tawakal expressgolis logo



Saamaynta sicir bararku ku leeyahay dhaqaalaha Soomaaliya.W/Q Yusuf Dhaashane

Saamaynta sicir bararku ku leeyahay dhaqaalaha Soomaaliya
Yusuf Dhaashane
ydhaashane024@gmail.com
July 26, 2017

 

Yusuf Dhaashane

Waa qarmo qoraal kooban oo aan ku eegi doono saamaynta uu sicir bararku ku leeyahay dhaqaalaha soomaaliya. Iyo in aan ogaan sababaha keena in mar walba si joogta ah ay maciishadu u sii korarto iyo sida loo xakamayn karo.

Waa maxay sicir bararku.

sicir bararku waa kor u kac joogta oo ku yimaada qiimaha cunada iyo adeega ay dadku u baahan yihiin, taas oo ay keentay hoos u dhac qiimaha lacagta wax lagu iibsanayo.

Dhaqaalaha iyo lacagtu waa laba waxyaabood oo aad isku xiran oo aan kala maarmin , haddii lacagta ay ku timaado qiimo dhac waxaa ay saamayn wayn ku yeelanaysaa dhaqaalaha wadanka, sicir bararku waxaa uu ka mid yahay xanuunada halista ah ee ku yimaada dhaqaalaha. Tusaale ahaan haddii sannadkii 2016 qiimaha kiilada sonkorta ah ay ahayd 10kun oo shilin soomali ah, oo ay 2017 ay noqto 15kun oo shilin soomaali ah , waxaa ay muujinaysaa qiimo beelka ku timid lacagta shilinka ah.

Waxaa jira labo arrimood oo lagu garto in wadanka uu ka jiro sicir barar dhanka maciishada ah.
1.kor u kac joogta ah oo ku yimaada maciishada cunada iyo adeegga kale.

2.in uu noqdo kor u kaco mid la dareemayo, iyo hoos u dhac dhanka qiimaha lacagta ah .
Waxyaabaha sababa sicir bararka waa ay badan yihiin culimada dhaqaalaha ee ka hadashay sicir bararka mid walba meel ayuu xoogga saaray laakiin wax la isku waafqsan yahay dhowr arrimood.
In ay kala bataan baahida ay dadku u qabaan maciishada, iyo alaabta la soo bandhigayo , haddii ay korarto baahida dadwaynaha waxaa ay fursad u tahay ganacsatadu waxaa ay siyaadinayaan qiimaha alaabaatooda si ay uga faaidaystaan isku dheeli tir la’aanta ka taagaan suuqa , waxaa ay sabab u noqonaysaa sicir barar dhanka maciishada ah .

2. Soo saarida lacaga cusub ama daabicideeda waxaa ay keenaysaa sicir barar joogta ah tusaale ahaan haddii ay dowladu soo daabacado lacago xilli ay isku dheeli tiran yihiin baahida dad weynaha iyo alaabta taal suuqa waxaa ay keenaysaa in ay kala bataan, haddii ay korarto lacagta taal suuqa waxaa imaanaysa in ay qiimo beesho lacagtu.taas oo keenaysa sicir barar.

Canshuurtu waxaa ay kamid tahay waxyaabaha keena sicir bararka, haddii ay dowladu ay canshuur xad dhaaf ah ay saarto ganacastada iibka keenta waxaa ay aygunna ay kordhinayaan qiimaha alaabtooda, waxaana halkaas ka dhalanaya sicir barar.

Saamaynta ay ku yeelanayso dhaqaalaha iyo bulshada.

1.Saamaynta ugu badan waxaa ay ku yeelanaysaa dadka shaqaalaha ah ee lacagtooda ku qaata shilin soomaaliga, tusaale ahaan qofka ku shaqeeya 2,000,000 oo shilinka soomaliga ah waxaa laga yaabaa sanad ka hor in ay u goysay in uu isaga bixiyo lacagta kirada guriga, korantada, cunada xaafada looga baahan yahay, iyo fiiga waxbarashada caruurta, laakiin marka uu yimaad sicir barar waxaa qiimo beelaya lacagtii uu qaadan jiray waxaana laga yaabaa in ay u goyso oo kaliya in uu iska bixiyo kirada guriga uun iyo cunada caruurta.

2. Sidoo kale waxaa ay saamayn ku yeelanaysaa dadka haysta kaydka lacagta shilinka soomaaliga ah.

3. sidoo kale waxaa ay saamayn ku yeelanaysaa wax soo saarka wadanka iyo maalgashiga, sababtuna waxaa ay tahay waxaa siyaadaya qarashka kaga baxaya maalgshigooda waxaana ay keenaysaa in ay joojinayaan wax soo saarkooda si aysan u galin kharaaso taasina waxaa ay sababaysaa shaqo la’aan baahansan maadama ay istaageen waxsoo saarkii iyo maalgashigii.

Siddee loo xalin karaa sicir Bararka joogtada ah.

Waxaa jira siyaasaddo baddan oo ay isticmaalaan dowladdaha ay haysto dhibaatada sicir bararka , waxaase ugu muhiimsan waa laba siyaasaddood .

Siyaasadda dhanka lacagta ah(MONETARY POLICE), inta baddan siyaaddan waxaa ay khusaysaa bankiga dhexe oo ah xarunta maamusha soo daabicida lacagta iyo ilaalinteeda, bankiga dhexe waxaa uu la tacaamulaa banuugta ganacsiga ah ee ka jira wadanka gudihiisa, shaqadiisa waa in uu la socdo xaalada dhaqaalaha wadanka iyo lacagta laakiin nasiib daro annagu malihin banki maamula shaqadaas,waana meesha ay dhibtu ka taagan tahay.

Siyaasadda dhanka maaliyada ah(FINANCIAL POLICY) siyaadaan waxaa ay khusaysaa dowladda tusaale ah ahaan marka ay dhacdo sicir barar dowlada waxaa laga rabaa in ay hoos u dhigto qarashka ay siinayso shaqaalaheeeda si loo yareeyo lacagta faraha badan ee ku jirta suuqa .
Gunaanad.

Waxaan u baahan khubaro qaabilsan dhanka dhaqaalaha iyo banki dhexe kuwaas oo ay shaqadoodu tahay soo saarida lacagta iyo ilaalinteed sidoo kale in ay la socdaan xaalada dhaqaalaha ee wadanka. iyo in dowladdu ay xoogga saarta maciishada daruuriga in ay ka soo saarto wadanka gudihiisa .

mahadsanidiin
Qore: yusuf dhaashane
Khartou sudan
Tell :00249920431659
Email:ydhaashane024@gmail.com



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *