dhaweeyay.” Faadumo ayaa sida ku tiri qoraal ay soo dhigtay barta ay Facebooka ku leedahay.

Waxaa ay inta ku dartay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa, waxayna sheegtay inay sharaf u tahay in Madaxweynaha ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeyga ee Xafiiska ay madaxda ka tahay.

Xafiiska ay madaxda u noqoneyso Faadumo Dayib,wuxuu qaabilsanan doona awood siinta Haweenka iyo sinnaanta Jinsiga, iyadoo ka shaqeyn doonto barnaamijyada Haweenka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Haweeneyda ayaa horey isagu soo sharaxday xilka madaxweynaha Soomaaliya walow aysan ka qaybgalin doorashadii bilowgii sanadkan ka dhacday magaalada Muqdisho.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *