tawakal expressgolis logo



Wada hadalo hoose oo u socda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca

CADAADO(RBC RADIO)Wada hadalo Hoose ayaa u socda Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa warbaahinta u sheegay iney socdaan wada hadalo hoose oo la doonayo in lagu soo afmeero khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexjira Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu qanciyo Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan Maamulka Galmudug isla markaane Gobolada dhexe ee dalka looga hirgaliyo Maamul Mideysan.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hoosta ka xariiqay in lasoo gaba gabayn doono khilaafka Galmudug iyo Ahlu Sunna,waxaa fashil kusoo dhammaaday shir ay garwadeen ka ahayd Dowladda Soomaaliya oo Galmudug iyo Ahlu Sunna la doonayey iney ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

 

RBC RADIO

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *