tawakal expressgolis logo



SOOMAALIYEY WAA LA I DHUFAANAYAA!! W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid

 

SOOMAALIYEY WAA LA I DHUFAANAYAA
Muxyadiin Xusseen Ciid

alcarab1@yahoo.co.uk

June 3, 2017

Waxa aya ahayd goor barqa ah, goobtu waa wadamada qalaad mid ka mid ah, waa wadan ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo iska dhiibay. Soomaalidii qaxday in ka mid ah waxa ay hore u wateen oo la qaxay dadkoodii qabay xanuunka dhimirka, inkalena qaxii ka dib ayay maryaha dhigatay, sababtu ha ahaato saameyntii nolasha cusub ee ay qaayibeen ama turanturooyinkii iyo qaharkii ay soo mareen, intaas waxa dheer in ayagu nolasha iskood uga haray ka dib markii ay galeen suuqa maandooriyaha. Qisadan hoose waa mid dhexmartay sadex ka mid dadkaa maanku doorsoomay, Waa Warsuge, Waayeel iyo Warfaa, oo ku sugan makhaaxida Moonlight, hadalkoodiina waxa uu u dhacay sidan:-
Waayeel; yaa qaxwaha naga bixinaya saaka?

Warfaa; Anaa inoo haya lacage qaxwe kaliya maahane cunteeya hadaad rabtaan

Warsuge; Qaxwe kaliya ayaan rabaa angu

Waayeel; Aaway shaqaalihii dalabka qaadi lahaa
Shaqaalihii; Waakan dalabkiinaa, qaxwe iyo quraacdiiba.

Waayeel; Kaarkaas lacagta ka goosta
Hadii la quraacday, waayeel ayaa hadalkii u bilaabay oo yiri

 

Waayeel; Warfaa ma in aad naga tagtid baad rabtaa?

Warfaa; Haayoo cirbadaydii la igu dhufan jiray ayaanan tagin maalmahan oo ayadii ayaan doonanayaa

Waayeel: Waa la ba’ay!!! horta ma ogtihiin in an labadiinaba idin dhaamo, oo aan irbad la igu dhufan, aan waalnaado hadaan rabee?

Warsuge; Oo maxaa jira anigu irbadaas hadaanan ku socon ma anaa cagaha dhulka ku hayn lahaa, sidaada baan dawaafi lahaa magaalada oo dhan…hahahaha waa lagaa harsan waayay

Waayeeloow, sidii taksigii ayaa xiimaysaa afarta dhinac ee magaalada, aloow yaa saacad kugu xira kiilomitirkaa goysa xisaabisa, gaari kaa dheereeya waa la waayi lahaa HA HA HA

Warfaa Ha xauusin haduu naga dhaqaaqayaaye,

Waayeel; Waa runtiin dawaafkayga ayaa la ii qaataa, anigu wali reerkii ayaan la joogaa, irbadiina hadaan qaadan lahaa, ma anaa xaafada reerkiisa ka soo toosi lahaa, idinkase waxa aad ku jidhaan iyo meesha la idin marsiiyay ma idinkaa war u haya?

Warfaa Waa runtaa oo xaafad baad leedahay intaas ayaad na dhaantaa laakiin soo adigan fariisan la’a, oo sidii qorax wareegtadii har iyo habeen dhalanhoolk ku jira.

Waayeel; Ma ogtihiin labadiinaba in aad dhufaanan tihiin? Xaas iyo reer la idiinka rajo qabana ayan jirin….dhalandhoolkaas ayaa la ii qaataa mar hadaanan sidiina dhufaanayn

Warfaa Waa runnoo hamiba iskuma arag sidaan irbada u bilaabay

Warsuge; Aduun kalaan cayrsanaa maxaa xaas iyo reer na lug xirta noo soo arkay HA HA HA

Warfaa: Warsugoow Waayeel waxbuu ogyahay,,,,, asagoo aad ogtahay oo labadayada naga sii shisheeya ayuu xaafad leeyahay……
Intuu uu Warfaa hadalka waday waxaaba soo hor istaagay gaarigii caafimaadka iyo askari la socda oo raadinaya Warfaa oo cirbadii uu qaadan jiray ka baxday waqtigii balanta loo dhigayna imaan waayay, Warfaa indhaha ayuu ku dhuftay qoladii raadinaysay, sheekadii afka ay ku hayeen ayaana ku rumoowday;Warfaa ayaan intuu sare u booday hal mar ku qayliyay cod dheer oo Soomaali ah, asagoo leh

Warfaa Aniga la i DHUFAANIMAYO
Waayeel iyo Warsuge, ayaa ka daba kacay oo leh
Warsuge iyo Waayeel: Warfaayoow ka carar yaan lagu dhufaanine

Warfaa, halmar ayuu dusha ka maray shaqaalihii caafimaadka iyo askarigii la socday, waxa uuna cararayaa laamiga, oo dukaamo soomaali ka agdhawaa, asagoo leh

Warfaa; ANIGA LA I DHUFAANIMAYO, ANIGA LA I DHUFAANIMAYO
Shaqaalihii caafimaadku ciidan degdeg ah ayay dalbadeen, ayaga oo la yaaban Warfaa, Waayo? maadaama dabeecadahan aan lagu aqoon, cirbadiisana asaga ayaa doonan jiray, waxa ayna u qaateen in xaalkiisii ka daray, marka irbadii ka dhamaatay.

Warsuge iyoWaayeel; Ma la qasbayaa hadii uu diiday in la DHufaano, Warfaayoow Diid in lagu dhufaano.

Warfaa: Yeelimayo in la i Dhufaano.
Waxaa goobtoo soo gaaray ciidankii degdeg ahaa waxa ayna laba dible u soo qabteen ninkii WARFAA ahaa, Warfaase qayluu afkii furtay asaga oo u qaylinaya Soomaalidii laga dhexqafaashay, kana codsanaya in ay ka qabtaan, waxaa hadalasiisii ka mid ahaa,

Warfaa; SOOMAALIYEEY WAA LA I DHUFAANAYAA, SOOMAALIYEEY WAA LA I DHUFAANAYAA, SOOMAALIYEEY WAA LA I DHUFAANAYAA,
Warsuge iyo Waayeel, ayaa ayaga oo daba socda waxa ay leeyihiin WARFAA WAA LASOO DHUFAANAYAA….Maxaa loo qasbayaa hadii uu diiday in la Dhufaano.
Shaqaalihii caafimaadku waa kaxaysteen Warfaa, irbadiisii markii lagu dhuftayna waxa la yiri waa in la hayo, oo aan la siidayn ilaa laga hubsanayo. Mudo ka dib ayay is arkeen saaxiibadiis asagoo degan, tusbaxiisana wata,
Waayeel iyo Warsugase waxa ay leeyihiin;
Waayeel iyo Warsuge: Waa waa Warfaa oo la soo dhufaanay;
Warfaa; Waayeeloow waad na waashay nadaa, in lagu dhufaanaad u baahan tahay, wadanka aad ka fariisatide.

  1. F;G, Qisadani waa mid ka mid ah dhibka soomalida soo gaaray, waana mid dhacday oo dhab, walow aanan rabin in aan xuso, wadanka iyo shaqsiyadka, balse waa wax in la tilmaamo mudan.

WQ MUXYADIIN XUSSEEN CIID
alcarab1@yahoo.co.uk



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *