tawakal expressgolis logo



Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo kulan la qaatay guddiga amniga gobalka Mudug

Gaalkacyo-(RBC Radio)-Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa ka qayb-galaya aaska AU Marxuum Marxuum Fiqi Bashiir Cabdule Cismaan oo lagu aasayo Magaaladaasi.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliyey xubno kamid ah golaha wasiirada dawlada Puntland kuwaas ayaa Gaalkacyo ka bilaabay kulamo looga hadlayo nabad galyada iyo is xog waraysi ku aadan dhacdooyinkii ugu danbeyey ee ka dhacay gobolka Mudug.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa kulan gooni ah la qaatay gudiga nabad galyada gobolka Mudug iyo wasiirka wasaarada Amniga oo ku weheliyey socdaalka madaxwayne ku xigeenka waxaana inta badan looga hadlayey kulankaasi Amniga gobolka Mudug iyo sidoo kale dadkii reer guuraagga ahaa ee Abaartu ka keentay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaailya iyo sidii loosoo dhawayn lahaa.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wadda shaqeeyo amniga gobolka Mudug sidoo kalana ay tahay in laga fiirsado amniga xoolaha ka imaanaya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kuwaas oo la sheegay inay Al-Shabaab ku dhex Qarin karaan Waxyaalaha Qarxa oo Puntland ay soo galiyaan sida uu sheegay Wasiirka amniga Puntland.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inay Gaalkacyo ka bilaabayaan kulamo lagu lafa gurayo Amniga iyo Shirarkii dhawaan ka dhacay Gaalkacyo kuwaas oo Puntland iyo Galmudug ay ku wadda qateen magaalada Gaalkacyo.

Camay ayaa sheegay Aaska kadib inay isugu yeerayaan gudiyada nabad Galyada labada dhan ee Gobolka Mudug kana dhagaysan doonaan warbixinta Amniga gudigaasi kadibna sidii loo hirgalin lahaa qodobadii dhawaan kasoo baxay shirkaasi looga hadlayo.

____

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *