tawakal expressgolis logo



Howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka oo ka socda Garoowe(Dhegeyso)

Garowe-(RBC Radio)-Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa waxaa ka socda howlgalo balaaran  lagu adkaynayo amaanka.

Howlgaladaan ayaa lagu baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha habaynkii waxaana fulinaya ciidamo gaar ah oo loogu talo galay sugidda amniga Caasimada.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay howlgaladu inay u socdaan si wanagsan islamarkaana amaanka lagu xaqiijinayo.

Cumar Faraweyne waxaa uu sheegay intii howlgaladu socdeen in gacanta lagu soo dhigay nin dhawaan Magaalada Garowe ku dilay haweenay Uurleh islamarkaan Maxkamad la soo taagi doono.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa Wariyeyaasha u sheegay in ninkaasi uu dil u geystay Haweenay uur laheyd ka dibna uu Magaalada iska dhex joogay.

Faraweyne waxaa uu sheegay in ciidamada qofkasta oo fal lidi ku ah Ammaanka ka geysta degaanada  Puntland in ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

Halkaan ka dhegeyso gudoomiyaha gobalka.


___

RBC Radio

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *