tawakal expressgolis logo



Qaxooti ay ku jiraan kuwii ka badbaadey weerarkii xeebaha Yemen oo soo gaarey dekedda Berbera

Berbera( RBC Radio) Dekedda magaalada Berbera waxaa ku soo xiratay dooni sidey ku dhawaad boqol ruux oo qaxooti Soomaali ah.

Dadkan ayaa dhammantod laga soo qaaday dalka Yemen,waxaana ku jira Ilaa 12 oo ka badbaadey duqeyn ay fulisay diyaarad oo horaantii sanadkan lugu beegsadey doon ay la socdeen qaxooti Soomaali ah.

Qaar ka mid ah dadka weerarka ka badbaadey oo Berbera soo gaaray waxaa ka muuqday dhaawacyo culus,qaarkood ayaa ku indha beelay,ku lixaad beelay,qaarna jajab ayaa ka muuqda oo biro ayaa ku jira,sida u sheegay sarkaaa u hadlay hay’adda IOM.

Dadkan ayaa maalmo joogi doonna magaalada Berbera si ay halkaas ugu nastaan,kaddibna qof walba waxaa la geyn doonna deegaanka uu ka soo jeedo.

__

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *