tawakal expressgolis logo



Sanatar C/raxmaan Faroole oo eedeyn kulul u jeediyey Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil

MUQDISHO(RBC RADIO)Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sh Maxamed Faroole  oo haatan ka tirsan Sanatarada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa eed kulul u jeediyey Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Sanatar.C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyey Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya hadal uu dhawaan ka jeediyey kulan looga tashanayey dib u eegista Dastuurka oo ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland,wuxuuna ku dhaliilay inuu faraha la galay shaqadii Baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Waxaan idiin sheegayaa aflagaadad uu sameeyey C/raxmaan Xoosh Jibriil oo uu leeyahay Borobogaando ayey ahayd  waxyaabihii laga sameeyey Dastuurka waagi aan anigu Madaxweynaha ka ahaa Puntalnd waa aflagaado iyo wax sharci la isku geyn karo,waana khalad inuu saas yiraahdo waana danbi,waana loo haystaa  anigu ma Saamaxayo,wuxuu la wareegayo waa waxba kama jiraan mana ahan shaqadiisa”ayuu yiri San.C/raxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole ayaa usoo jeediyey Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iney Dastuurka cid u qaybiyaan isla markaane  lasoo Magacaabo Gudi Farsamo oo la shaqeeya Guddiyada Magacaaban ee Labada Aqal ee Baarlamaanka u xilsaaran dib u eegista Dastuurka.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa tilmaamay in dhibaato badan laga soo maray Dastuurka dalka,wuxuuna wax aan la qaadan karin ku tilmaamay inuu shaqsi isku dayo inuu wax ka bedel ku sameeyo”Dastuurka waxaa saxiixay lixdii Saxeexe ee kala ahaa Puntland,Galmudug,Ahlu Sunna,Madaxweynihii Dowladii KMG,Ra’iisal Wasaarihii xiligaa iyo Afhayeenkii Baarlamaanka waxaana damaanad qaade ka ahaa Wakiilkii hore ee Qaramada Midobay u qaabilsanaa Arimaha Soomaaliya Agostina Mahiga”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

RBC RADIO

 

 

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *