tawakal expressgolis logo



Dadka gobollada dhexe oo billaabay isticmaalka lacagta birta Itoobiya

 

Gaalkacyo (RBC Radio) Deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaa maalmihii dambe si weyn looga isticmaalayey lacagta birta Itoobiya oo badashay lacagtii shillinka Soomaaliga,sida laga soo xigtay ganacsato iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Isticmalka lacagta Itoobiya,waxaa u sabab ah markii deegaannada laga mamnuucay shillinkii Soomaaliga,kaddib amar ka soo baxay ururka al-Shabaab.

Ganacsatada iyo dadka deegaanka waxaa ay sheegeen,maaddama lacagtii shillinka la mamnuucay ganacsi-goodana uu ku xiranyahay Itoobiya,taasi qasab inay ka dhigtay isticmalka lacagta Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa ku sheegtay shillin Soomaaliga gobollada laga isticmaalo mid been abuur ah oo lugu farsameeyey deegaanno ay ku sheegeen Puntland inay ka mid tahay,wallow dowlad-gobolleedka u beeniyay deegaannadiisa lacagta in lugu sameeyay.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *