tawakal expressgolis logo



YAA GUMEEYEY GABOOYE ?????? W/Q Abdulahi Abdirahman Gardaad

YAA GUMEEYEY GABOOYE ??????
Abdulahi Abdirahman Gardaad

gardaad2017@gmail.com

June 2, 2017

Gabooye waa beel ka mida beelaha la hayb sooco waxaa sidoo kale la hayb soocaa beelaha kala ah yibir iyo tumaal waxaase ugu badan beelaha la hayb sooco beesha gabooye ee iyadu u kala baxda madhibaan maxamed, muuse dheriyo, hawle iyo reer wardheere . beelaha gabooye ayaa waxa ay degaan dhamaan deegaanada soomaalida laga soo bilaabo gobolka soomaaliyeed ee kenya hoos taga ilaa jabuuti waxa ayna leeyihiin deegaano iyo degsiimooyin ay aqlabiyad ku leeyihiin .

Beelaha la hayb sooco waxa ay haystaan diinta islaamka, mad-habka shaaficiyada, caqiidada ahlu-sunnaha, waxa ay ku hadlaan luuqadda soomaaliga, waxa ay la dhaqan yihiin beelaha kale ee wax hayb sooca, waxa ay ku nool yihiin daruufaha nololeed ee beelaha dalka degeni ku nool yihiin haday ahaan lahayd mid shaqo, mid waxbarasho, mid nabad galyo iwm .
Habada su,aasha is waydiinta mudan waxa ay tahay hadii beelaha la hayb-sooco iyo kuwa wax hayb-sooca intuba ay wadaagaan diin iyo dal, dhaqan iyo dhul, af iyo taariikh iyo in kalaba maxaa keenay in la takooro beelaha gabooye iyo kuwa la midka ah mase jirtaa taariikh la hayo oo ay ku cadahay cidii takoorka bilawday iyo sababta ay u bilawday mise waa caado la iska soo gaaray iyo waa jiri jirtay ??

Hayb-soocu waa dhaqan gurracan oo ka hor imaanaya mabaadi’da insaanimada iyo wada noolaanshaha, waa dhaqan lid ku ah qiyamka diinteena suuban ee miisaanka dadka lagu kala sarraysiiyo ay tahay u dhawaanshaha eebbe oo kaliya, waxa ay ka hor imaanaysa dhaqanka suuban ee soomaaliyeed ee caanka ku ah gobonimada, kana dhiidhiya gabood-falka iyo dulmiga, waxa uu ka hor imaanayaa midnimada iyo wada jirka umadda soomaaliyeed, waxa uuna ka dhex abuurayaa bulshada is necayb, is yasid, kala qoqob-naan iyo kala fogaansho aan la garanayn waxa uu salka ku hayo .

Hayb-soocu waxa uu dhibaato wayn ku hayaa beelaha lagula dhaqmo mana ahan dhibaatada ay ka dhaxleen dhaqanka gurracan ee isir-kala sooca ah mid aynu halkaan ku soo koobi karno, hayeeshee soomaalidu waxa ay tiraahdaa mayd waxaa ugu danbeeyey kaa la sii sido, dhacdadii ugu danbaysay ee ayaamahan baraha bulshada qabsatay ayaa waxa ay ku saabsanayd gabar la yiraahdo roodo mukhtaar yuusuf oo ah gabar ka soo jeeda beelaha wax hayb-sooca ayaa waxa ay guur kula heshiisay wiil ka soo jeeda beelaha gabooye wiilkiina waxa uu u sheegay waalidkiis si gabadha loogu doono, nasiib-darro markii gabadha aabbeheed loo tagay waxa uu ku jawaabay gacan ka hadal waxaana gacanta bidix laga jabiyey aabbihii dhalay wiilka, gabadhiina waxaa la iskugu daray jirdil iyo xarig ilaa gacmaha iyo luguhuba googo’een. Waa iga su,aale wiilkaas maxaa gabadha loogu diiday ?, haba loo diidee maxaa gacanta loogu qaaday oo waalidkiis gacanta loo jabiyey muxuu yahay danbiga uu galay mise guurkii ayaa danbi noqday ?, gabadhaan yare e wiilkii ay u aragtay in uu nolosha la wadaagi karo dooratay maxaa loo jirdilay maxayse galabsatay haday nolosheeda cidii la wadaagi lahayd ku tiri waalidkay u tag ?? .

Dhab ahaantii su,aalahaas iyo kuwo kale oo badanba wax jawaab ah uma hayo anigu waana mida igu keentay in aan is waydiiyo su,aasha ah yaa gumeeyey gabooye ???. waxa ay xaqiiqdu tahay in aysan gabooye gun ahayn balse caado khaldan oo la iska soo gaaray in majaraha inoo hayso .

Dardaaran;
Beelaha soomaaliyeed ee wax hayb-sooca waxa aan ugu baaqayaa gaar ahaan dhaqanka umada soomaaliyeed in ay ka hadlaan, ka gilgishaan kana dagaalamaan dhaqanka gurracan ee lagu hayo dadka walaalaheen ah ee wax ay inooka duwan yihiin yaba yaraatee aysan jirin. Waxa aad ogaataan inta aad dhaqan sheeganaysaan ee aad bulsho iyo beelaba madax u tihiin in ay ceeb iyo mara-ka-dhacba idinku tahay takoorka lagu hayo bulsho dhexdiina ku nool adinkuna aad isha ku haysaan .

Culimada umadda soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay arrintaan qorshe ka yeeshaan iyagaa dhaqamada gurracan ee bulshada la dagaalami jiray.

Beelaha la hayb-sooco waxa aan ugu baaqayaa in ay meesha ka kacaan una halgamaan takoorka lagu hayo sidii loo joojin lahaa. Waa in aysan is liidin oo aysan iska dhaadhicin in la takooro, waa in ay qorshe ka yeeshaan sidii dhaqankaan looga gudbi lahaa, waa in aad ogaataan in la gaari karo xilli takoorku dhamaado wadankana aad madax ka noqotaan. Tusaale waxaa idiin ku filan madaxwaynihii ugu horeeyey ee madaw ah ee maraykanka hogaamiya waxa uu ahaa barack Obama iyadoo la ogyahay waxa takoor iyo isir kala sooc lagu sameeyey bulshada madaw ee maraykanka. Halgankii iyo mirihii uu ka tagay martin luther king ayuu barack Obama madaxwayne ku noqday. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa nin aan hadlin habartiisba qadisay.



One Response to YAA GUMEEYEY GABOOYE ?????? W/Q Abdulahi Abdirahman Gardaad

  1. Mohamed Issak.

    June 2, 2017 at 11:22 am

    Ninka maqaalkan qoray wuu mahadsan yahay. Waa maqaal soo baxay xilligii loo baahnaa.
    Waan ogahay in Soomaalidu leedahay dhaqan guracan oo qabiil ku salaysan. Waxaan taageerayaa in la joojiyo Hayb-sooca iyo Cunsuriyadda bulshada Soomaalida dhexdeeda ka jirta.

    Waa inaan ogaanaa in Hayb-sooca iyo Cunsuriyaddu jiri doonaan inta an ku dhaqmayno Qabiilka iyo qoloqolada.
    Hadaba, maadaama uusan dhaqakanu si sahlan ku soo afjarmayn oo uu muddo dheer socon doono, waxaan beelaha la Hayb-sooco u soo jeedinayaa talooyinka soo socda:

    1. Haku mashquulina guurka hablaha qabiilada wax hayb-sooca oo aamina hablihiina sharafta leh.
    2. Ha u arkina in wiilkiina guursada gabadh Aji ah uu gaadhay maqaam sare ee u arka in uu aaday meel an laga rabin
    3. Ku faana haybtiina iyo hablihiina oo aamina in ay idiinka fiican yihiin kuwa Ajiga.
    4. Dhammaan dhulalka Soomaalidu degto sida Soomaaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed, Jubbaland, North-eastern Kenya (NFD), Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Jabuuti ka samaysta Degmooyin ad gaar u leedihiin ood kaga qaybgashaan siyaasadda kuna soo doorataan Xildhibaanno idin metala.
    5. Degmooyinkaas ka samaysta Iskuullo, Rugo caafimaad, Maamullo degmo, Rugo Booliis iyo dhammaan wixii degmo xaq u leedaha idinkoo kaashanaya Xukuumadaha iyo Dowlad-goboleedyada ay khusayso.
    6. Wax bara caruurtiina wiilal iyo hablaba.
    7. Haku ekaanina shaqooyinka ad hadda qataan magac-xumada idiin soo jiiday ee la tartama kuwa idinyasa.
    8. Markaad dhan kasta kala sinnaataan kuwa idinyasa, waxaad arki doontaan iyagoo hablahooda idiin oggolaada oo idin ammaanaya. (Neef walba shilalka uu isdhigo ayaa lagu qalaa).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *