tawakal expressgolis logo



‘’Soomaaliya’’ iyo waa kuma Black Water? W/Q: F. Xiirane

                                                                      Erik Prince, Aas aasihii Black water.

Erik Prince, Aas aasihii Black water  wuxuu aamin san yahay in adduunka laga tiriro Muslimiinta iyo Caqiidada Islaamka , waa ninkii sameeyay shirkaddii Xasuuqa ka gaysatay Ciraaq iyo Afqaanistaan, haatanna ka dagaalanta Soomaaliya laakiin magac kale wadata, waxaa haattan uga fuliyay Soomaaliya dilalka Qorshaysan dhalinyaro Soomaali ah oo si heer sare ah loo taba baray,   Xulufada uu khaliijka  horboodayo hoostana ay ka maamulayaan CIA-da ciidanka u dagaallama duqaynta iyo dilka ka wada Yaman 70% waa Calooshood u shaqaystayaal  uu ka soo daabulay ‘’Mulkiilaha‘’ Kolombiya Erik Prince, Koonfur Afrika iyo Kolombiya.

Wuxuu Erik aamin san yahay inay muhiim tahay in adduunka laga cirib tiri Islaamka , markii hore wuxuu shirkaddiisa Black water u bixiyay Holy Black water  , Dagaalka Erik kuma salaysna oo kaliya xoolo adduun inuu aruursado laakiin waxaa u waheliya oo waliba six eel dheer uu u aaminay inuu u dagaalamayo Eebbe !

Waxaa gudaha Soomaalia u jooga 2000 oo Calooshood u shaqayste  Soomaali , Erik oo kaashanaya Khasnadda Amiirka Abu Dabi , Maxamed Al-Nahyaan , waxaa ciidankaan loo taba baray si heer sare ah waxaana quudiya Imaaraadka , Ninkaan oo ah sarkaal CIA ka ‘’tirsanaa’’ sheegayna inuu ka tagay hasa ahaatee wariyayaasha wax baara waxay aamin san yihiin inuu Erik yahay gacanta CIA da ee ay ku fushato dilalka iyo qaska la doonayo in laga fogeeyo magaca Dawladda Maraykanka .

Fariimo laga Jabsaday Shirkadda (Saracen International) oo aan qaar ka mid ah helay waxaa isoo jiitay farriin la diray dabayaaqaddii Bishii Diseember 2011  waxaa lagu sheegay ‘’ Dr kii sharka abuurka ahaa dhulkay ku dareen, ardayga abaal marin dheeraad ah ayuu mudan yahay’’ . Lama sheegin magacaga Dr ka la dilay markaan laakiin Farriinta oo laga soo diray Dalka Imaaraadka iyo xiligaas Dr ka kaliya ee la dilay waa Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Oo 5 tii Diseember 2011 Magaalada Bosaso Lagu Diley, Baaritaanadii ay  sameeyeen gole madax banaan oo Soomaali ah waxay sheegeen inay dileen Al-Shabaab , hassa ahaatee waxaa suura gal ah in ‘’Ardayga’’ la abaal marinayo uu yahay qof sokeeye ama shisheeye ah oo Shabaabka xiligaas taladooda wax ku lahaa.

Imaaraadka iyo Sucuudiga waxay ka caraysan yihiin Dawladda  Qadar ay qaadatay maamulka iyo maaraynka Shidaalka mustabalka la doonayo in laga soo faago dhulka Soomaaliya , Amiirka Qadar wuxuu ku baxshay Doorashadii Xassan Shiikh 20 Milyan oo Doollar , sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jitro lacag fara badan oo lagu bixiyay sidii loo magacaabi lahaa Xassan Khayre , kana mid ah Saami leeyda Shirkadda musuqa lagu haysto,  Som Oil and Gas , Khayre waxaa la aamin san yahay inuu yahay ninkii ku qanciyay Xassan Shiikh  inay Soomaaliya qaadato 10% dakhliga kasoo xarooda Shidaalka halka ay shirkadda uu saamiga ku leeyahay Khayrre ay qaadan doonto 90% .

Dawladda Imaaraadka ayaa waxay xoog uga cabsi qabtaa Ururka Akhaanul Muslimiinka iyo Qowmiyiinta Carbeed inay xoog ku yeeshaan Dalalka Carabta , waxay taageero xoog leh siisaa Janaraal Xaftarka Liibiya, Calooshood u shaqaystayaal shisheeye ( Kolombiya , Koonfur Afrika ) u badan ayaa duqayn joogtaa ka wada Yemen iyo Liibiya , waxayna kasoo duulaan xerada Ciidan ee Erik iyo Al Nahyaan oo ku taalla Saxaraha Imaaraadka .

Bishii May Sanadkaan  Erik wuxuu sheegay hadal uu ka jeediyay Jaamacadda Oxford , ee Ingiriiska  inuu ku faanayo ‘’Calooshood ushaqaystayaashiisa’’ jooga  Puntland Soomaaliya iyo Muqdisho  , Ciidanka loo bixiyay (Puntland Maritime Police Force)waa ciidan ka kaliya ee haysta Diyaarado iyo hub casri ah  waxaa looga gol leeyahay inay ilaaliyaan danaha Imaaraadka ee Geeska Afrika oo ah danaha reer galbadeedka salkana ku siihaya hungiraga shirkadaha waawayn ee reer galbeedku leeyihiin.

Shirkadda Shell oo ay Qadar Saamiga ugu badan haatan leedahay waxay ku guulaysatay inay soo dhisto Golaha Wasiiradda Soomaaliya waxayna xoogga saareen sidaan ka dheegtay warbixin aan ka helay ilo xog ogaal ah, Shell iyo Qadar waxay xoogga saareen Maamulka sare hassa ahaattee Erik Prince oo ah Gacanta CIA-da Soomaaliya haatan asagoo kaashanaya  Agaasimihii Xaruntii CIA da ee Muqdisho Michael Shanklin in ay ku yeeshaan Golaha Wasiiradda iyo Xafiiska Madaxwaynaha indho Soomaaliyeed ( Somali Dogs )  oo usoo tabiya waxa kasocda xarumaha Dawladda.

Wasaaradda Amuuraha Dibadda ee Ingiriiska ayaa kiraysatay Shirkad Amaan oo si gaar ah loo lee yahay si ay u Layliso Xoogag lagula Dagaalamo ‘’Argagaxisada’’ waa Ciidamo Soomaali ah oo aan ka amar qaadan Dawladda Soomaaliya , waa qodax hor leh loona dhigayo hor u socod hadduuba ka jiro Soomaaliya .

                                                 Erick Prince ,madaxa shirkadda FSG, horeyna u lahaa shirkadda Black Water.

NISA waxaa askun keeda lahaa CIA waxayna ka maamushaa daaha gadaashiisa , Taliyaashii ka horeeyay ninka haatan ‘’Maamula ‘’ NISSA oo aan la xariiray kumaysan faraxsanayn in Hay’adda maamulkeeda la Soomaaliyeeyo lagana nadiifiyo danaha qalooca ee ay shisheeyaha dalka iyo dadka curyaaminaya u qabtaan .

 

W/ Q: F. Xiirane ( Sarkaal hore NSS 1976-1991)

Email: fahiira@gmail.com



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *