tawakal expressgolis logo



Shaqo La’aanta Haysata Dhalinyarada Soomaaliyeed W/Q: Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamed

W/Q: Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamed
Mudane ka tirsan Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Mudane Senator/Xildhibaan waxaan filayey in dawladda cusub ay shaqaale qaadan doonto islamarkaana aan fursad ka heli doono ee maxaa dhacay ku dhowaad 6 bil wax is bedel shaqo abuur ah ma leh?” waa mid ka mid ah asxaabta.

Ustaad Xuseen jaamacadii waxaan dhameeyey muddo laba sano ka hor, welina wax shaqo ah ma helin, dadaalna iima yara ee maxaa fursado ah oo aad heysaa?” waa ardey kale.

Wiilkeenii, ilmihii aad macalinka u ahaan jirtey jaamacadii ayay dhameeyeen guriga ayay iska fadhiyaan midna wuuba tahriibey wadankii waa la yaaban yahay ee adinkaa dawladii ku jiree talo keena oo shaqo iigu raadi caruurta.” Waa odey Soomaaliyeed oo awlaadiisa wax u dhigi jirey.

Lama soo koobi karo su’aalaha maalin walba ay dadka na waydiinayaan ee la xiriira shaqo la’aanta gaar ahaan dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxay ee filayay inay si deg deg ah wax u qabsadaan una abaal gudaan walaalidiintii mudada soo barbaariyey waxna soo baray. Waana sababta igu kaliftey inaan qoro maqaalkan kooban.

Xaqiiqada Shaqo la’aanta

Soomaaliya oo ah wadan mudo dheer ku jirey deganaansho la’aan siyaasadeed, dagaalo, abaar waxbarasho la’aan iyo faya-dhowr xumo ayaa horseedey dhaqaale burbur muddo dheer ah taas oo saameyn daran ku yeelatey suuqa shaqada gaar ahaan dhalinyarada.

Ururka Shaqaalaha Aduunka ee ILO waxay 2016 qortey in Dakhliga qofka Soomaaliga soo gala celcelis ahaan sanadkii uu yahay $ 226 (laba boqol labaatan iyo lix doolar), halka dalka Qadar oo ah wadamada ugu qanisan aduunka uu yahay $141,543 (boqol afartan iyo kowkun, shan boqol afartan iyo saddex doolar). Layaab soo mahan farqiqa! Bulshada Soomaaliya 73% waa faqiir halka 43% oo kamid ah ay ku adag tahay nolosha. Waxaa intaas sii dheer in ka badan 70% waxay da’ ahaan ka yer yihiin 30 jir oo macnaheedu tahay in dhalinyarada ay ka badan tahay dadka waaweyn. Warbixinta xagga Horumarka ee aadanaha ee Soomaalia (Somalia Human Development Report) ee 2012 waxay leedahay in ka badan 54% dadka shaqeyn kara (Active Population) waa shaqo la’aan! Waxay kaloo cadeynaysaa warbixinta in da’ yarta u dhaxaysa 14-29 ay 67% ay yihiin shaqo la’aan. 5 sano ka dib war bixinta oo ay xasilooni daro siyaasadeed iyo amni xumo sii jirto islamarkaana ardayda jaamacadaha iyo iskuulaadka ka soo qalin jabiya ay sii korortey maxaa la filan karaa? Sidoo kale in ka badan 40% dhalinta shaqo la’aanta ah waa shaqo doon!

Horumar yar

Ayadoo ay baahdey shaqo la’aanta haysata dhalin yarada Soomaalieed ayaa hadana waxaa jiro waxoogaa yer oo horumar ah oo ay horseedey dhowr qodob oo is biirsadey. Waxaa ka mid ah dawladda, shirkadaha gaar ka loo leeyahay, hay’ado caalami ah iyo kuwo gudaha ah oo bixiya fursado shaqo inkastoo la tilmaamo in nidaamkooda shaqo qoristu uu yahay mid jid fiican aan loo marin. Qodob labaad ayaa ah in ay soo badanayaan xirfadlayaal wax bartey oo leh xirfado caam ah iyo kuwo gaar ah maadaama ay bateen jaamacadaha iyo goobaha kale taasna ay horseedeyso in aqoonta lagu tartamo. Amniga oo yara hagaagaya oo dhiiri gelin u ah maalgashi Soomaali iyo ajnabiba leh ayaa ah qodob kale oo horumar laga dareemayo. Waxaa kaloo qodob muhiima ah in ay bangiyada qaar sameeyaan maalgelino yar yar oo horseeda in ay dhalinyaro badan ku dhiiradaan hal-abuur iyo ganacsiyo yar yar.

Suuqa Shaqada

Dawladda: Inkastoo ay dhaliil badan ka jirto nidaamka shaqaale qorista ee dawladda oo weli la meel marinin Siyaasadda shaqaale qorista hadana waxaa sanadihii la soo dhaafey sii kordhayay ilaha shaqaalaha ee ay abuureen heerarka kala duwan ee dawladda; federal iyo maamul goboleedba leh. Ayadoo ay sidaas ku abuurmeen kumanaan shaqo ayaa hadana waxaa aad looga deyriyaa inaanay jirin nidaam sax ah oo ku kala xisaabtamaan loo shaqeeyaha (Dawladda) iyo shaqaalaha oo in badan ka cawda xuquuqdii mushaar ee lagula heshiiyey inaan la siinin. Waxaa shaqeeya guddiga Shaqaalaha Rayidka ah lehna heer federal iyo dawlada gobolbeed oo ku shaqeeya shariciga Shaqaalaha Rayidka ah ee loo yaqaan No. 11 (Law number 11) gudigaas oo shaqdiisu ay soo hagaageysey mudooyinkii danbe.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay: waxaa si la mid sida ay dawladda shaqo u bixiso u bixiya shirkadaha gaar ka loo lee yahay. Inkastoo ganacsatada Soomaaliyeed ay ammaan gaar ah mudan yihiin oo ay mudadii burburka ay buuxiyeen kaalin fiican hadana waxaa mar walba loo jeedinayay eed ah in sharciga ay maankooda ku heystaan ku maamulaan shaqaalaha u shaqeeya islamarkaana aanay u marin shaqo qorista nidaam hagaagsan.

Hay’adaha caalamiga, UNka iyo kuwa maxaliga ah: Il kale oo shaqo ayaa noqotey hay’adaha gargaarka bixiya oo mudo dheer ayaga ka shaqeynayay taakuleynta dadka dhibaateysan. Waxay abuuraan sidoo kale shaqooyin badan laakiin intooda badan kuma shaqeeyaan sharciga shaqaalaha ee wadanka ee waxay ku shaqeeyaan kan wadanka ay ka yimaadeen ama sida ay sheegaan kan caalamiga ah gaar ahaan UNka. Laakiin kuwa maxaliga ama localka ay la mid sida ganacsatada oo jeebkooda ku sita sharcigooda. Dhaliilaha kale ee loo jeediyo hay’adaha aan dawliga ahayn ayaa ah in shaqaaleysiintooda ay ku kooban tahay muddo gaaban sidaa awgeed dadka u shaqeeya ay cabsi mashruuc dhamaansho ku nool yihiin ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Job Insecurity”.

Waxyaabaha kordhiyey shaqo la’aanta

Amni iyo nidaam daro: Qodobka ugu weyn ee horseedey burbur dhaqaale, xasilooni daro siyaasadeed iyo fawdo ayaa ah amni darida baahdey ee mudada jirtey taas oo horseedey shaqo la’aan baahsan oo laga yaabo qoys ka kooban 7 xubnood inuu hal qof ka shaqeeyo isla markaana ay tahay shaqo aan la isku hubin oo dhaqaale ahaana qoyskaas ku filneyn.

Kororka baraarugga waxbarasha iyo Tayada waxbarashada: Baraarugga waxbarasha waxaa ay sii kordhisay ardeyda jaamacadaha gudaha iyo dibadda ka soo qalin jabiya sanad kasta ayadoo aanay jirin suuq shaqo oo furan oo horey aanay shaqo ka helin. Waxaase intaas sii dheer in aad looga deyriyey tayada ardeyga soo qalin jebiya oo aan inta badan lahayn xirfado gaar ah oo uu ku adeegsado goobta shaqada marka laga soo tago maadooyinka uu soo qaatey oo uu aragti guud ka haysto. Waxaa la joogaa sanadka warqadaha oo dadkii waxaa ku dhacay cudurka warqad badsashada (Paper Qualification Syndrome) oo waxaad arkeysaa ardey ku leh waxaan haystaa shahaadada masterka laakiin aan qori karin warbixin yar oo ku saabsan howl la qabtey. Arimahan oo dhan waxay hordhiyeen shaqo la’aanta ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Dhiiri gelin la’aan ardeyda gudaha wax ku baratey: “Saaxiib aniga waan tahriibayaa si aan baasaboor u soo qaato maxaa yeelay Soomaaliya waxaa qiimo ka leh dadka baasaboorka ajbaniga ah wata marka ay noqoto mudnaanta shaqada”, waxaa sidaas ku doodaya mid ka mid ah dhalinyarada gudaha wax ku baratey oo laga doorbidey ama laga mudnaan siiyey qofkii asaga la midka ahaa dhanka waxbarashada ee dibada ka yimid. Dhaliilaha mudada soo jirey welina sii kordhaya ee loo jeediyo xukuumadaha dalka soo marey si gaar ahna loogu eedeeyey xukuumada Raysul-wasaare Kheyre ayay ka mid tahay. Waxaaba sii dheer in hay’adaha qaar sida IOM ay shaqaalaha qaar ee ay qaadanayaan ay shuruud uga dhigaan inuu qofka wato baasaboor ajnabi ah ayadoo qofkaasna ay tahay inuu ka shaqeeyo gudaha Soomaaliya. Sidoo kale dadka ajnabiga ah ee Soomaaliya ka shaqeeya islamarkaana qabta shaqo uu qaban karo qof Soomaali ah sida ay dhowaan sheegeen qaar ka mid golaha wasiirada ayaa ah mid niyad jab ku rida dhalinyarada gudaha wax ku baratey.

Qaabka shaqo qorista oo aan sax ahayn (musuq maasuq): Hay’adaha dawladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, hay’adaha aan dawliga ahayn iyo dhamaan inta wax shaqaaleysiisa ayaa lagu eedeeyaa in shaqaalaha ay qaataan aaney u marin nidaam daah furan oo horseeda in qofka saxda ah loo qaato booska saxda ah. Taa bedelkeeda ay doorbidaan in qaab hoose loo qaato qofka ayadoon la soo bandhigin laguna qaato eex, qof jecleysi ama reer. Arinkan wuxuu horseedaa in tayada shaqada ay xumaato islamarkaan qofkii saxda ahaa ee ay ahayd inuu shaqadaas qabto uu niyad jabo.

Abaaraha iyo u soo haajirida magaalooyinka: Sidoo kale waxaa shaqo la’aanta sii kordhiyey abaaraha joogtada ah oo horseeda in dadka noloshooda iyo xoolahooda ay dhaafaan taa oo sababta in dad tiro badan ay galaan magaalooyinka ayagoo nolol iyo shaqo raadis ah.

Natiijo xumo ka dhalatey shaqo la’aanta

Shaqo la’aanta baahsan ee ka dhalatey qodobo badan oo is biirsdey ayaa waxaa ka dhashey waxyaabo badan oo raad xun ku yaashey bulshada guud ahaan gaar ahaan dhalinyarada. Waxyaabaha ugu daran waxaa ka mid ah: ku biiris ururada hubeysan sida Al-shabaab iyo maleeshiyo beeleedyada, tahriib ama safar si sharci daro ah looga gudbo wadamo kale, in dhalinyada ay guurka ku degdegto ka dibna uu furiinka bato, sharafta qofka oo hoos u dhacda, tayo xumo nololeed iyo waxyaabo badan oo aan la soo koobi Karin.

Talooyin

1) Dawladda: Waxaa si gaar ah uga saan xil inay yareyso shaqo la’aanta isla markaana la timaado siyaasado wax ku ool ah oo lagula tacaalo shaqo yarida. Si gaar waxaa lagula talinayaa:

B) Hay’adaha kala duwan ee dawlada sida xukuumada iyo baarlamaanka labada gole waa inay si deg deg u soo saaraan sharciyada iyo siyaasadaha dhiiri geliya maalgashiga dalka hadii uu horey u jireyna la dhaqangeliyo. Si gaar ah waa in la soo saaraa siyaasado lagu dhiiri gelinayo in dhalinyarada ay dalkooda ka shaqeystaan.

T) Sidoo kale dawladda waa inay meel marisaa siyaasadda shaqo qorista ee dalka si guud ahaan loo shaqeeyaha uu u helo nidaam daahfurin oo lagula xisaabtamo marka uu shaqaale qoranayo.

J) Xukuumadda waa inay dardar gelisaa dhisidda guddiga la dagaalan musuqmaasuq si ay u dhamaato eex, wax is daba marin iyo reer hebel.

X) Maalgelinta iyo nidaaminta waxbarashada oo ay xukuumada ku darto muhiimadaha si loo helo adeeg waxbarasho oo tayo leh ayaa ka qayb qaadan karta in hoos loo dhigo shaqo la’aanta dhalinyarada.

KH) Maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka ayaan horseed u noqoneyn oo kaliya in shaqo abuur la helo ee waxay sahleysaa adeegyada guud, dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo isu-socodka dadka.

D) In dawladda gaar ahaan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay abuurto Mac-had ay ku xirfad bartaan ardeyda soo qalin jebisey si ay u helaan khibradda shaqo ee uu ku shuruudinayo loo shaqeeyaha.

R) Dawladda waa inay la timaadaa siyaasado iyo nidaam si gaar ah loogu dhiiri gelinayo ardeyda Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadba wax ku soo bartey laakiin aan sidanin baasaboor ajnabi ah si aaney ciriiri u gelinin ajnabiga iyo qorba joogta.

S) Sidoo kale dawlad goboleedyada ayaa lagula talinayaa inay qaadaan talaabooyin la mid ah oo horseeda in dhalinyarada ay shaqo helaan isla markaana ay kaga waantoobaan dhiibaatooyinka ayaga loo adeegsado.

2) Shaqo doonayaasha:

B) Hal-abuur ganacsi iyo isku filnaasho: inta badan dhalinyarada Soomaalida marka ay wax-bartaan waxay aad isugu dhabar jebiyaan inay dad kale u shaqeeyaan taa bedelkeedana aanay ku isku mashquulinin inay la yimaadaan fikrado ganacsi oo ay uga maarmaan inay dad kale u shaqeeyaan. Hadaba dhalinyaro qabriga hala aadina adinkoo maskaxdiina ay fikrado ka buuxaan!

T) Shaqodoone, ma tahay qofkii loo baahnaa oo ma leedahay xirfado kugu filan oo aad ku shaqeyn karto? Sababta su’aashan ayaa ah in dhalinyaro badan ay ku fikiraan oo keliya inay jaamacada dhameeyaan laakiin aaney lahayd xirfado ama waxyaabo kale oo muhiim u ah goobta shaqada. Ardeyda waxaa lagula talinayaa inay bartaan xirfado gaar oo la xiriirta aqoonta guud oo ay baranayaan weliba inta aaney jaamacadda ka qalin jebinin.

J) “Geela gal oo Garoor ka keen” ayaa ku qafilan inta badan dhalinyarada soo dhameeyey jaamacadaha. Kol hadii aad cusub tahay oo aad mar dhow soo qalin jebisey islamarkaana loo shaqeeyaha uu kugu xujeynayo dhowr sano oo khibrad shaqo ah waxaad u baahan tahay inaad raadsato “Xirfad shaqo ku bedelasho”, Internship ama inaad si volunteer ah u shaqeyso sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaadan dhakhso u helin shaqo mushaar fiican leh oo u qalanta adiga iyo shahaadada aad wadato.

3) Loo shaqeeyaha: Loo-shaqeeyaasha oo ay ka mid yihiin dawladda, sharkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha aan dawliga ahayn waxaa lagula talinayaa inay ay isticmaalaan nidaam daahfuran oo fursado isku mid ah siinaya dadka shaqo doonayaasha ah si ay ugu fududaato in qof sax ah iyo boos sax isugu aadaan ka dibna tayada shaqada iyo wax soo saarka u wanaagsanaato.


W/Q: Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxamed
Mudane ka tirsan Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Mobile: +252-61-2378000/+252-61-5869978
E-mail:husseinhaaruun@gmail.com



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *