tawakal expressgolis logo



Maxkamada gobolka Banaadir oo maanta dib ugu celisay carruurtii ganacsade Uunlaayee guri 27 sanadood laga haystay

MUQDISHO (RBC Radio) Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ka gaartay fadhi ay ka yeelatay kiis dacwadeed oo mudo soo taagnaa kaasoo la xiriiriyay guri uu lahaa ganacsidihii caanka ahaa ee Maxamed Ibraahim Uunlaaye.

Guriga ayaa waxaa heystay dad ku doodayayay in laga iibiyey guriga oo markii horeba marxuumka Ganacsade Uunlaaye uu qaab waqaf ah u bixiyay, sidaasna ay guriga ku heleen.

Garsooraha maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh C/llaahi oo xukunka riday ayaa sheegay in in hantida waqafka aan la iibin karin, waraaqaha lahaanshaha Uunlaaye ay ku cadahay in loo hibeeyay wiilashiisa oo labo ah; Yuusuf Maxamed Ibraahim Uunlaaye iyo Ibraahim Maxamed Ibraahim Uunlaaye.

Maxkamada ayaa isla maanta xukuntay in guriga oo ku yaalla agagaarka Bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne, lagu wareejiyo carruurta agoonta ee Uunlaayee, isla markaana lahaanshaha dadka kale ay ku sheeganayaan ay tahay mid waxba kama jiraan ah.

Go’aan ka gaarista arrinta guriga Uunlaaye ayaa ka mid ahayd kiisaska ugu adag ee horyaallay maxkamadaha gobolka Banaadir iyo kuwa qaabilsan kiisaska madaniga ah oo mudo dheerba lagu eedeynayay musuqmaasuq.

Dacwadaha isku heysashada guryaha ayaase weli ah kuwo taagan, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka cabanayaan in ay jiraan kiisas illaa jeer dad kal duwan hal maxkamad ay ugu xukuntay hal guri ama hal boostaasoo keentay in isqabqabsi badan oo la xiriira guryaha ay taagan yihiin illaa hadda.

 

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *