tawakal expressgolis logo



Norway: “Waalid Fayoow Meeshaan ma Joogo … Hooyo Kasta way Ilmaynaysaa” (DAAWO)

Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya,Yusuf Garaad Cumar ayaa dhawaan tagay dalka Norway,halkaas oo u kulan xog waran ah la qaatay jaaliyadda ku nool ee Soomaalida.

Inta uu kulanka socday waxaa lugu soo bandhigay dhibaatooyinka heysta dadka Soomaalida ah ee ku nool Norway,gaar ahaana waalidka dalkaas ku nool oo dhibaata ku qaba in si xoog ah carruurtooda looga qaato.

Hooyo Soomaaliyeed oo ka hadleysay dhibaatada waalidka ku heysta Norway waxaa ay sheegtay inuusan dalkaas joogin waalid fayoow oo hooyo kasta ay ilmeynayso,maaddama carruurteda ay ka maqanyihiin,halka kuwa kalana uu wal wal ka heysto carruurta in laga qaato.

Waxay ka dalbatay dowladda Soomaaliya arrintan inay soo farageliyaan oo ay ku qanacsanyihiin dalkooda in lugu celiyo haddii ay helayaan carruurta ka maqan.

Hoos ka daawo barnaamij ku saabsan kulanka jaaliyadda iyo wasiirka oo ay murago badan ku dhexjirto:-


__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *