tawakal expressgolis logo



Shaqaale ka tirsanaa hay’ad samafal oo lugu afduubay gobolka Baay

Baydhabo (RBC Radio) Toddobo shaqaale ah oo ka tirsan hay’ad ka shaqeysa arrimaha samafalka oo lugu magacaabo GREDO iyo gaarigii ay ku safrayeen ayaa  lugu afduubay gobolka Baay,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta deegaanka.

Afduubka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo, waxaana dadka la afduubtay oo ahaa Soomaali ay isugu jireen darawalka gaariga, labo haween ah iyo afar rag ah.

Hay’adda GREDO oo ah mid maxalli ah ayaa  qaabilsaneyd howlaha gar gaarka bani’aadanimada, waxaa ay ka howl galeysay deegaanada koofur galbeed.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay afduubka shaqalahan,balse wuxuu qeyb ka noqonaya falal noocan ah oo inta badan ka dhaca qeybo ka mid ah koonfurta dalka.

__

RBC Radio

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *