tawakal expressgolis logo



DAAWO SAWIRRO: Munaasabad sagootin ah oo xalay Kismaayo loogu sameeyay ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada

Kismaayo (RBC Radio) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay munaasabad sagootin ah guriga martida ee Magaalada Kismaayo ugu sameeyay Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo xubnaha golahiisa wasiirada ee dhawaan kulankoodii Todobadlaha ahaa ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Munaasabada caawa waxaa kasoo qayb galay labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Hay’adaha Federaalku ay shaqooyinkooda caadiga ah ku qabsadaan dalka oo dhan taasna ay wadada u xaarayso sidii Dowlada Dhexe ay u noqon lahayd mid gaadha guud ahaan wadanka.

Ra”iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayuu Madaxweynahu ku amaanay in ay ku dhiiradeen booqashooyin iyo marti soor ay Jubbaland ugu samaysay deegaano dalxiis oo ay kamid tahay deeganka Goobweyn oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in uuna amaan ka jirin balse ay Xukuumadu indhaheeda kusoo aragtay sida uu xaalku yahay.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu balan qaaday in Jubbaland ay cid walba gacmo furan kusoo dhawayn doonto dhamaan Hay’adaha Federaalka ahna ay albaabadu u furan yihiin.

Hay’adaha kala duwan ee Federaalka ayuu sheegay Mudane Axmed Maxamed Islaam in ay wada shaqayn iyo niyad sami muujiyaan gaar ahaan wuxuu ku dheeraaday sida Xildhibaanada Baarlamaanka wakhtigan ay uga badalan yihiin kuwii hore oo ay matalaad rasmi ah ku yimaadeen isla markana ay cid walba ka jecel yihiin in Qaranku dhaqaaqo.

Xildhibaanada ayuu si qota dheer ugu bidhaamiyay in ay dhamaystiraan sharciyada wali qabyada ah si looga fogaado jahawareer Siyaasadeed oo uu xusay in uu yahay waxa dalka la dagay.

Xukuumada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay kasoo dhalaasho masuuliyada saaran oo ay dalka oo dhan u arkaan in ay iyagu xukumaan lagana sugayo samata bixin tiisa.


__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *