tawakal expressgolis logo



Dowladda Hoose ee Garoowe oo bilowday howlgalo wadooyinka lagu furayo(Dhegeyso)

Garowe-(RBC Radio)-Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa saakay ka bilaabay xaafadaha magaalada howlgalo lagu furayo wadooyinka magaalada caasimada ah.

Howlgalkaan ayaa ku wajahan wax kasta oo dhibaato ku ah wadooyinka sida Baraagaha,Dhagxaanta,Dayrarka,Suuliyaasha,Xeryaha ariga iyo guryaha sida qaladka ah wadooyinka u soo galay.

Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa sheegay in howlgaladaan lagu soo celinayo bilicda Magaalada waxaana uu intaa ku daray inaan la dayn doonin cid kasta oo si qaldan wadooyinka u soo gashay.

Xasan ayaa Shacabka uga digay cidii ku jirta wado inay ka furfurtaan inta aysan howlgaladu soo gaarin isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka amaanka iyo dowlada Hoose.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo ka hadlay howlgaladaan lagu furayo wadooyinka ayaa sheegay in hadii aan wadooyin jirin aan la gaarayn waxaana uu tilmaamay inaan la ogolaan doonin wado layska xirto.

Halkaan ka dhegeyso codadka.


____

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *