tawakal expressgolis logo



Mudane madaxwayne yaad soo magacaabin? W/Q Cabdirahman Gurxan Shaybe

Mudane madaxwayne yaad soo magacaabin?
Cabdirahman Gurxan Shaybe
gurxan10@hotmail.com
July 26, 2017

Waxaynu wada ognahay in Baarlamaanka Puntland kalsoonida kala laabteen Xukuumadii hore haddaba sida uu qabo Dastuurka Puntland madaxwaynuhu wuxuu Xaq uleeyahay inuu soo magacaabo Xukuumad Cusub.

Haddaba Mudane Madaxwayne yaad soo magacaabin waa Qoraalka hal kudhiggiisa

Mudane Madaxwaynaha Xil ayaa kaasaaran aduun iyo aakhiraba waa lagula xisaabtamayaa fiiri danta Umadda iyo diinda, higso muqaal ka fog saaxiib,qabiil iyo sheekadaan isla fahannaa ILAAHAY uga baq masuuliyadda aad hayso كُلُّكُمْ رَاعٍ وَكُلُّكُمْ مَسْؤول عَنْ رَعِيَّتِهِ

Inkasta oo Puntland ka dhaqaaqday meeshii hore Higsanaysana Puntland cusub, haddana manta waxaa badan dhibaatada wadanka ku habsatay sida Abaaraha,Colaada,Tahribta iyo Sixirbararka.

Hadaba wadanku wuxuu ubaahan yahay badbaado Qaran hadii aan laysugu gayn xooq iyo caqli aysan jiri doonin jeel cusub umadda(nation) hadday waydo jiil cusub ee badala jiilka kale waxay la midtahay Umadda mar dhow lagu xusi doono sheeko oo kaliya.

Mudane Madaxwayne maxaad ugu talo gashay hooyada ilmaha la daalaa dhacaysa 30 ka sano, ayna ugu darsantay Colaadda, Abaarta iyo Sixir bararka?.

Mudane Madaxwayne Maxaad u haysaa Da’yarta 80% Umadda ka ah ee markay wadankii shaqo ka waayeen mudana usoo samreen badaha ku daadanaya maan galse ma tahay inaan laysba waydiin?.

Mudane Madaxwayne maxaad ka damacday wadanka Colaada mudada dheer ku jiray haddana Qarka u saran inla qaybsado(saami suge).

Mudane Madaxwayne intaad Xilka hayso Xaquuq intee le’eg ayaad uhaysaa da’yarta wax baratay, ee ku salcaansan wadanka, ma ka qancin kartaa waxaytarto aqoontu?.

Mudane madaxwayne waxaan wada xasuusanaa inaad ku Guulaysatay hal cod ujeedkuna wuxuu ahaa isbadal,manta umadda waxay kaa doonaysaa wax la taaban karo.

waxaan markhaati ka nahay manta waxay dadkaasi hoosjoogaan Qalinkaaga adigoo ah shaqsi aduunka iyo soomaliba qaymo ku dhexleh taariikhtuna waxbay qoraysaa mudane madaxwayne.

Ugu danbaynii Mudane Madaxwayne waxaan kugu dhiira galinaynaa Xukuumaddaada Cusub 60% inaad Dhalin yaro ka soo dhigto si wadanku udago una helo jiilba jiil badala waxaadna xusuusnaataa wadanku wuxuu ubaahan yahay Khibrad iyo Awood mid kaligeed ahna meel lagu gaari mayo

Marlabaad Mudane Madaxwayne ma joogayso kusiga waligaa sidaas darteed maadaama aad tahay shaqsigii ugu Aqoonta roonaa ee soo mara Puntland ka tag Taariikh lama ilaawaan ah

Qore:Cabdirahman Gurxan Shaybe

Tell 256757518585, Kampala Uganda

Email: gurxan10@hotmail.com



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *