tawakal expressgolis logo



Kheyre oo beeniyay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya xukuumadda iyo Baarlamaanka

Kismaayo (RBC Radio) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horreeysay si faah faahsan uga hadlay wararka u aadan inuu jiro khilaaf u dhaxeeya xukuumadda iyo baarlamaanka.

Wuxuu ku sheegay arrinta inaysan jirin oo ay baahiyeen shaqsiyaad dano gaar ah leh,sida u sheegay ra’iisul wasaaraha.

Kheyre wuxuu si cad u sheegay waqtigan la joogo inay tahay xilliga ay u dhaxeysay wada-shaqeyntii ugu wanagsaneyd baarlamaanka iyo xukuumadda.

Hadalkan wuxuu meesha ka saaraya mooshinkii la sheegay in xukuumadda laga soo gubinayo,laakin sida ay Raxanreeb fahansantahay kalfadhiga baarlamaanka u furmay kulamadiisa hore waxaa dhici karta in ra’iisul wasaaraha loo yeero si xukuumadda loola xisaabtamo.

Ra’iisul wasaaraha wuxu hadalkan ka sheegay kulan uu galinkii dambe ee shalay magaalada Kismaayo hadal ugu jeedinayay bulshada magaalada Kismaayo.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *