tawakal expressgolis logo



Dowladda Soomaaliya oo sheegtay muddo saddex bilood ah inaysan Turkiga ka helin lacagihii uu ballan-qaaday ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda

Muqdisho (RBC Radio) Wasaaradda maaliyadda ayaa maanta shaaca ka qaaday in muddo saddex bilood aanay qasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu ballan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda.

Cabdiraxman Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda oo maanta Baarlamaanka hortagey ayaa su’aalo laga weydiiyay miisaaniyada sanadka ayaa sheegay in aanay jirin wax kaalmo lacageed oo dibadda ka timid.

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin.” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Turkiga ayaa horey si iskiis ah ugu ballan-qaaday dowladda Soomaaliya inuu ugu deeqi doono bil walba labo milyan oo doollaarka Marekanka ah,lacagaha oo loogu tala-galay in lugu kabo miisaaniyadda dowladda.

Ilaa hadda ma jiro hadal Turkiga ka soo baxay oo lugu faah faahinayo,sababaha loo hakiyey lacagihii ay dowladda Soomaaliya u ballan-qaadeen.

Gabagabadii,wasiirka maaliyadda waxaa kalo uu baarlamaanka ka hor sheegay markii su’aal laga waydiiyay,halka ay dowladda ka hesho mushaaradka ciidamada,wuxuu sheegay dadaalka dowladda inuu yahay sidii looga kaftoomi lahaa lacagaha deeqda ah,wuxuuna marka sheegay ilaa bishii bishii February ee sanadkan in ciidamo heleyeen mushaarad joogta ah.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *