tawakal expressgolis logo



Agaasime Hayb miyaad ku timid mise Aqoon(Qore: Mustafe Raage Siciid)

Agaasime Hayb miyaad ku timid mise Aqoon(Qore:Mustafe Raage Siciid)mustaferage1@gmail.com

July 3, 2017

Agaasime,waa shaqsiga ugu sareeya ee maamulka wasaarad, ha’yad ama shirkad shuruudihiisana waxaa kamid ah inuu hawshaas uu agaasimayo aqoon durugsan u leeyahey laguna soo xushaa shaqsiyad is lamarkaasna uusan dabi ka galin qaranka maxkamadna aaney xukumin ama akhlaaqdiisu sareyso iyadoo mararka boosaska qaar la eegu taariikhdiisii hore “Famil background”

Sababta waxaasoo dhan loo contoroolayo waa si looga fogaado in aysan dhicin dhibaatooyin maamulxumo iyo dib udhac bulsho, maadaama oo jagadaasi tahey dhina maamulsocosiinta tan ugu sareysa marka laga sootago .

Agaasimuhu hada shaqadiisu maxey tahey?

Inkastoo dowlad ama shirkad ay usameysantahey sidii mishiinkii oo hadii meelkamida ciladi ku timaado uu saameynayo inta kale,marka laga yimaado madaxda sare waxaa dadka qeyb aaminsanyihiin meesha loo dhimanayo ama dhaawaca uguweyni kajiro iney taheynagaassimayaasdha guud oo aan laheyn aqoon iyo khibrad ay ku maamulaan xafiisyadooda qaarkood shaqada waxey u yaqaaniin iney qeyb libaax ka qaataan dakliga hay’adaas qaarna dakhli daayoo waxey ku noolyihiin siminaarada shaqaalaha hoose loogu tala galey ee ay bixiyaan hay’adaha sida: UN,NGOS iyo WoldBanka.

Kolka aynu ognahey ama ay iska qeexantahey masuuliyada iyo waajibaadka Agaasime,hadana aynaan kuba shaqeyn ama oo aynu shaqo kale ka heyno xafiisyada dowlada sow ma fiicnaan lahey in magaca agaasime laga bedelo oo aynu magacbixin u raadino. Kaso kow noloshooda oo ay meesha ka raadsadaan qaarkood shaqooyinka ay qabtaan waxaa kamid ah qancinta madaxda kasareysa iyo isku xirka beeshiisa iyo madaweynaha hadba markaas joogo.

Ma la sixikaraa mase lala xisaabtami karaa?

Sixitaanka maamulka iyo la xisaabtanka waxaa masuul ka ah hayado u xilsaaran hadiise ayshaqeyn waayaan,la fariisiyo ama ay daneystaan maxaa inoo xeer ah wali se ma lamaqley hanti umadeed ayaa lagu xirey hebel mise khalad kamadhoco hufnaantooda ayaa sareysa.Waxey ila muuqataa in ayjiraan dhamaan hay’adihii hawlahaas ku lugta lahaa laakiin nasiib daro waa la curyaamiyey eedana iyagu malaha,balse hadii aanan mawduucan maamulka ka bixin waxaan waa nasiib daro ama diciifnimo inagu habsatey waligeena marti ayeynu u ahaaneynaa fashilka ugu weynina waa qabiilka oo ah aabaha difaaca daalimiinta waxaana markhaati u ah madaxtooyada waxaa afar iyo labaatanka saac taagan odayaal qabiilka magiciisa isticmaalaya waxeyna difaacaan hadii ay maqlaan hebel waxbuu isdaba mariyey oo shaqada ayaa laga qaadayaa isaga ayaana soo dira.

Maxeynu uga duwanahey Aadanaha kale?

Ilaahey isku mid ah ayuu u abuurey bani’aadamka hayeeshee waxey ku kala duwanyihiinoo kaliyaata waa:dhaqanka,afka,diinta,sida ay wa u arkaan ,ufekeraan,hadaba dhaqanguurka iyo dhaqan xumadu waxey ku geyeysiisaa inay kugu adkaato in aad unoolaato si la mid ah sida bani’aadamku unoolyahey kuna dhex noolaato,dabiyo,sharafdaro, saboolnimo,naxariisdaro,akhlaal la’aan khilaaf,colaad iyo cabsi joogto ah.

Dadka cilmi nafsiga bartey waxey yiraahdaan qofka waxaa raad ku yeesha koriinkiisii iyo sida loosoo tarbiyeeyey si kastoo uu usoo xajiyo u tukado u soomo hadana boogbaa ku taala qofkaas xumaant iyo tuugada iyo akhlaaqxumada ku kora hadii wax loo dhiibtona waa la eedayaa sidaas hadaba soomaalidu ugu nasiib yeelatey in ay ugu bataan dad ka xafiisyada madaxda ka ihi dad tarbiyadoodii hore su’aalo leyka weydiinkaro ayadoo ay inoo raacdo ilbaxnimo xumo iyo dhaqankeenii raacatada ahaa wey adagtahey ineynu ku raaxeysano maamul hufan.

Madax caruurtooda iyo haweenkooda saboolka u naxariisan waayey iyaguna ma guuleystaan dadkooduna wey dib dhacaan

Talo soo jeedin

  • Mar hadii arimaha maamulka aynu hanan weyney mudo dheerna aysan kasoo reynen in ay kasiidaraan mooyee
  • Mar hadii qabiilkii iyo saydaankii lasii xoojiyey
  • Mar hadesan muuqan rageedii
  • Mar hadii miyigii laga yimi aan saacadaan lagu noqonkarin
  • Mar hadii ilaah ina badey meeshaan

Waxaan oran lahaa dadka dhalinyarada ah iyo odayaasha qeybtooda wax garadka ahi ha is abaabuleen qabiilkana meel hayska dhigeen hana ku khasbeen si nabad ah dowladan iyo tukasta oo timaadaa in dawladu sameyso isla xisaabtan hoos ilaa kor si dadka muwaadiniinta ahi ugu qancaan maamulka iyo dowladnimada

Dhinacakale Dawladu ay shir degdega isugu yeerto dhamaan nabadoonada pl kana sexeexdo masuulkii la gu soo eedeeyo is daba marin talaabo kastoo sharcigu qabo hadii laga qaado aan loo hiilin lana dhaariyo umada hortooda.

 

Qore: Mustafe Raage Siciid

 

Wabilaahi towfiiq



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *