tawakal expressgolis logo



SIYAASAD WAREERSAN (THE POLITICS, STUPID): DIB U HESHIISIIN MISE WACYI GALIN). W/Q Abdikani A. Khalif

SIYAASAD WAREERSAN (THE POLITICS, STUPID): DIB U HESHIISIIN MISE WACYI GALIN).
Q Abdikani A. Khalif
abdi_kani@hotmail.com
June 19, 2017

Waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha, waxaana ku salaamayaa salaanta islaamka. Waxaan kaloo leeyahay Ramadaan Kariim dhamaan ummada muslimka ah meel kasta oo ay joogaan ba. Siyaasada Soomaaliya waxay I soo xusuusisay oraah uu sameeyay nin xeel dheere xaga dooroshooyinka ah oo la socday Bill Clinton oo la yiraahdo James Carville ee ahayd “ The econony, stupid ”, ujeedadiisuna ahayd inuu tuso shacab waynaha maraykanka in qaabka uu ku dhisan yahay dhaqaalaha maraykanku uu yahay mid ku qotoma aragtiyo duuga iyo waqti laga soo gudbay oo qadiima.

Hada arinta ka socota Soomaaliya waxay u eg tahay “ The polits, stupid “. Waxaad moodaa markasta oo aad is tiraahdo waxa muuqata rajo uu dalku uga soo kabsan karo burburka iyo dawlad la’aanta, in talaabooyinka siyaasadeed ee dawlada iyo masuuliyiinta dawladu qaadaan u muuqdaan kuwo dalka dib ugu celinaya mugdigii iyo waqtigii madoobaa, iyagoo nasiib daro aan dareen sanayn , una arka talaabooyinkaas inay yihiin kuwo dalka u horseedi kara horumar iyo isbadal. Taasina inta badan waxaa keenta deg deg , ka baaraan degi la’’an iyo u kuur galid la’aan culayska ay leeyihiin aragtiyada iyo siyaasada qaranka inta aan loo soo bandhigin shacabka iyo dadwaynaha.

SHIRKII UK EE LONDON

Ma ahayn waqti fog markii ay dhamaan maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe ay isugu tageen dalka britain iyagoo caalamka u muujinaya inay mid yihiin , kana go’an tahay inay si wada jir ah uga qaybqaataan sidii dalku u yeelan lahaa dawlad midnimo dib u soo celisa qaranimadii iyo midnimadii ummada Soomaaliyeed. Ujeedada ugu muhiimsan waxay ahayd in dunida la tuso, maadaama aysan xiligaan uuro gal ahayn in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, in ay maamul goboleed yadu wakiil ka yihiindegaano iyo bulsho Soomaaliyeed, ayna iyagu hada matalaan, iyaga iyo dawlada dhexena ay diyaar u yihiin sidii dalka loogu dhisi lahaa dawlad awod leh oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed samato bixisa.

Waxaad moodaa arintan dib u heshiisiintu inay tahay mid dawladu ay iyadu lugta is ka toogatay oo gabi ahaanba ka soo horjeeda ujeedadii laga lahaa shirkii London. Waxaad moodaa in arintani ay u muuqato mid u tilmaan eg gabaygii ahaa “ gabadhii gambada loo xiree gacantoo loo mayray ee galisay meeshii hadana gabaygu soo maaha “.

Muuqaalka siyaasadeed ee dalka ka jira ee qofba si u arko (dhalanteed ama dhab) wuxuu na barayaa in qabiilkii laga guuray oo loo guuray maamul goboleed iyo maamul degaan, ku waasoo soo xushay wakiilo matala, wakiiladaasuna doortay madaxwayne dhistay dawlad dhexe. Qabiilkii waa laga guuray iyo qabiil baa la heshiisiinayaa, dawlada ayaa laga rabaa inay is waafajisho. Arintani waxay u muuqataa mid u eg “ Alif wax ma leh iyo wax buu leeyahay “

DIB U HESHIISIIN

Waxaan rabaa inaan la wadaago akhristayaasha labo su’aalood oo mudan in la is waydiiyo.
Yaa la heshiisiinayaa? Yaase wax heshiisiinaya?

Marka heshiis dhacayo, waxaa muhiim ah in ay jiraan: i) dhinacyo iska soo horjeeda oo qeexan ciday yihiin; ii) ciday matalaan; iii) waxa lagu heshiin la yahay oo u baahan in la isku afgarto dabadeedna lagu heshiiyo.

Sidaynu ka wada dharag sanahay qabyaalada iyo qabiilada Soomaaliyeed ma laha bilow iyo dhamaad midna oo waxay noqdeen aalad uu qofba si u isticmaalo, kaliyana inta badan loo isticmaalo xumaanta, sadbursiga iyo awood raadin. Taasi waxay keentay in qofba meeshuu rabo la aado goolka ee uu u arko inay ugu jirto dan koox ama mid shaqsiyeed. Waxaa halkaa ka soo baxaya inaysan si naba suurto gal u ahayn in la helo kooxo cayiman oo iska soo horjeeda oo haysta matalaad dhab ah. Mar hadaysan dhici karin in la helo kkoxo cayiman oo la yaqaan ciday yihiin iyo ciday matalaan , waxa aan iyana suurto gal ahayn in iyana la helo waxa dhab ta ah ee la siku hayo.

Hadii aan is dul taago su’aasha labaab ee ahayd yaa wax heshiisiinaya, kow cida wax heshiisiinaysa ee u kala dabqaadaysa dhinac yada is haya waa inay yihiin dad la yaqaan oo qeexan oo lagu yaqaan daacadnimo, dhexdhexaad iyo go’aan qaadasho adag. Marka hadii aan iswaydiino yay noqonayaan dadkaasi; Ma Soomaali mise shisheeye?

Hadii marka aan isla garano inay dadkaasi noqon karaan Somaali, waxaad calaamad su’aal fuulaysaa dhexdhexaad nimadooda, waayo dadka la heshiisiinayaa waa Soomaali, dhexdhexaadidayaashuna waa Soomaali; waxa la heshiisiinayaa waa qabiilo, dhexdhexaadiyayaashuna qabiilo bay ka yimaadeen. Yaan loo qaadan inan leeyahay ma jiraan dad Soomaaliyeed oo ka fog qabiil iyo qabyaalad, kaliya waxaan toosh ku ifinayaa magacaan dib u heshiisiin iyo qaabka ay hada dawladu wax u wado. Waxaa muhiim ah in marka wax la dhex dhexaadinayo, dhex dhexaadiyayaashu ay noqdaan dad ka fog tuhun oo aan meelna iyo sina loogu xiriirin karin kooxaha is haya.

Inta aynaan u gudbin mida ah inay dhex dhexaadiyayaashu noqon karaan shisheeye, aan bal fiirino qaabab ka mid ah qaabab ka loo heshiisiiyo kooxo ishaysta.

Qaab dhaqan: qaab waa qaab dhaqan oo ah in la isticmaalo dhaqanka, xeerarka iyo taariikhda soo jireenkaa ee ay ummadi leedahay. Qaab kaasi wuxuu meesha ka saarayaa in dhex dhexaadiyayaashu noqon karaan shisheeye waayo aqoon, waayo aragnimo iyo khibrad ku filan oo ay go’aan ku gaaraan ma laha.

Qaab diimeed: waxaa marag ma doonto ah in ay diintii gaar ahaan dhulkeena Soomaaliyeed ay noqotay kooxaysi, danaysi lagu raadinayo xulun iyo awood , qolo kastana siday ayagu rabaan u turjumaan. Guud ahaan iyana waan aragnaa dhibaatooyinka iyo qaybta kala dhextaal caalamka islaamka. Sidaa darteed, suuro gal ma aha in la helo koox dhexdhexaad ah oo kala dhexgasha qabiilada.

Qaab siyaasadeed iyo awood qaybsi: qaab kaani waa qaab suuro gal ah inay dad shisheeye ah ay noqdaan dhex dhexaadiyayaal. Arintaan horaan u soo marnay oo ay qayb libaax ka qaateen dawlado shisheeye. Taladoodii, aragtidoodii iyo taageeradoodiiba waxay noqotay inay noo keenaan 4.5, gobolaysi, qayb qaybin, fadaraal qabiilaysan. Siyaasada ku salaysan 4.5,qabiil, qabyaalad, gobolaysi iyo fadaraal qabiilaysan waxaan ku soo dhisnay afar dawladood oo tan Farmaajo ugu dambayso. Hadaba hadaan is waydiino maxaan ka baranay oo ka dhaxalnay sadexdii dawladood ee ka horeeyay tan Farmaajo? Waxaan ka dhaxalnay is qabqabsi, wada shaqayn la’aan, mooshin, qabyaalad, dagaalo, dawlad rid in ta badan salka ku haysa qabyaalad iyo siyaasad qabiilaysan. Marka mar walba waxaynu dib ugu noqonaynaa dhaqankii xumaa ee ahaa qabyaalada iyo siyaasada qabiilaysan ee la rabay inaynu horay uga socono oo u hayaano dhankaa iyo qaranimo. Waxaan aad u jeclaystay hadal uu yiri Axmed Madoobe shirkii London ee ahaa “ fadaraal qabiil ku salaysan xal uma aha Soomaaliya”. Hadalkaasi wuxuu runtii ahaa hadal geesinimo leh oo ka turjumaya xaqiiqda dhab ta ah.

Waqti dheer ka hor bay ahayd markii la qabtay shirwayne qaran oo loo gu yeeray dib u heshiisiin dawladii Cabdullahi Yuusuf allaha u xaxariistee. Wixii ka soo baxay waxay ahayd in la isu yimi, meesha lagu hilbo qashay dabadeedna lagu kala tagay. Oraah ingiriis ah baa waxay leedahay “ dadka waxaa ugu liita qofka sameeya tijaabo isku mid ah marar aad u fara badan , isla markaana ka fisha inay ka soo baxaan xalal kala duwan”.

Hadaba xagee sartu ka qurun santahay?

Dhibka ina haystaa ma qabiil baa mise waa siyaasad qabiilaysan? Si aynu xalka u helno waa inaynu fahamnaa dhibtu waxay tahay.

SOOMAALIDA IYO WAQTIGII GOBONIMADOONKA KA HOR

Hadii aan dib ugu noqono xiligii ka horeeyay kacdoonkii gobonimo doonka iyo la dagaalankii gumaystaha, Soomaalidu waxay ahayd dad qabaa’il ah oo kala dega, wada dega, is dhexgalay, is dhalay isla markaana wadaaga af, dhaqan, xeerar , iyo diin qura. Xiligaas Soomaalidu qabiil way isu layn jireen, laakiin waxa la isku layn jiray waxay ahaayeen wax muuqda oo la taaban karo sida ceelal biyood, daaqsin, xoolo la kala dhaco, gabdho, fardo iyo dilal. Dagaalka iyo dhib kastoo dhacda dadku markiiba waa ka heshiin jiray waayo waxay yaqaaneen waxa ka dhexeeya oo aanay marnaba ku kala tegi karin (dhaqan, diin, dad iyo dal); waxa la isku dilay (dhibku meeshuu ka bilowday iyo cida bilowday); dhibka iyo khasaaruhu intuu le’eg yahay oo si siman oo cadaalad ah looga xaali jiray. Qabiilka iyo qabyaaladu way jireen laakiin inta badan waxay ku salaysnayd wax muuqda oo la isku hayo waana laga gudbi jiray oo laga heshiin jiray.

XILIGII GOBONIMODOONKA

In kastoo aysan jirin dawlad iyo maamul guud dhulka Soomaalidu degto, hadana waxaa cad oo marag ma doonto ah in gayiga Soomaaliyeed oo dhan ay Soomaalinimadu, dhulka iyo dadku ka waynaa qabiilka iyo qabyaalada. Taas waxaa daliil cad u ah midowgii ay Soomaalidu u midoobeen la dagaalanka gumaystaha iyo difaaca dalkooda, diintooda iyo dadkooda. Arintaani waxay aduunkoo dhan ku noqotay xaajo ugub ah oo aad loola yaabo. In dad bulsho bulsho u kala degan oo aan lahayn dawlad guud oo midaysa in ay ku midoobaan difaaca dal aad u baaxad wayn.

SIYAASADA QABIILAYSAN IYO QABYAALADA

Ka soo bilow wax yar ka dib xiligii la qaatay xornimada ilaa iyo burbur kii dawladii kacaanka, dadka iyo shacabka Soomaaliyeed intiisa badan qabiilka iyo qabyaaladu way ku yarayd, inkasta oo ay jireen kooxo xukun iyo jago doon ah oo isticmaalayay siyaasad qabiilaysan si ay dadka shacab ka ah u kiciyaan oo u khaldaan. Burburkii dawladii kacaanka ka dib, waxaa batay kooxihii xukun doonka ahaa kuwaasoo afkaartooda iyo fikirkooduba ahaa isticmaalka siyaasada qabiilaysan iyo qabyaalada ayagoo markaas u arkayay inay tahay jidka kaliya ee ay xukun iyo awood ku heli karaan. Burburkii dawladii kacaan ka ka dib, kooxahaani waxay heleen fursad ay ku abuuraan colaado iyo dagaal bulshada dhexdeeda ah maadaama aysan jirin awoodo kale oo ka soo horjeeda oo wata mabaadii iyo aragtiyo kale ee ka duwan. Sanado ka dib , waxaa yaraatay saamayntii ay kooxahan xukundoonka ah iyo dagaal oogayaashu ku lahaayeen bulshada dhexdeeda maadaama ay sii kala jajabeen oo ay horseedeen colaado kale oo farabadan. Halkaa waxaa ka abuurmay fursad ay bulshada iyo shacab waynuhu ku soo ceshtaan xiriirkoodii iyo isdhex galkii in kastoo ay markasta dagaal oogayaashu isku dayayeen inay abuuraan jawi colaadeed iyo kala guur.

Waxaynu kuligeen goob joog u ahayn in 2007 kii doorashadii madax wayne maxamad Cabdullahi Farmaajo laga taageeray dhamaan gayiga ay degto bulsho wayn ta Soomaaliyeed, gaar ahaan magaalo madaxda Soomaaliyeed Xamar. Tani waxay marag ma doonto u tahay inaysan jirin qabiilo Soomaaliyeed oo is diidan ama is dagaashan ee dhibka kaliya ee ku dhex jiray uu ahaa siyaasada qabiilaysan ee lagu afuufay shacabka laguna abuuray colaado bulshada dhexdeeda ah.

WACYI GELIN

Dhibaatada kaliya ee dalka ka jirta ee loo waayay inaynu helno dawlad iyo midnimo Soomaaliyeed waa adeegsiga iyo ku dhaqanka siyaasada qabiilaysan. Hadii aad fiiriso dhamaan dhulka Soomaaliyeed, shacabku waxay isu dhex maraan si xor ah, waxaa ka jira xiriir ganacsi iyo is dhxgal, iyo waliba mid degaan. Colaadaha , dhibaatooyinka iyo dagaalada dalka ka jira intooda badan maaha kuwo qabiil ee waa kuwo siyaasadeed ay abuureen kooxo dano khaas ah le.

XAL AMA TALO BIXIN

⦁ In aanu meesha ka saarno eraygan ah “ dib u heshiisiin “ oo aan ku badalno “ wacyi galin ama hanuunin “

⦁ In la sameeyo hayad ama gudi (commission) madax banaan oo qaabilsan cilmi baarista arimaha bulshada, maamul wanaaga, wacyi gelinta iyo la dagaalan ka musuqmaasuqa.

⦁ In laga sameeyo cilmi baaris dhab ah dhibaatooyinkii iyomasiibooyin kii dalka ka dhacay , si ummada Soomaaliyeed ay u helaan wacyi gelin dhab ah.

⦁ In la baahiyo maamulka dawlada oo la gaarsiiyo dhamaan gobolada dalka, lagana furo xarumo ay ku leedahay dawlada dhexe oo ay ku shaqeeyaan masuuliyiinta dawlada iyo wakiilada shacabka si ay dawlada iyo shacabku isku dhex galaan.

⦁ In manhajka iyo waxbarashada dalka lagu daro barashada wadaniyada , midnimada iyo qaranimada.

⦁ In la diyaariyo si cilmiyaysan culuum ku saabsan dhibaatooyinkii iyo dagaaladii dalka ka dhacay isla markaana lagu dhigo dugsiyada dalka oo dhan



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *